Sababaha Cumar Faatax ku waayay Kursiga Duqa magaalada Minneapolis,waxaa lagu soo koobi karaa…….
1.Nin madoow oo qoxooti oo hadana islaam ah.
2.Ku olalayntiisa in uu xakamaynayo kirada Guryaha.
3.In uu Police-ka tiradooda dhimayo.
4.Gudoomiyaha Gobalka oo u arkay Nin ku noqan kara caqabad.
Masuuliyiinta cadaanka ah ee ka hor yimid,waxay kala yihiin…..
1.Senator Tina Smith.
2.Senator Amy kloopachery.
3.Governor tim walz.
Siyaasiyiintan,waxay iskugu jiraan Dimuqraadi iyo Repuplic,waxayna ka midoobeen ka hor imaadka Cumar Faatax.
Dhaqaalaha loo ururshay Frey Duqa cadaanka ah,wuxuu gaarayay $9-Milyan,iyadoo Gabar ka mid ah Seneterada oo ka mid ah Xisbiga Repuplicanka ay siisay $1-Milyan.
Minneapolis?
Minneapolis,waa magaalo muhiim u ah State-ka Minisota,waxaana ku yaala….
B. US Bank.
T. Vikings football studium.
J. Target center.
X. Timberwolves basketball.
Kh. Gophers football college.
D. Huntington stadium.
R. Target Field stadiumbaseball.

Minneapolis ,waxaa yaala dhaqaalaha ugu badan ee State Minnesota.
Waxay kaloo ku taala Juquraafi ahaan Midwest waxayna xarun utahay sida South Dakota,North Dakota,Lowa Wisconsin iyo xuduuda Canada oo ujirta Afar saac.
Gunaanad?
Minneapolis waxay ka koobban tahay 13-Degmo,waxayna Somalidu degan tahay….
Xaafada 1-Aad.
Xaafada 2-Aad.
xaafada 5-Aad.
Xaafada 6-Aad.
xaafada 9-Aad.
Somalida ka codaysa Minneapolis,waxaa lagu qiyaasaa 16.000.
Codka ugu badan oo ay leedahay Somalidu,waxaa laga codeeyaa xaafada 6-Aad,waxaana ka codaysay 9000-Qof oo dhamaantood aaday Cumar Faatax marka laga reebo 180-Cod oo aaday Jocab frey.
Codadka guud ee lagu kala baxay,waa ….
Jacob Frey…73723
Cumar Faatax..65 377
