Ibraahim Axmed Kooshin oo dilay habeen kahor Allaha u naxariistee Taliyihii Booliska degmada Jariiban G/lle Guuleed Kadleeye – ayaa saaka lagu fuliyay qisaasta dilka Guuleed.
Marxuum Ibraahim oo ay soo qabteen laamaha Ammaanku saacado kaddib dilka Guuleed Kadleeye, ayaa shalay ehelladiisu ku wareejisay qoyska uu ka dhashay Taliye Guuleed.
Talaabada toogashada qisaasta ah loogu fuliyay dilaaga Taliye Kadleeye ayaa loo arkaa mid wax ka bedelaysa xaalka Amni ee gobolka Mudug, iyadoo farriin u diraysa kooxaha abaabulan ee dilalka ka geysta gobolka iyo maleeshiyaadka hubaysan ee u shaqeeya gacmaha ka baxsan kuwa dowladda Puntland.
IDILNEWS NEWS
