Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Ee Yemen?
    Somalia

    Faallo:-Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Ee Yemen?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 3, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sacuudigu,waa Quwad Gobolka ah oo muujisa masuuliyad oo aan isticmaalin awoodeeda,isla markaana aan samayn faragelino badan oo qaawan.

    Waxaa lagu tilmaamaa quwad goboleed masuul ah oo hadana Maraykanka Sxb la ah oo aan ku noqon khatar danihiisa.

    Awoodiisa,waxaa toos loo arkay markuu ku amray Imaaraadka in ay 24 saac gudahood uga baxaan Yemen oo Imaaraadku aqbalay,isla markaana Qatar ka codsaday in ay dhexdhexaadiso Sacuudiga.

    Yemen,waa ku khasban yahay Sacuudigu in uu ka hawlgalo oo ulama sinna Wadamada Somaliya iyo Sudan.

    Sacuudigu mudo,ayuu ku mashquulsanaa oo muhiimada hor tabinta ah siiyay gudaha dalkiisa,taasoo ka jeedisay loolanka Gobolka.

    Dulqaad badan oo uu ka sameeyay siyaasada Imaaraadka ee Gobolka ugu danbayn,waa soo farageliyay,sababtoo ah,waa khad cas Yemen markay timaado amniga qaranka Sacuudiga.

    10-sano ayay ku qaadatay Sacuudiga xasarada Yemen,waxaana kaga geeriyooday 13-kun oo Qof,halka Imaaraadka ay uga naf waayeen 72-Qof oo kaliya.

    Yemen isku macno uma leh Imaaraadka iyo Sacuudiga oo Imaaraad,waxa uu ka duulayaa rabitaanka Dekedaha Cadan iyo Mukallah.

    Imaaraadka iyo Sacuudigu,way noqon kareen isku dan,balse Imaaraadka,ayaa ka leexday oo yeeshay dano ugaar ah oo Sacuudiga khatar ku noqday.

    Dowladihii Sacuudiga usoo raacay xasarada Yemen,waa ka baxeen dagaalka,waxaana ugu danbeeyay Imaaraadka.

    Haatan khatartii hore ee Xuutiyiinta,waxaa kusoo biiray kooxaha gooni goosatada ah iyo Qabiilooyin Imaaraadku hubeeyay oo Kuunfurta ah oo ay tahay in Sacuudigu la tacaalo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DFS iyo GMS Oo Gudi usaaray wada hadalkooda doorashada

    February 19, 2026

    Qaramada Midoobay oo fariin kale oo digniin ah udirtay Mw Xasan Shiikh

    February 19, 2026

    Kulankii GMS iyo DFS oo isfahan waa kusoo dhamaaday

    February 19, 2026
    Latest Posts

    DFS iyo GMS Oo Gudi usaaray wada hadalkooda doorashada

    Qaramada Midoobay oo fariin kale oo digniin ah udirtay Mw Xasan Shiikh

    Kulankii GMS iyo DFS oo isfahan waa kusoo dhamaaday

    GMS iyo DFS oo Shirkii ugu horeeyay uga furmay Villa Somaliya

    Muxuu ka yiri Boqorka Uk xariga Walaalkiis?

    Deni iyo Axmed oo aqbalay ku Sheridan Villa Somaliya

    Maxay tahay sababta shaqo joojinta loogu sameeyay Wasiirkii qorshaynta PL?

    Faallo:-Itoobiya haday Bad hesho Gaajada iyo dib udhaca maka baxaysaa?

    Xog:-Maxaan kala soconaa hawlgalka shidaal qodista Turkiga Ee Somaliya?

    Xog:-Dowlada Puntland iyo waxqabadkeeda Gobolka Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.