Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Nin loo qabtay dilka Taliyihii Booliska Jariiban.
    Puntland

    Nin loo qabtay dilka Taliyihii Booliska Jariiban.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 16, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin hubaysan ayaa xalay ku toogtay degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Taliyihii Booliska Jariiban G/lle Guuleed Kadleeye.

    Alle ha u naxariistee marxuum Guuleed Kadleeye ayaa dhowaanahan hoggaaminayay howlgallo culus oo ka dhan ah kooxo Burcad-badeed ah iyo maleeshiyaad kale oo hubeysan oo falal amni darro ka geysanayay degmada Jariiban.

    War kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug ayaa lagu xaqiijiyay geerida Taliye Guuleed. Taliska ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Ibraahim Axmed Kooshin oo ku eedeeysan dilka Taliyaha.

    “Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay eedeysanaha lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu geystay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye.”

    Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamadu lagu soo qabtay eedeeysanaha loo haysto dilka G/lle Guuleed.

    “Taliska ayaa sheegay in howlgal degdeg ah oo ay ciidamada boolisku fuliyeen lagu soo qabtay eedeysanaha, isla markaana la horgeyn doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo marsiiyo.”

    “Ugu dambeyn, Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa mar kale tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka, iyagoo Alle uga baryay inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo Marxuum G/le Guuleed Kadleeye, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Puntland.”

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.