Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Yaa weeraray xalay saldhigga Israac ee magaalada Garoowe ?
    Somalia

    VIDEO: Yaa weeraray xalay saldhigga Israac ee magaalada Garoowe ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 20, 2023Updated:August 20, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal ayaa ku eedeeyay askar katirsan ciidamada Daraawiishta ee ka amar qaata Gen. Jimcaale Jaamac Takar weerar habeenimadii xalay lagu qaaday saldhigga xaafadda israac ee caasimadda Puntland ee Garoowe, kaas oo sababay dhaawaca hal ruux.

    Taliye kuxigeenka Booliska gobalka Nugaal, G/dhexe Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay saldhigga Israac uu yimid kaddib markii askar cabtooy ah oo katirsan ciidamada ay keeneen saldhigga wiil dhallinyaro ah oo ay soo garaaceen, uuna ka muuqday dhaawac dalbadeena in loo xiro balse Booliska ku sugnaa saldhigga iska diideen ayna ka codsadeen in marka hore ay soo daaweeyaan.

    Askarta katirsan ciidamada Jimcaale ayaa intaa kaddib bilaabay in ay handadaan ciidamada Booliska saldhigga, oo ay rasaas ku fureen. G/dhexe Maxamuud Bile ayaa xusay in ay wadahadleen Gen. Jimcaale lana soo qaban doono askartii falka geysatay.

    https://www.facebook.com/100063856301668/videos/3503913029882690

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.