Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga iyo Pakistaan oo si adag uga hor yimid Quraan gubista Siyaasiga reer Denmark
    Somalia

    Turkiga iyo Pakistaan oo si adag uga hor yimid Quraan gubista Siyaasiga reer Denmark

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkiga iyo Pakistan,ayaa si adag uga falceliyay ficilkii jimcihii Rasmus Paludan uu kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku gubay bannaanka misaajid ku yaalla Magaalada Copenhagen iyo Afaafka hore ee Safaarada Turkiga uu ku leeyahay Dalka Denmark.

    Ka dib markii ay arrintan dhacday,waxaa Safiirka Denmark looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga, halkaasoo mas’uuliyiinta Turkiga ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha la siiyey Rasmus Paludan ee uu ku samaynayo falkan daandaansiga ah oo si cad u muujinaya nacaybka.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa markii dambe soo saartay bayaan ay ku sheegtay Paludan inuu yahay…

    “Shakhsi neceb Islaamka,waxayna ka xuntahay in loo ogolaaday inuu banaanbax noocaas ah sameeyo”.

    Ka dib falkii Paludan ee Sweden ee Todobaadkii hore, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu uga digay Stockholm inaysan rajeynin taageerada dalabkeeda NATO.

    Turkiga ayaa sidoo kale muddo aan la cayimin dib u dhigay shir muhiim ah oo ka dhici lahaa Brussels kaasoo looga hadli lahaa xubinnimada Sweden iyo Finland.

    Dhanka kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan,ayaa soo saartay bayaan ay si adag u cambaaraynayso arrintan, waxaana lagu yiri…

    “Pakistan waxay si adag u cambaaraynaysaa falkii ceebta iyo gardarrada ahaa ee lagu gubay Qur’aanka ee Denmark,Sababo la xiriira Islaam nacybka,iyadoo maalmo ka hor sidan oo kale fal sharaf dhac ah uu ka dhacay Sweden”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo labo arrimood laga sugayo kaddib soo laabashadiisa todobaadkan

    October 4, 2026

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    October 3, 2026

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    October 2, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo labo arrimood laga sugayo kaddib soo laabashadiisa todobaadkan

    The Destructive Legacy of Dictatorship

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    Itoobiya oo xirtay safaaradeedii Asmara, ceyrisayna dublamayaasiyiin Eritrean ah

    Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

    Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha DDS

    Al-Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Muqdisho & diyaaradaha F-16

    PMPF operations have cleared Puntland coast spanning up to 1,650-KM from piracy

    الصومال في ظل التحولات الجيوسياسية الإقليمية والدولية










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.