Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»SAWIRRO: Maxaa looga hadlay kulankii Deni iyo bulshada Gaalkacyo?
    Puntland

    SAWIRRO: Maxaa looga hadlay kulankii Deni iyo bulshada Gaalkacyo?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 11, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Kulanka Madaxweynaha iyo Dadweynaha ayaa ahaa kulan is-xog-wareysi shacabkuna fursad u heleen in ay Madaxweynaha weydiinayeen su’aalo dhanka siyaasadda ah iyo kuwo ku saabsan qorshaha hortebinta u xukuumadda gaar ahaan dhanka adeegyada bulshada ee dowladdu bixiso, Mashaariicda horumarinta , Kaabayaasha Dhaqaalaha, doorka shacabka ee horumarka iyo Amniga, iyo ka gungaaridda masuuliyad wadareedka saaran qof kasta oo muwaadin ah,

    Sidoo kale kulanka ayaa daaranaa is-xogwaraysi guud oo ku salaysan nabadda gobolka Mudug, Aminiga Guud, adkeenta Xasiloonidda, horumarka gobolka, nabadaynta beelaha walaalaha ah ee xurguftu dhextaallo, la dagaalanka maandooriyaha iyo ka hortagga falalka Argagixisada cadawga ku ah shacabka iyo dowladdooda.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa nabadoonada beelaha gobolka Mudug, masuuliyiinta dowladda iyo waxgaradka gobolka ku wargeliyey in si dhammaystiran oo dhiifoon looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.