Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Heshiisyada Israa’iil iyo Falastiin.
    Somalia

    Heshiisyada Israa’iil iyo Falastiin.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 7, 2023Updated:September 7, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bariga dhexe waxaa ka soo kordhay akhbaar aad muhiim u ah IDILNEWS-na waxay ogaatay qorshe ay s wada jir ah uga shaqaynayaan Sucuudiga, Maraykanka, iIsraa’iil iyo Maamulka Falastiiniyiinta, qorshahaas oo ah in nabad lagu soo dabaalo khilaafka siyaasiga ah ee ka taagnaa Bariga dhexe muddada dheer, gaar ahaan Falastiin iyo Israa’iil.

    Dhinaca Falastiiniyiinta waxay dalbanayaan in loo soo gacan galiyo  maamulka qayb wayn oo ka tirsan dhulka daanta galbeed ee iminka ay gacanta ku hayso Israa’iil,  waxay kaloo dalbanayaan lacag malaayiin dollar ah isla markaana dib loo soo celiyo safaaradoodi uu xiray madaxweynihii hore ee Donald Triumph.

    Sadexda dhinac oo kale waxay u muuqdaan inay soo dhawaynayaan qorshahan.

    Sucuudi Carabiya iyagu waxa ay doonayaan inay ku mano sheegtaan oo yiraahdaan anagaa ka soo shaqaynay qorshahan oo sidaana ay ku helaan qalab militari oo ay maraykan ay ka doonayaan oo ay ku jiraan warshado ku shaqeeya quwada nukliyeerja isla markaana bacrimiya yuraaniyamka.

    Dhinaca Israa’iil iyadu waxa ay doonaysaa in iyada, Falastiin iyo Sucuudigu sidaa isugu soo dhawaadaan iyo weliba sidoo kalena ay cilaaqaad fiican la samaysato caalamka carabta iyo islaamka.

    Dhinaca maraynkankana John Biden waxa uu doonayaa inuu noqdo madaxweynihii nabadaas ka soo shaqeeyay isla markaana dhaliyey heshiisyadaas nabadeed.
    Isla markaana uu codad badan ku helo maadaama uu sanadka danbe galayo doorasho madaxweyne.

    BBC.

    IDILNEWS.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.