Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»RW Xamze oo ka gaabsaday cida dishay Abwaan Jaamac Kadiye
    Somalia

    RW Xamze oo ka gaabsaday cida dishay Abwaan Jaamac Kadiye

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 16, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre, ayaa si abuurtay caro uga tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo gelinka dambe ee maanta lagu dilay duqeyn maamulka Somaliland ka geystay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

    War kasoo baxay Raโ€™iisul Wasaare Xamze ayaa lagu sheegay in Abwaan Jaamac Kadiye oo ahaa suugaan yahan maamuus ku leh dhulka Soomaalida, lagu dilay duqeyn, isagoo ka gaabsaday in uu cambaareeyo ama tilmaamo in Somaliland geysatay duqeynta arxan-darada ee uu ku dhintay AUN Abwaan Jaamac.

    Hoos ka akhriso warka kasoo baxay xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha XFS.

    ๐—œ๐—ก๐—ก๐—”๐—” ๐—Ÿ๐—œ๐—Ÿ๐—”๐—”๐—›๐—œ ๐—ช๐—” ๐—œ๐—ก๐—ก๐—”๐—” ๐—œ๐—Ÿ๐—˜๐—ฌ๐—›๐—œ ๐—ฅ๐—”๐—”๐—๐—œ๐—–๐—จ๐—จ๐—ก

    Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.

    Raโ€™iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood.

    Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

    Raโ€™iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay Abwaanka iyo shacabka kaleba in uu ugu deeqo Janatul Fardowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.