Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga Adduunka oo shaqadii ka joojiyay shirkad ka howlgalaysay Soomaaliya
    Somalia

    Bangiga Adduunka oo shaqadii ka joojiyay shirkad ka howlgalaysay Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 11, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in muddo 21 bilood ah ay shaqada ka joojiyeen shirkadda Africa Development Professional Group Ltd. (ADP) oo ah shirkad bixisa adeegyo la-talin oo ku saabsan maamulka, maalgashiga, xalinta ganacsiga, maaliyadda shirkadaha iyo horumarinta ganacsiga.

    Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa lagu helay in ay wax isdaba marin ku sameysay mid kamid ah mashaariicda horumarinta ee uu bankiga adduunka ku taageero xoojinta shaqaalaha iyo tayada hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay u qabtaan hawlaha asaasiga ah ee dawladda.

    Sida laga soo xigtay xaqiiqooyinka kiiskan, shirkadda ADP ayaa lagu eedeeyay in ay wax isdaba ku marin ku sameysay qandaraasyada hoos yimaada mashruuca Somali Capacity injection oo bankiga adduunku maalgaliyo.

    Xayiraadda lagusoo rogay shirkadda ADP, ayaa ka dhigaysa mid aan u qalmin in ay qeyb kasii ahaato mashaariicda iyo hawlgallada ay maalgeliyaan hay’adaha Bangiga Adduunka.

    Bankiga adduunka ayaa sheegay in 21 bilood kadib uu eegidoono tallaabooyinka ay qaaday shirkaddu iyada oo la eegayo dib-u-habaynta ay sameyso, si looga sii daayo cunaqabataynta si waafaqsan shuruudaha heshiiska uu shirkaddan kula jiro.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.