Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kobaca Dhaqaalaha Maraykanka oo kor ukacay abuurayna Shaqooyin door ah
    Somalia

    Kobaca Dhaqaalaha Maraykanka oo kor ukacay abuurayna Shaqooyin door ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 4, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin cusub oo laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in bishii January ee dhowaan dhamaatay in la abuuray illaa 517,000 oo shaqo taasoo ah, arrin sawir fiican ka bixinaysa heerka koboca dhaqaalaha, xilli uu bangiga dhexe ee Maraykanku uu isna sare u qaaday lacagaha dulsaarka ah.

    Heerka shaqo la’aanta Maraykanka ayaa haatan hoos ugu dhacday illaa 3.4%, waana heerkii ugu hooseeyey ee ay gaadho muddo ku siman nus qarni.

    Warbixintan oo ay soo saartay dawladda Maraykanka ayaa intaas ku dartay in arrintani ay sawir fiican ka bixinayso, koboca suuqa shaqada ee Maraykanka, iyo heerka shaqo la’aanta oo hoos u socda, halka dad koobani ay haatan shaqooyinkooda ka fadhiisanayaan, taas bedelkeedana ay jiraan shaqooyin badan oo banaan oo la heli karayo.

    Shaqooyinka la abuuray bisha January ee sannadkan ayaa ka badan illaa 269,000 oo shaqo, marka la barbardhigo shaqooyinkii la abuuray bishii December ee sannadkii hore.

    Shirkadaha ayaa haatan raadinaya shaqaale badan, halka ay ilaashanayaan shaqaalohooda ay haatan haystaan, maadaama suuqa shaqadu uu xaami yahay oo tartan adagina ka jiro.

    Inkasta oo qaar ka mida shirkadaha waaweyn ee ka ganacsada tiknoolojiyadda sida Microsoft, Amazon iyo Google ay eryeen shaqaale badan, haddana, shaqaalaha ayaa haatan ku naaloonaya shaqooyinkooda oo ammaan ah ama aanay ka baqaynin in debedda la dhigo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.