Dib,ayuu saakay ufurmay Shirka oo xasaasiya.
Shalay doodu,waxay ka bilaabatay mudo xileedka,waxaana dhexmaray dood ahayd…
- Mw Xasan,wuxuu hadalka Shalay ku furay mudo xileedka noo haray,waa Hal Sano 2027.
- Mw Deni iyo Mw Shariif,waxay ugu jawaabeen mudo xileedkii Baarlamaanku,waa dhamaaday,kaagana,waxaa kaaga haray Labo maalmood oo Jimcaha saq dhexe,wixii ka danbeeya ma tihid Madaxweyne.
Dood dheer kadib Labada dhinac,waa isla soo dabceen,waxaana lays dhaafsaday aragtiyo.
Maanta doodu,waxay ka bilaabanaysaa halkaas.
Xasan,wuxuu danaynayaa in uu Hal Sano helo oo ku badasho in uu ka tanaasulo Dastuurka qodobada uu ka badalay iyo doorashada uu wato.
Deni iyo Shariif,waxay taagan yihiin mudo xileedkaagu,waa dhamaaday mana lagugu darayo Hal maalin,waxaan ogol nahay 90-Cisho oo doorasho lagu qabto.
Guusha ugu weyn ee la gaaray,waa in Beesha caalamku si cad uqirsan tahay in mudo xileedka Xasan ku eg yahay Jimcaha oo ay tahay ka hor in heshiis la gaaro.
Safaaraduhu,waxay shalay dhankooda si wadajir ah ugu sheegeen Somalida in ay isfahan gaaraan oo hadii aysan heshiis wada gaarin ay doqonimo utahay.
