Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo aan weli jawaab siin 840,000 oo Afghanistaniyiin ah
    Somalia

    Mareykanka oo aan weli jawaab siin 840,000 oo Afghanistaniyiin ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 2, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 840,000 qof oo u dhashay dalka Afghanistan oo codsaday barnaamijka dib u dejinta Maraykanka ee lagu taageero dadka reer Afghanistan ee la soo shaqeeyey ciidamada Maraykanka, ayaa illaa haatan sugaya sidii ay u heli lahaayeen dib u dejinta Maraykanka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo la soo saaray.

    Warbixintan oo Khamiistii uu sii daayey kormeeraha guud ee wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay qaadeen tallaabooyin kor loogu qaadayo fududaynta fiisayaasha gaarka ah ee loogu talo galay dadkaas reer Afghanistan.

    Hase ahaatee laba sano ka dib markii uu Maraykanku ka soo baxay Afghanistan, isla markaana uu awoodda dib ugu soo laabtay ururka Taliban, ayaa u muuqata inaan illaa haatan la furdaamin caqabadaha hortaagan.

    Fiisayaal gaar ah ee loogu talo galay shacabka reer Afghanistan ee la soo shaqeeyey ciidamada Maraykanka ayaa la soo bilaabay sannadkii 2009-kii. Fiisayaashan gaarka ah ayaa loogu talo galay dadka dareema halisaha ka soo foodsaara shaqadooda.

    Barnaamij kaas la mid ah ayaa isna loo fidiyey dadka u dhashay Ciraaq ee la soo shaqeeyey Maraykanka.

    Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in qof kasta oo soo dalbada barnaamijka dib u dejinta Maraykanka ee u gaarka ah Afghanistaaniyiinta, inaanu heli karin fursaddaas, waxaana ay ku qiyaaseen in 50% dadka soo codsaday inaanay marka horeba aanay buuxin shuruudaha codsiga.

    AP/VOA

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.