Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Trump oo laga saaray casho sharaf kadib rasaas ka dhacday Washington Hilton.
    Puntland

    Trump oo laga saaray casho sharaf kadib rasaas ka dhacday Washington Hilton.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 26, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa habeenimadii xalay laga saaray goob ay casho sharaf ku lahaayeen isaga iyo Warbaahintu, kadib markii rasaas tiro badan laga ridey banaanka Hoteelka Washigton Hilton oo ahayd meesha casho sharaftu ka dhacaysay.

    Muuqaalo laga duubtay goobtaasi ayaa muujinaya dhawaaq iyo sawaxan ka bilaabmay hoolka iyo banaankiisa, iyada oo ciidamada amaanku garbaha qabanayaan Trump isla markaana goobta ka saarayaan.

    Dhacdada kadib, Donald Trump ayaa sheegay iney nabad qabaan isaga iyo Marwada koobaad iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi, isagoo u mahad celiyay booliska iyo ciidamada amaanka.

    Hay’adda Secret Service ayaa sheegtay in rasaastu ka dhacday meel lagu hubinayay amniga, isla markaana hal qof la xidhay, iyadoo weli la baadhayo xaaladda dadka ku lug lahaa falkani.

    Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu isagu ahaa bartilmaameedka weerarka rasaasta, isagoo yiri “waan u maleynayaa” markii su’aal laga weydiiyay weriyeyaasha. Wuxuu sidoo kale sheegay in ninkii weerarka geystay uu u muuqdo qof kaligiis falka sameeyay, wuxuuna meesha ka saaray wax xiriir ah oo la leh dagaalka Iran.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    October 19, 2026

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    October 19, 2026

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    October 19, 2026
    Latest Posts

    WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

    XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

    Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.