Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka arrimaha dibedda Libya oo shaqada looga joojiyey ‘kulanka’ dhiggeeda Israel
    Somalia

    Wasiirka arrimaha dibedda Libya oo shaqada looga joojiyey ‘kulanka’ dhiggeeda Israel

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 28, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha dowladda Libya ayaa Axaddii sheegay inuu shaqo ka-joojin ku sameeyey wasiirkiisa arrimaha dibedda kadib markii dhiggeeda Israel uu ku dhowaaqay inay wada-hadallo ku yeesheen Rome, toddobaadkii tegay.

    Najla al-Mangoush “si ku meel-gaar ah” ayaa loo hakiyey, waxaana “baaritaan maamul” ku sameyn doona guddi uu hoggaaminayo wasiirka cadaaladda, waxaa sidaa habenekii Axaddi yiri ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, oo qoraal rasmi ah soo dhigay Facebook.

    Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku qeexday “fursad iyo kulan aan rasmi aheyn,” hase yeeshee warka ku saabsan kulanka ayaa horseeday dibad-baxyo ka dhacay waddooyinka dhowr magaalo oo ka tirsan Libya.

    Muranka siyaasadeed ayaa qarxay Axaddii kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Israel ay sheegtay in wasiirada arrimaha dibedda labada dal ay kulmeen toddobaadkii tegay.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen iyo dhiggiisa Libya Mangoush, ay ku wada-hadleen kulan ka dhacay Rome oo uu marti-geliyey wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Antonio Tajani.

    War-saxaafadeedka Israel ayaa ku qeexay hindisihii ugu horreeyey ee diblomaasiyadeed ee noociisa ah ee dhex-mara laba dal.

    “Waxaan wasiirka arrimaha dibedda kala hadlay suurta-galnimada weyn ee labada dal xiriirkooda,” ayuu ku Cohen ku yiri bayaanka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Israel.

    Hase yeeshee wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa Axaddii sheegtay in Mangoush “ay diiday inay la kulanto dhinac kasta” oo matalaya Israel.

    “Waxa ka dhacay Rome waxay ahaayeen fursad iyo kulan aan rasmi ah aheyn, intii uu socday kulanka dhiggiisa Talyaaniga, kaasi oo aan ku jirin wax wada-hadal, heshiis ama wada-tashi ah,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

    Wasiirka ayaa ku celisay “si cad oo aan mugdi ku jirin mowqifka Libya ee ku aadan qadiyadda Falastiin”, ayaa lagu yiri bayaanka.

    Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku eedeysay Israel inay isku dayeyso “inay dhacdadan u ekeysiiso” sida “kulan ama wada-hadallo.”

    Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa kasoo xigtay Cohen inuu yiri in labada dhinac ay ka wada-hadleen “muhiimadda ilaalinta dhaxalka Yahuudda Libya, oo ay qeyb ka tahay dayac-tirka macbadyada iyo xabaalayaasha Yahuudda ee dalka.”

    “Cabirka Libya iyo goobta muhiimka ah ee ay ku taallo waxay fursad weyn u tahay Qaranka Israel,” ayuu yiri.

    Ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan kulanka oo laga helay dhanka Rome.

    AFP

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.