Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo lagu cadaadinayo in diyaaradaha F-16 u diro Ukraine
    Somalia

    Biden oo lagu cadaadinayo in diyaaradaha F-16 u diro Ukraine

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wefti Maraykan ah oo ay ku jiraan illaa 50 xildhibaan ayaa ka qayb galay furitaanka kulanka caalamiga ah ee loogu magac daray kulanka shirka amniga ee Munich, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa doonaya inay muujiyaan taageerada ay u hayaan Ukraine.

    Afar wefti oo ka kala socda xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga oo ay ku jiraan xildhibaanada Seneteka iyo aqalka hoose ee Wakiilladda ayaa ku biiray boqollaal siyaasiyiin ah, saraakiil milateri iyo diblomaasiyiin ka kala yimi daafaha caalamka, kuwaas oo ka doodaya arrimaha ammaanka ee caalamka.

    Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in weftiga Maraykanka ka socda uu yahay, kan ugu ballaadhan ee ka qaybgalay shirkaas, tan iyo markii la bilaabay sannadkii 1963-kii.

    Duulaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukriane ayaa xoojiyey isbahaysiga NATO, Midawga Yurub iyo xataa xubnaha congresska Maraykanka ee ka kala socda labada xisbi.

    Xildhibaano ka tirsan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa ku cadaadinaya madaxweyne Biden inuu si toosa ugu diro dalka Ukraine, diyaaradaha F-16. Shan xildhibaan oo waraaq u diray Biden ayaa ku booriyey madaxweynaha, sida ay ogaatay jariidadda Politico, hase ahaatee xukuumaddu illaa haatan go’aan kama qaadan arrintan.

    Shirka ammaanka ee Munich ayaa madaxda caalamku ay kaga doodaan, qodobada muhiimka ah ee taabanaya ammaanka caalamka iyo kuwa gobollada.

    WArbixintan qaybo ka mida waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.