Dowladdaha Puntland iyo Jubbaland ayaa iska diidday ka qeyb noqoshada kulamo ka socda Muqdisho, kaas oo u dhexeeya xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda Muqdisho iyo saraakiil sirdoon oo ka socda Turkiga.
Idilnews ayaa xaqiijisay in Wakiillada Puntland iyo Jubbaland iska diideen ka qeybgalka wada-hadallada iyo in loo isticmaalo magaca kulamada ‘mid u dhexeeya Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Turkiga.
Turkiga ayaa loo arka in uusan dhexdhexaad ka noqon karin dooddaha masiiriga ee hadda ka dhex jira Soomaaliya, maadama uu taageero siinayo, lana safan maamulka Xassan Shiikh ee waqtigiisu dhammaaday.
Puntland iyo Jubbaland ayaa joogi doona fadhiga khamiista ee u dhexeeya Madasha Samatabixinta iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS – oo ay goobjoog noqon doonaan Reer galbeedka iyo Turkiga.
IDILNEWS
