Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐„๐ซ๐ข๐œ ๐“๐ซ๐ฎ๐ฆ๐ฉ.
    Somalia

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐„๐ซ๐ข๐œ ๐“๐ซ๐ฎ๐ฆ๐ฉ.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 22, 2026Updated:January 22, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada DAVOS ee dalka Switzerland kulan Taariikhi ah oo casho sharaf ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Israaโ€™iil, Mudane Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka.

    Kulankani waxa uu ahaa kulan bog cusub oo taariikhi ah u furay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israaโ€™iil.

    Kulankan oo ku dhacay jawi ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo dano-wadaag, ayaa labada Madaxweyne waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen danaha lama huraanka ah ee ay labada dhinac wadaagaan, gaar ahaan xoojinta xidhiidhka dawladnimo, horumarinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Difaaca, Teknoolajiyadda, Beeraha, Biyaha, Caafimaadka, Tamarta iyo Macdanta, horumarinta iskaashiga bulshada, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynaha, Dawladda iyo Shacabka Israaโ€™iil si qoto dheer ugaga mahad naqay Aqoonsiga rasmiga ah ee Dawladda Israaโ€™iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland 26.12.2025-kii, isaga oo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo geesinimo iyo ku-dhacba lahayd, taasoo 34 sano ka bacdi si dhab ah u xaqiijisay xaqa ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin in ay noqdaan Dawlad madax-bannaan oo ka mid ah Beesha Caalamka.

    Sida oo kale, kulanka casho sharafta ah waxa labada Madaxweyne ku wehelinayey wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee la yidhaa Eric Trump.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynaha dalka Israaโ€™iil u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib dhab ah oo la isku hallayn karo, dadkiisuna aanay weligood illaawin cid kasta oo abaal u gasha. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay tahay dal nabad-jecel, masโ€™uul ah, kuna suntan xasillooni, dimuqraadiyad, Dawlad wanaag iyo ku dhaqanka Sharciga.

    Kulankan taariikhiga ah ee dhex maray labada Madaxweyne ee Israaโ€™iil iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wiilka dhalay Madaxweynaha Maraykanku waxa uu si cad u muujinayaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay gashay marxalad cusub oo aqoonsi, kalsooni iyo saaxiibtinimo caalami ah, isla markaana ay sii xoojinayso doorkeeda dal masโ€™uul ah oo wax ku soo biirin kara nabadda iyo amniga Caalamka.

    ๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

    ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
    ๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    October 17, 2026

    Ethiopiaโ€™s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    October 17, 2026

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    October 17, 2026
    Latest Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopiaโ€™s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar โ€œLa i aamusin maayoโ€

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.