Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo weerar ku dilay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Istanbul
    Somalia

    Turkiga oo weerar ku dilay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Istanbul

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada dalka Turkiga ayaa hawlgal qorshaysan ka sameeyey woqooyiga dalka Syria, waxayna dileen nin lagu eedaynayey inuu ka dambeeyey qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Istanbul, sida ay baahisay warbaahinta Turkigu.

    Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay Arbacadii fuliyeen ciidamada sirdoonka ee Turkigu inay dileen Halil Menci oo ay ku tilmaameen inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Istanbul bishii November 13-keedii, hawlgalkan qorshaysan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Qamishli.

    Ururka dusha kala socda hawlaha xuquuqda aadanaha ee Syria ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu inay ku dileen qof rayid ah, isla markaana ay dhaawaceen taliye Kurdish ah.

    Rami Abdulrahman oo hoggaamisa guddidan kormeerka ayaa sheegtay in qofka rayidka ah ee lagu dilay weerarku inuu ahaa, shakhsi caan ku ah, dhinaca tahriibinta dadka la geeyo Turkiga. Ninkan ayaa hore isaga fogeeyey eedaha uga yimi dalka Turkiga oo ahaa, inuu dalkaas u tahriibiyey Ahlam Albashir oo ahayd haweenaydii lagu eedaynayey inay weerarka ka geysatay Istanbul.

    Weerarkii dhacay bishii November 13-keedii ayay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan laba caruur ahi, halka ay ku dhaawacmeen illaa 80 qof oo kale.

    Turkiga ayaa ku eedeeyey kooxda PKK ee Kurdiyiinta, hase ahaatee kooxdaas ayaa iska fogaysay eedaha loo jeediyey.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.