Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo beenisay in ay Safaarad ka furanayso Hargaysa
    Somalia

    Kenya oo beenisay in ay Safaarad ka furanayso Hargaysa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 14, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka arrimaha didbadda iyo qurbajoogta ee Kenya Dr Alfred Mutua ayaa sheegay dalkiisu inuu qorsheyneyn inuu safaarad ka furto Somaliland.

    “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato Hargeysa, sida lagu sheegay baraha bulshada qaarkood iyo kuwa si khaldan u sheegayba,” ayuu yiri Dr Alfred Mutua.

    Wuxuuna intaa raaciyey Kenya iney safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, siyaasadda saxda ee Kenyana ay tahay iney ilaaliso xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal.

    Hadalka Mutua ka soo yeeray,ayaa ku soo beegmaya xilli la baahiyey war sheegaya iney Kenya safaarad rasmi ah ay ka furaneyso magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa.

    Amar madaxweyne oo 9-ka bishan January ka soo baxay madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad iyo qunsuliyado ka furaneyso 6 waddan, taasi oo qeyb ka ah iskuday lagu ballaarinayo xiriirka howlgallada diblumaasiyadeed ee ay Kenya la leedahay caalamka intiisa kale.

    Amarkan, oo uu tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa lagu sheegay safaarado ama qunsuliyado inuu dalka Kenya ka furanayo magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa.

    Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

    Lixda safaaradood ama Qunsuliyadood ee cusub oo ay Kenya Waddamadaasi ka furaneyso ayaa 66-Gaarsiinaya tirada Waddamada ay Kenya safaaradaha ku leedahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.