Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kim Jong Un iyo Putin oo la filayo inay kulan xasaasi ah yeeshaan
    Somalia

    Kim Jong Un iyo Putin oo la filayo inay kulan xasaasi ah yeeshaan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa inuu madaxweyne Vladimir Putin kula kulmo Ruushka, si uu ugala hadlo inuu Moscow siiyo hub ka caawiya dagaalka Ukraine, waxaa sidaas Isniintii sheegay Mareykanka.

    Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu uga helo hub kala duwan.

    “Sida aan horey uga dignay, wada-xaajoodyada hubka ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horumar sameynaya,” waxaa sidaas tiri Adrienne Watson, afhayeen u hadashay Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.

    “Waxaan haynaa akhbaar ku saabsan in Kim Jong Un uu rajeynayo in wada-hadallada ay sii socdaan, oo ay qeyb ka noqdaan kulan diblomaasiyadeed heer hoggaamiye ah oo ka dhaca Ruushka.”

    Kim — oo aan inta badan u safrin dibedda — ayey u badan tahay inuu dhammaadka bishan tago magaalo xeebeedka badda pacific ee Vladivostok ee Ruushka, oo aan ka fogeyn Kuuriyada Waqooyi, si uu ula kulmo Putin, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

    Wargeyska ayaa sheegay in xitaa ay suurta-gal tahay in Kim uu u safro Moscow, balse aysan hubneyn.

    Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in inkasta oo ay beeniso, haddana Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner.

    Dhinaca kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi isaga oo hub dheeri ah u raadinaya dagaalka, ayey tiri Watson.

    “Waxaan ugu baaqeynaa Kuuriyada Waqooyi inay joojiso wada-hadallada hubka ee ay kula jirto Ruushka, una hoggaansato ballan-qaadka Pyongyang ay sida shaacsan u sameysay ee ah in aanay hub siineyn Ruushka,” ayey tiri Watson.

    Mareykanka, Britain, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa bayaan wada-jir ah oo ay kasoo saareen QM ku sheegay toddobaadkii tegay in iskaashi kasta oo dhex-mara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu jebinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya in heshiis hub lala galo Pyongyang — qaraarkaas oo Moscow xitaa ay taageertay.

    AFP

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Galkacyo oo yeelatay Hotel casriya oo Five Star ah

    December 6, 2025

    La xisaabtankii Baarlamaanka PL Ee Garsoorka oo dib loo dhigay

    December 6, 2025

    Faallo:-Xasan iyo AS miyay ku kulmayaan Qatar?

    December 5, 2025
    Latest Posts

    Galkacyo oo yeelatay Hotel casriya oo Five Star ah

    La xisaabtankii Baarlamaanka PL Ee Garsoorka oo dib loo dhigay

    Faallo:-Xasan iyo AS miyay ku kulmayaan Qatar?

    Maxaad kala soconaa bahdilka siyaasadeed Ee Firdhiye kala kulmay Xamar?

    Maxaad ka og tahay Dhulalka danta guud Ee Xasan Shiikh ku tagrifalay

    Ilhaan oo kaga adkaatay dagaalkii Afka ahaa Trump

    Maamulka Trump oo amray in la bartilmaameedsado Somalida sharcidarada Ee Minisota

    ICE to launch operation targeting Somali migrants in Minneapolis

    Maxaa ka dhalan kara weerarada Afka ah Ee Trump ku hayo Somalida?

    Rewards for Justice is offering a reward of up to $3 million for information on Yasin Kilwe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.