Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tiradii ugu badnayd oo ah 107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka
    Somalia

    Tiradii ugu badnayd oo ah 107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO — 

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 107 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayay isi soo dhiibeen labadii bilood ee lssoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada.

    Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xubnahan ay badankood iska soo dhiibeen dowlad goboleeyada Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

    “Xubnaha isi soo dhiibay waxay iskugu jiraan carruur la askareeyay, oo aad da’doodu u yartahay, dad dhallinyaro ah oo ka mid ahaa jiray dagaalyahannada kooxdaas, haween, iyo horjoogeyaal sarsare oo ka tirsanaa kooxdaas” ayuu ku yiri Cabdullahai Maxamed Nuur muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladdu.

    Waxa uu sheegay inay mari doonaan habraaca ‘dadka isi soo dhiibeyaasha, ee ka tanaasulay fikrahada xagjirka ah.’

    “Waxaan mar kale ugu baaqeynaa xubnaha weli ku jira Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ka faa’iideystaan xeerka cafiska ee dowladda ee dadka isku soo dhibaya dowladda” ayuu raaciyay agaasimaha Tubsan National Center.

    Inkastoo dadka falanqeey arrimaha la dagaalanka argagaxisada ay shaki weyn ka muujinayaan isu soo dhiibidaan loo malaynaayo qorshe laga soo shaqeeyey, oo dabin loogu dhigayo ciidamada qaranka soomaaliyeed.

    AP,

    IDILNEWS.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.