Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dablay hubaysan oo dad rayid ah ku dishay dalka Mali
    Somalia

    Dablay hubaysan oo dad rayid ah ku dishay dalka Mali

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dablay hubaysan ayaa weerar ay ka geysteen badhtamaha dalka Mali, waxay ku dileen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, sida laga soo xigtay laba masuul oo ka tirsan dawladda dalkaas. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee ay kooxaha Islaamiyiintu ay ka geystaan deegaankaas.

    Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la baaxaa degaya qalalaase gacan ka hadal wata, oo ay wadaan kooxo xidhiidh la leh ururada al-Qaacida iyo Daacish.

    Kooxahan Islaamiyiinta ayaa sidoo kale hawlgallo ka geysta dalalka deriska la ah Mali, iyaga oo ku dilay kumanaan qof, halka ay barakiciyeen malaayiin qof.

    Weerarkan ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaalada Bankass Circle ee ku taalla gobolka Mopti ee dalka Mali, sida laga soo xigtay maayar magaaladaas.

    Maayarka ayaa isagu sheegay inay heleen meydadka illaa 19 qof, iyaga oo ku raadjooga inay helaan kuwo kale.

    Maayarka magaalada kale ee Kani Bonzon ayaa isaguna xaqiijiyey in weerarkaas lagu dilay illaa 12 qof oo rayid ah isaga oo muujiyey in tirada dhimashadu ay intaas ka badan karto.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.