Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xassan Shiikh oo hoos u dhigay gogol uu ka ballanqaaday Beesha Caalamka
    Puntland

    Xassan Shiikh oo hoos u dhigay gogol uu ka ballanqaaday Beesha Caalamka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 1, 2025Updated:June 1, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa iclaamiyay qabashada gogasha Wadatashiga Qaran, taas oo uu ku casuumay xubno uu ugu yeeray siyaasiyiin iyo hoggaamiyayaasha Bulshada.

    Gogasha oo ka qabsoomi doonta 15 June magaaladda Muqdisho – ayuu sheegay in looga hadli doono siddeed qodob, kuwaas oo kala ah Amniga, ciribtirka argagixisada, dimuqraadiyadda. doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, midnimada iyo dib-u-heshiisiinta.

    Sababta keentay iclaaminta gogasha.

    Habeeno kahor, Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ka ballanqaaday wakiillada Beesha Caalamka, in uu qaban doono gogol ballaaran oo ay qeyb ka yihiin dhammaan madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, taas oo looga hadlayo xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan marxalada kala-guurka ah iyo doorashooyinka soo wajahan.

    Ballanqaadka oo yimid, kaddib hanjabaad toos ah oo loo diray Xassan Shiikh iyo in laga fara maroojin doono tallada – ayaa hadda u muuqda mid aan dhameystirneen, maadama aan lagu muujin casuumadda Xassan ka timid cidda loo qeybta ka ah gogasha.

    Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ugu waa weyn yihiin Madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore – ayaa qeyb ka noqon doonin shirka, oo uu u muuqda mid la sii hayay xogtiisa, taas oo guuldarro weyn iyo dharbaaxo siyaasadeed ku noqon doonta Xassan Shiikh.

    Waraaqda uu soo tuuray Madaxweyne Xassan ayaa loo arka mid uu kaga dhuumanayo indhaha Beesha Caalamka, isaga yareynayo cadaadiska saaran, balse dadka ku foogan xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyada dublamaasiyiinta shisheeye ayaa sheegaya in Madaxweynuhu luminayo maalmo muhiim u ah waayihiisa siyaasadeed iyo xukunkiisa, ayna suuragal tahay in wakiillada caalamiga ah ka tashtaan qorshayaasha Xassan, ayna ku dhaqaaqaan jihooyinka u diyaarsan, oo ay ugu weyn yihiin qabashada shir wadatashi oo Xalane ka dhaca, iyo go’aanka la geeyo meel ka baxsan Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.