Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tiradii ugu badnayd oo ah 107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka
    Somalia

    Tiradii ugu badnayd oo ah 107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO — 

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 107 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayay isi soo dhiibeen labadii bilood ee lssoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada.

    Cabdullahai Maxamed Nuur oo horey usoo nqoday Wasiirka Amniga ayaa sheegay in xubnahan ay badankood iska soo dhiibeen dowlad goboleeyada Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

    “Xubnaha isi soo dhiibay waxay iskugu jiraan carruur la askareeyay, oo aad da’doodu u yartahay, dad dhallinyaro ah oo ka mid ahaa jiray dagaalyahannada kooxdaas, haween, iyo horjoogeyaal sarsare oo ka tirsanaa kooxdaas” ayuu ku yiri Cabdullahai Maxamed Nuur muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladdu.

    Waxa uu sheegay inay mari doonaan habraaca ‘dadka isi soo dhiibeyaasha, ee ka tanaasulay fikrahada xagjirka ah.’

    “Waxaan mar kale ugu baaqeynaa xubnaha weli ku jira Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ka faa’iideystaan xeerka cafiska ee dowladda ee dadka isku soo dhibaya dowladda” ayuu raaciyay agaasimaha Tubsan National Center.

    Inkastoo dadka falanqeey arrimaha la dagaalanka argagaxisada ay shaki weyn ka muujinayaan isu soo dhiibidaan loo malaynaayo qorshe laga soo shaqeeyey, oo dabin loogu dhigayo ciidamada qaranka soomaaliyeed.

    AP,

    IDILNEWS.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.