Xasan tijaabadiisii digtatooriyada,waa ku hungoobay,waxaana uga soo laabtay,wuxuusan filayn.
Dhamaan BC,waa ku diiday mudo kororsiga sharcidarada ah,waxaana si cad uga hor yimid Ururadii caalamiga ah ee lahaa awooda aqoonsiga…
1.QM,waxayba Somaliya gelisay xilli kalaguur.
2.Midowga Africa oo uu hogaaminayo Nin reer Jabuti ah oo Xasan aad ugarab istaagay markuu tartamayay,wuxuu taageeray Somalidu in ay wadahadalka sii wadaan oo ay gaaraan heshiis doorasho,mana umuujin Xasan Hill.
3.Urur Goboleedka IGAD,waxay taageereen wadahadalada ee ma taageerin Madaxweynanimada Xasan sheegtay,wuxuu Xasan filayay in Ururkan taageero oo Turkidu ucadaadiso Itoobiya.
- Midowga Yurub oo ay hogaaminayso Gabar Talyaaniga kasoo jeeda oo Xasan ku dhawayd,waa iska diiday in ay Madaxweyne ugu yeerto,waxayna taageeetay wadahadalada iyo in la gaaro heshiis doorasho.
Sadexdii Urur ee muhiimka u ahaa ictiraafka Sanadka uu ku darsaday Xasan,waa ka hor yimaadeen qorshihiisa.
BC,waxay wadaa dadaal wax lagu badbaadinayo,kuwaasoo haday socon waayaan keeni kara Sadex arimood ….
- In Somaliya lagu celiyo Kmg.
- In cunaqabatayno iyo xayiraado soo baxaan
- In lasoo celiyo siyaasadii Laba Wajiilaynta ee (Somalia Dual Track Policy).
