Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Siciid Deni – oo dib uga gurtay heshiis uu la galo Axmed Madoobe
    Puntland

    XOG: Siciid Deni – oo dib uga gurtay heshiis uu la galo Axmed Madoobe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Idilnews ayaa xaqiijisay in uu fashilmay, is afgarad la doonayay in ay Dubai ku gaaraan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

    Heshiiska Deni iyo Madoobe, oo ay daba ka riixayeen xubno ka agdhow labadooda iyo saraakiil u dhashay Imaaraatka Carabta ayaa guuldareystay saacadihii u dambeeyay ee uu qabsoomi lahaa kulan ballaaran oo dhex mara labada Madaxweyne.

    Wararka ayaa sheegaya in Siciid Deni uu dib uga gurtay heshiis uu hadda la galo Axmed Madoobe oo dareemaya go’doon siyaasadeed, isagoo ku adkeystay in uusan muhiim u arag, maadama axdi kasta oo siyaasadeed oo lala gaaro ka fuleyn dhankiisa.

    Madoobe ayaa xalay soo gaaray Nairobi, oo habeeno kahor uu yimid Siciid Deni, mana jirto rajo laga qabo is arag dhexmara iyo isu soo dhawaansho la xiriira arrimaha la isku hayo, wallow ay jiraan dadaallo ay wadaan xubno isugu jira ganacsato iyo siyaasiyiin oo doonaya in la dhameeyo khilaafka saddex sano jirsaday.

    Maalmaha soo socda Deni iyo Madoobe ayaa qorshuhu yahay in ay kala gaaraan deegaanadooda, taas oo culeyska siyaasadeed ku kordhin doonta Axmed Madoobe, niyad jabna u ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo u arka is qaadashada labada nin fursad siyaasadeed iyo in ay heli doonaan geed fadhi la loodiya Xassan Shiikh.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐢𝐢𝐥 oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.