Gabadha Rw ka ah Japan booqashadeedii Aqalka-cad, ayay Warbaahinta caalamku falanqaysay.
Waxaa laysku waafaqay in ay ahayd hogaamiyihii ugu horeeyay ee iska badbaadiyay bahdilka Trump ku sameeyo Madaxda booqata.
Sida ay uga badbaaday,ayaa lagu sheegay in ay ahayd,iyadoo Trump erayada uu jecel yahay soo qaadatay….
- Waxay sheegtay in Trump yahay Qofka kaliya ee aduunkan Nabad ukeeni kara,erayadaas oo Trump la dhacay.
- Dhalashada Wiilkiisa ayay kusoo hadal qaaday Shirka jaraa’id oo uhanbalyaysay,taasoo Trump maqsuud ka dhigtay.
- Shirkeedii jaraa’id ee ay la qabatay Trump oo erayo loolan samayn kara ay ka ilaalisay.
Hadana,iyadoo sidaa isku ilaalisay oo ku dadaashay in ay Aqalka-cad kasoo baxdo,iyadoon caalamka lagu hor bahdilin hadana Trump kama gaabsan ee wuxuu Shirkii jaraa’id dhankiisa ku daray soo hadal qaadid uu soo hadal qaaday xasuustii weerarkii ba’anaa ee sababay in Maraykanku isticmaalo Niyukleer ee Ciidamada Japan kusoo qaadeen Maraykanka.
Si kastooy tahay Rw Japan,waxay Madaxda caalamka bartay sida loo maareeyo la qabashada shir jaraa’id Donlad Trump.
