Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ถ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐˜‚ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.
    Puntland

    ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ถ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐˜‚ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜† ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 3, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliye kuxigenka Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom oo qaabilsan Iskaashiga Rayidka iyo Military ee taliska Africom Amb Rebert Scott, ayaa siweyn u amaanay ciidamada Puntland oo ka adkaaday Kooxda Daacish.

    Amb Rebert Scott wuxuu mudo soo ahaa diblomaasi sare oo katirsan Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka. Isagoo la hadlay Warbaahinta Fox News ee Maraykanka ayu sheegay in ciidanka Puntland burburiyeen shabakad xoogan oo kooxda daacish ku lahayd buuraleyda Golis iyo Calmiskaad.

    โ€œWaxay dib ula wareegeen dhul ballaaran, run ahaantii waa saaxiibo la isku halayn Karo Kuwaasi (Puntland) Annaguna waxaan ku taageernay wadaagista xogta sirdoonka, Kormeer iyo Sahamin iyo sidoo kale weerarro duqeymo cirka ah. Inta badan dhulkii ay ISIS Soomaaliya hore uga talin jirtay ee ku yaallay Puntland oo ah maamul iskiis u madaxbannaan oo ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya hadda waxa gacanta ku haya Ciidamada Difaaca Puntland,โ€ ayuu Scott yiri.

    Safiir Robert Scott, oo ah diblomaasi sare oo waayo-aragnimo dheer leh kana tirsan shaqaalaha rasmiga ah ee diblomaasiyadda, kana soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka tan iyo 2023 ayaa u sheegay Fox News Digital in dowladaha ku hareeraysan Soomaaliya ee la wadaagaan AFRICOM masuuliyadda culayska amni โ€” โ€œ aanay aheyn oo kaliya Kenya, Itoobiya iyo Uganda, balse ay kaalin muuqata oo fir-fircoon ay qaateen Somaliland, gaar ahaan Puntland, iyo weliba Jubaland. Sidaas darteed, waxaan helaynaa la-hawlgalayaal diyaar u ah inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ISIS iyo Al-Shabaab labadaba. Waxaan u malaynayaa in arrintani ay aad u noqotay mid wax ku ool ah.โ€

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    October 17, 2026

    Ethiopiaโ€™s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    October 17, 2026

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    October 17, 2026
    Latest Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopiaโ€™s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar โ€œLa i aamusin maayoโ€

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.