Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo ka dooday Xeerka maandooriyaha
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo ka dooday Xeerka maandooriyaha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2021Updated:November 13, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

    Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Wax-ka-bedalka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha, Xeer Lr. 5 ee 18 – Dec- 2010 kaas oo Guddiga Shuruucda, Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ku sameeyey wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda maanta.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa qodob-qodob uga doodey xeerka, waxayna ansixiyeen Qodobo ka mid ah.

    Xeerka oo horay u ahaa Wax-ka-bedalka Khamriga iyo Xashiishadaha, ayaa Guddiga waxa uu bedelay magaca Xeerka waxayna ka dhigeen “ Xeerka La-dagaalanka Maandooriyaha Dawladda Puntland.” waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Xildhibaanadda Golaha Wakiillada.

    Xeerka Maandooriyaha Dawladda Puntland oo weli Doodiisa ka socoto Golaha Wakiillada, ayaa reebaya kaanidda, beerista, gacansiinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyadda Maandooriyaha kaas oo loo isticmaalo sifo kasta oo loo qaato maandooriye sida cabid, qiijin, dhuuqid, shidasho, cunid, isku-durid irbad, ursasho IWM.

    Ujeedada xeerka ayaa ah Ilaalinta anshaxa iyo dhaqanka suubaan ee Islaamka, waxaana lagu wadda in doodiisa ay socoto illa maalinta berri ah.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.