Dowladda Puntland ayaa mamnuucday in xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha deegaanadeeda kasoo degaan dadka u magacaaban xilalka DFS.
War kasoo baxay Guddiga Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in aan la aqbali doonin, laguna arki karin iyagoo dhex soconaya deegaanada Puntland maleeshiyaad wata Takniko, oo aan ahayn ciidamada Dowladda Puntland.
Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa uga digtay DFS hubka lagu soo daabulayo deegaanada Puntland, taas oo ka dhigan in Puntland ay u aqoonsan tahay Laascaanood magaalo kamid ah Puntland, iyadoo sidoo kale sheegtay in ka talaabo qaadayso diyaaradaha soo daabula hubkan.
IDILNEWS
