Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kulan qaatay saacado badan la yeeshay Haldoorka gobolka Nugaal (Ciise Maxamuud), kuwaas oo isugu jiray odayaal dhaqan, siyaasiyiin, Ganacsato iyo aqoonyahano.
Idilnews ayaa ogaatay in kulanka oo ku bilowday warbixin uu Madaxweyne Deni ka siiyay haldoorka Beesha Ciise Maxamuud ‘xaalada Guud ee deegaanka ee dhinacyada Amniga iyo siyaasadda’ – ayaa dib laga guda galay ujeedada uu ugu yeeray Madaxweynuhu.
Siciid Deni ayaa la wadaagay Beesha Ciise Maxamuud labo qodob oo kali ah:
1. In aysan Dowladda Puntland duulaan ku ahayn maleeshiyaadka Beesha Ciise Maxamuud ee ku xareysan xerada Ligle, balse aysan aqbali doonin maleeshiyaad ka Amar qaata maamulka Xassan Shiikh oo uu hoggaaminayo Jimcaale.
2. In uu ka doonayo in ay iska bari yeelaan kooxaha abaabulan ee ka shaqeynaya Ammaan darrada deegaanka, gaar ahaan caasimadda Garoowe, ayna kala kaxeystaan wiilashooda ama loo qarameeyo Ciidan sharci ah oo Dowladdeed.
Dood dheer ayaa ka dhalatay soo jeedinta Madaxweynaha, xubnaha ka qeybgalay Shirka qaar ayaa ku eedeeyay Siciid Deni in dhallinyarada uu dayacay, ayna yihiin wiilal dalka u soo shaqeeyay. Madaxweynaha ayaa muujiyay dhowr qodob oo uu ugu garnaqsaday, ugana jawaabay xubnihii hadlay, oo ugu dambeyn ka garaabay odaynimada uu muujiyay Madaxweyne Deni.
Haldoorka Beesha Ciise Maxamuud ayaa sheegay in aysan gorgortan ka galeyn ilaalinta xasiloonida iyo midnimada Puntland, ayna yeelayn in loo soo waarido caasimadda fikir halis galinaya ammaanka Puntland, kaas oo ka yimaada Muqdisho.
Intaa kaddib Madaxweynaha ayaa kulan ka baxay, waxaana dood gaar ah yeeshay Haldoorka Beesha Ciise Maxamuud, oo uu dhex joogay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, iyagoo ugu dambeyn iska dhex qabtay Guddi 13 xubnood ah, kuwaas oo kasoo Talo bixinaya maleeshiyaadka Beesha ee duljooga Garoowe, iyagoo qabsaday waqti asbuuc ah oo ay dib ugu soo celiyaan Madaxweyne Deni go’aanka ay ka gaarayaan maleeshiyaadkan, inta ka horreysana Madaxweynuhu fursad siiyo, lagana qaadin wax Talaabo ah.
IDILNEWS
