Xaqiiiqdii,waa guul weyn oo laga gaaray horumarinta Waxbarashada PL dhismaha Gudiga Tacliinta Sare.
Sadex arimood,ayaa mudnaan leh…..
- In Gudi gaar u ah Tacliinta sare la yagleelay oo laga hoos saaro Waaxdii Wasaarada ee ay qaybta ka ahayd.
- In Gudiga Sare ay xubno ka noqdeen dad uqalma oo sumcad ku dhex leh bahda aqoonta.
- In laga adkaaday ganacsatadii Waxbarashada ee caqabada ku ahayd tayaynta Waxbarashada.
Wasaaradu,waxay wadaa qorshe gabagabo ku dhow oo macno leh,kaasoo ay kula wareegayso Iskoolada iyo Jaamacadaha qaarkood ,kuwaasoo kala ah…
B. Jaamacada PSU.
T. PUST.
J. Kulliyada Macalimiinta.
X. Dugsiga Cumar Samatar.
Kh.Dugsiga Ganbool.
D. Bosaso Puplic School.
Iskuulladan iyo Jaamacadahan sababta Dowladu ula wareegayso,waa Sadex ujeedo oo kala ah……
B. In ay bixiso dhaqaalaha ku baxa.
T. In Kulliyadaha aqoontoodu dalka ay muhiimad uleedahay lagu soo kordhiyo.
J. In Kulliyadaha Gobollada loo qaybiyo oo Deegaan walba Kulliyada ku haboon la geeyo.
Hadafka guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland ay ka leedahay qorshahan,waa Sadex…
B. In qiimaha Waxbarsahada Sare kor loo qaado oo Macallimiin tayo leh la keeno Jaamacadaha.
T. In ugu yaraan culayska dhaqaale ee dadka saaran lala qaybsado oo ay jiraan Iskuulo iyo Jaamacado Dowliya oo Lacag la’aan ah,hadana tayo leh.
J. In Kulliyadaha baahida loo qabo lasoo kordhiyo.
Mahadcelin?
Wasiirka Waxbarashada,waa bogaadinayaa dadaalka uu muujiyay.
Mw Deni,waa umahadcelinayaa,waxaana ku boorinayaa in uu qorshahan dhamaystiro oo inta uu talada hayo hirgeliyo si ay taariikhda ugu gasho.
Tayada Waxbarashada PL hadii la xoojiyo,waxay qayb ka qaadanaysaa xasiloonida,kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
