Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Trump oo laga saaray casho sharaf kadib rasaas ka dhacday Washington Hilton.
    Puntland

    Trump oo laga saaray casho sharaf kadib rasaas ka dhacday Washington Hilton.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 26, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa habeenimadii xalay laga saaray goob ay casho sharaf ku lahaayeen isaga iyo Warbaahintu, kadib markii rasaas tiro badan laga ridey banaanka Hoteelka Washigton Hilton oo ahayd meesha casho sharaftu ka dhacaysay.

    Muuqaalo laga duubtay goobtaasi ayaa muujinaya dhawaaq iyo sawaxan ka bilaabmay hoolka iyo banaankiisa, iyada oo ciidamada amaanku garbaha qabanayaan Trump isla markaana goobta ka saarayaan.

    Dhacdada kadib, Donald Trump ayaa sheegay iney nabad qabaan isaga iyo Marwada koobaad iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi, isagoo u mahad celiyay booliska iyo ciidamada amaanka.

    Hay’adda Secret Service ayaa sheegtay in rasaastu ka dhacday meel lagu hubinayay amniga, isla markaana hal qof la xidhay, iyadoo weli la baadhayo xaaladda dadka ku lug lahaa falkani.

    Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu isagu ahaa bartilmaameedka weerarka rasaasta, isagoo yiri “waan u maleynayaa” markii su’aal laga weydiiyay weriyeyaasha. Wuxuu sidoo kale sheegay in ninkii weerarka geystay uu u muuqdo qof kaligiis falka sameeyay, wuxuuna meesha ka saaray wax xiriir ah oo la leh dagaalka Iran.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.