Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xassan Shiikh oo hoos u dhigay gogol uu ka ballanqaaday Beesha Caalamka
    Puntland

    Xassan Shiikh oo hoos u dhigay gogol uu ka ballanqaaday Beesha Caalamka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 1, 2025Updated:June 1, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa iclaamiyay qabashada gogasha Wadatashiga Qaran, taas oo uu ku casuumay xubno uu ugu yeeray siyaasiyiin iyo hoggaamiyayaasha Bulshada.

    Gogasha oo ka qabsoomi doonta 15 June magaaladda Muqdisho – ayuu sheegay in looga hadli doono siddeed qodob, kuwaas oo kala ah Amniga, ciribtirka argagixisada, dimuqraadiyadda. doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, midnimada iyo dib-u-heshiisiinta.

    Sababta keentay iclaaminta gogasha.

    Habeeno kahor, Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ka ballanqaaday wakiillada Beesha Caalamka, in uu qaban doono gogol ballaaran oo ay qeyb ka yihiin dhammaan madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, taas oo looga hadlayo xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan marxalada kala-guurka ah iyo doorashooyinka soo wajahan.

    Ballanqaadka oo yimid, kaddib hanjabaad toos ah oo loo diray Xassan Shiikh iyo in laga fara maroojin doono tallada – ayaa hadda u muuqda mid aan dhameystirneen, maadama aan lagu muujin casuumadda Xassan ka timid cidda loo qeybta ka ah gogasha.

    Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ugu waa weyn yihiin Madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore – ayaa qeyb ka noqon doonin shirka, oo uu u muuqda mid la sii hayay xogtiisa, taas oo guuldarro weyn iyo dharbaaxo siyaasadeed ku noqon doonta Xassan Shiikh.

    Waraaqda uu soo tuuray Madaxweyne Xassan ayaa loo arka mid uu kaga dhuumanayo indhaha Beesha Caalamka, isaga yareynayo cadaadiska saaran, balse dadka ku foogan xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyada dublamaasiyiinta shisheeye ayaa sheegaya in Madaxweynuhu luminayo maalmo muhiim u ah waayihiisa siyaasadeed iyo xukunkiisa, ayna suuragal tahay in wakiillada caalamiga ah ka tashtaan qorshayaasha Xassan, ayna ku dhaqaaqaan jihooyinka u diyaarsan, oo ay ugu weyn yihiin qabashada shir wadatashi oo Xalane ka dhaca, iyo go’aanka la geeyo meel ka baxsan Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Akhriso: Puntland oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.