Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xog:-Somaliya iyo Comoros oo ku heshiiyey inay ka qaybgalaan shirka Madasha Negev.
    Somalia

    Xog:-Somaliya iyo Comoros oo ku heshiiyey inay ka qaybgalaan shirka Madasha Negev.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2023Updated:June 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Soomaaliya iyo Comoros,ayaa aqbalay in ay Madax sare oo korjoogto ah u soo diraan shirka heer Wasiir ee Madasha Negev.

    Shirkaas,waxaa kaloo kasoo qaybgalaya Maraykanka,Isra’il, Masar, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Maroko.

    Labada Waddan ee Muslimiinta u badan, oo sidoo kale xubin ka ah Jaamacadda Carabta,ayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la lahayn Isra’il.

    Saraakiil ka socda Somaliya iyo Comoros,ayaa muddo sanado ah wadahadalo hoose kula jiray Israa’iil,kuwaasoo si qarsoodi ah ku booqday Israa’iil.

    Madasha Negev waxaa lagu Aas Aasay Shir aan caadi ahayn oo bishii Maarso 2022-dii,kaasoo ka dhacay Israa’il ayna iskugu yimaadeen Madax sare oo kala ahaa,Xoghayaha Arrimaha Dibadda Tony Blinken iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee Israa’iil, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Morocco.

    Fikradda,ayaa ahayd in madashu ay noqoto madal iskaashi dhinacyo badan leh oo Gobolka ah,sida Caafimaadka,Dhaqaalaha, Isbeddelka Cimilada,Biyaha iyo Amniga.

    Kulankii Labaad ee Wasiir ee Madasha Negev,ayaa markii hore loo qorsheeyay Maarso, laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigay, iyadoo xubnaha Carabtu ay walaac ka muujiyeen inay si cad ula macaamilaan dawladda garabka midig ee Israa’iil,waxaase hada la filayaa in uu dhaco xagaaga ka dib.

    Kahor dib u dhigistii ugu danbeysay, Israa’iil waxay soo jeedisay in Somaliya iyo Comoros ay ka soo qeybgalaan kulanka,iyagoo goobjoogeyaal ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.