Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Muqdisho ayaa shaacisay in 11 bishan November la jabsaday nidaamka E-Visa ee ay dhowaan sameysatay Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xassan Shiikh, si loo caqabdeeyo safaradda dalka ay ku yimaadaan dadka Soomaaliyeed ee heysta dhalashada dalalka kale, lacagna uga sameeyaan qoyska Madaxweynaha.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in la qaatay xogta 35,000 Kun oo qof, ayna ku jiraan Kumanaan muwaadin oo Mareykan ah.
DFS ayaa ilaa hadda ka hadlin dhacdada lagu jabsaday nidaamka E-Visa, oo ay si adag uga horyimaadeen Somaliland iyo Puntland oo maamula 4 kamid 5 garoon diyaaradeed ee caalamiga ah ee ku yaalla Soomaaliya, Halka Federaalku maamulo kan Muqdisho oo kali ah.
IDILNEWS

