Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Puntland “DFS waxay isku badashay dawlad gobaleedyad Muqdisho ka dhisan”
    Somalia

    VIDEO: Puntland “DFS waxay isku badashay dawlad gobaleedyad Muqdisho ka dhisan”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 20, 2023Updated:August 20, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay kusoo koobantay dawlad gobaleed ka dhisan magaalada Muqdisho, aanana loo aqoonsan karin dawlad la wada leeyahay.

    Maxamuud Caydiid oo ka hadlayay kulan lagu xusayay maalinta caalamiga ah bini’aadantinimada adduunka, ayaa tilmaamay in dawladda ka dhisan Muqdisho ay ku guuldareysatay in baaq caalami ah kasoo saarto xasuuqa maamulka Somaliland ka wado Laascaanood, iyo in ay soo jeediso gurmad ballaaran oo loo fidiyo dadka ku barakacay.

    “Maxaa dawladda Soomaaliyeed Marti loogaga yahay in ay baaq caalami ah jeediso oo tiraahdo Laascaanood musiibooyin baa ka dhacay?. Waxaan qabaa in DFS kusoo koobantay dawlad gobaleed Muqdisho ka dhisan maanta kaddibna aan loo aqoonsan dawlad ee loo aqoonsado dawlad gobaleed inay tahay”.

    Sidoo kale, Wasiir Caydiid ayaa xusay in aysan Muqdisho noqon karin caasimad Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la isaga yimaado oo meeshii nabad ah oo Soomaali isagu imaan karto in la isugu yimaado.

    https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/1150755152508261

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.