Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Puntland “Somaliland waxay dooneysaa in ay siyaasadeyso xasuuqa Laascaano”
    Somalia

    Akhriso: Puntland “Somaliland waxay dooneysaa in ay siyaasadeyso xasuuqa Laascaano”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa beenisay in ay qeyb ka tahay dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood, iyadoo sheegtay in Somaliland ay dooneyso in ay siyaasadeeyso xasuuqa shacabka Laascaanood.

    War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in dagaalka oo galay maalintii 22aad, uu dhexeeyo Somaliland iyo dadka deegaanka, waxaana ay ugu baaqday maamulka Hargeysa joojinta xasuuqa.

    Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

    Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa Dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab raba in ay ku meel mariyaan mashruucooda gooni-goosadka ah.

    Dagaalkaani waa kacdoon shacab oo ka dhashay dilal qorshaysan, caburin iyo xad-gudubyo baahsan oo loo gaysanayey dadka Gobolka Sool 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

    Waa dagaal gardarro ah oo keenay xasuuq shacab, Barakac baahsan iyo burbur baaxad leh oo aan horay noociisa loo arag.

    Waxaan cadaynaynaa in aan Dowladda Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, Mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo.

    Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimadooda dhaqanku iyaga oo xor ah, nabad ah oo aan xabad dhafoorka looga hayn waxa ay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitaankooda iyo masiirkooda Bulsho.

    Waxaan markale Somaliland ugu baaqaynaa in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Degaanada Gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay.

    DHAMMAAD.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.