Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa mar kale ka dhacday toogasho lagu dilay qof taa oo la sheegay in geysteen saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka ee dowladda federaalka.
Alex Pretti, oo 37 jir ah, ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay waddada subaxnimadii Sabtida, wax ka yar saddex toddobaad ka dib dhimashadii Renee Good, oo sidoo kale 37 jir ahayd, iyada oo ku dhex jirta baabuurkeeda.
Mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamulka gobolka ayaa soo jeediyay warbixinno iska soo horjeeda oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.
Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in wakiiladu ay rasaas isku difaacayeen rideen ka dib markii Pretti, oo ay sheegeen in uu haystay bastoolad, uu iska caabiyay isku daygii ay ku doonayeen in ay hubka uga dhigaan.
Goobjoogayaal, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo qoyska dhibbanaha ayaa ka hor yimid warkaas, iyagoo tilmaamay inuu gacanta ku hayay taleefoon, oo aanu hub haysan ninka la dilay.