Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»TALO-SOO-JEEDIN: Sidee Puntland Looga Badbaadin Karaa Maalgelinta Khalkhal-gelinta Amniga?
    Puntland

    TALO-SOO-JEEDIN: Sidee Puntland Looga Badbaadin Karaa Maalgelinta Khalkhal-gelinta Amniga?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2026No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taariikhdu waxay na bartay in dagaalka casriga ah uusan ahayn oo keliya mid qori iyo rasaas ah, balse uu yahay dagaal dhaqaale iyo mid maaliyadeed.

    Sida la wada ogsoon yahay,

    xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Puntland wuxuu maanta wajahayaa isku-dayo lagu daciifinyo, kuwaas oo loo isticmaalayo dhalinyaro Accounts Looga furay Salam Banki si lacago xamar Laga soodiray Loogu somariyo oo Reer puntalnd ah

    Haddaba, si weeraradan maaliyadeed looga hortago, ma jirto baahi loo qabo in la xiro bangiyada ama la curyaamiyo ganacsiga xorta ah.

    Balse Furaha iyo dalka kaliya ee arrintaan wax looga qaban karo, si sharci ahna u xakameyn kara mashiinka maaliyadeed ee Muqdisho ka imaanaya waa Dowladda Isku-taga Imaaraadka Carabta (UAE).

    Maxay UAE u tahay dalka kaliya ee xalka u ah arrintan?
    Laf-dhabarta Maaliyadeed ee Bangiyada Soomaaliya: Badankood bangiyada gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xaruntoodu tahay Muqdisho sida Salaam Somali Bank, nidaamkooda lacagaha caalamiga ah (Swift blocks, Dollar clearing) iyo akoonnada u furan (Nostro Accounts) waxay ku yaallaan magaalada Dubai.

    Dowlada Imaaraadka ayaana gacanta ku haysa halka ay marto neefta maaliyadeed ee bangiyadan.

    Xiriirka Istiraatiijiyadeed ee Puntland iyo UAE: Puntland waxay xiriir qoto dheer oo dhanka amniga, dakhliga, iyo ganacsiga ah la leedahay dowladda UAE
    Sidaa darteed, Puntland waxay leedahay miisaan siyaasadeed oo ay miiska wadahadalka u saari karto dowladda UAE.

    Hadaba Talo-soo-jeedin Ku Socota Dowladda Puntland:

    Xafiis Dhexe oo Sirdoonka Maaliyadda ah (FIU): Waa in Puntland ay si degdeg ah u xoojiso hay’addeeda sirdoonka maaliyadda, iyadoo ururinaysa caddaymo suuban (Evidences) oo muujinaya akoonnada rasmiga ah ee lacagaha khalkhal-gelinta ah lagu soo marsiiyo Salaam Bank iyo adeegyada la midka ah.

    Galka Dacwada Maaliyadeed (Financial Sanctions Dossier): Dowladda Puntland waa inay gal dacwadeed oo dhammaystiran oo ay ku qoran yihiin magacyada akoonnada, cadadka lacagta, iyo cawaaqibka amni-darro ee ay keeneen u gudbiso Bangiga Dhexe ee UAE iyo hay’adda la-dagaallanka lacag-dhaqidda ee Imaaraadka.

    Maamulka Sare (Corporate Pressure): Marka dowladda UAE loogu hanjabo bangiyadan in akoonnadooda Dubai ku yaal la xayiri doono ama lagu dari doono liiska “Maalgelinta Argagixisada iyo Khalkhal-gelinta Gobolka”, maamulka sare ee Salaam Bank waxay ku qasbanaan doonaan inay gudaheeda ka xiraan, xogtoodana dhiibaan dhalinyarada iyo maleeshiyaadka lacagaha loo soo qoray si ay ganacsigoooda caalamiga ah u badbaadiyaan.

    Dagaalka lagula jiro lacagaha Muqdisho laga soo diro kama bilaamo Galkacayo Garowe, boosaaso iyo Qardho iyo galdogob Balse wuxuu ka bilaamaa Dubai. Haddii Puntland ay si xirfad iyo diblomaasiyad leh u isticmaasho kaarka UAE, waxaa si fudud loo fariisin karaa mashiinka maaliyadeed ee xasilooni-darrada looga dhex abuurayo gudaha Puntland.

    WQ.Abdishakur Ali Timo

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.