Kulankii Kismaayo,waa hirgalay,waxaana tagay intii badnayd madaxdii iyo siyaasiyiintii lagu casumay.
Mw Deni, Rw hore Khayre, Rw hore Saacid iyo Rw hore Rooble iyo siyaasi C.C.Warsame,waxaana berri kusoo biiraya Mw hore Sh.Shariif.
Waxaa kaloo la socday in ka badan 70-xildhibaan iyo Senetero dhawr ah oo heer Fadaraal ah.
Sadex Qodob,ayaa looga gol leeyahay kulankan oo kala ah…
1.In la xaqiijiyo sharciyada doorasho ee Madaxweynaha Jubaland.
2.In la dhamaystiro golaha mustaqbalka dalka ee Nayrobi lagu yagleelay.
3.In laga xaajoodo doorashada Fadaraalka ee wakhtigeedu taagan yahay.
