Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”
    Puntland

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 21, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa sheegtay in howlgal qaatay saacado kooban, kana dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari ay kusoo qabteen maleeshiyaad hubaysan oo khal-khal gelin amni ka abuurayay deegaanada Puntland.

    War kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagaxisada Puntland ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka hubaysan ay u shaqeynayeen Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee DFS Xassan Shiikh, si ay waxyeeleeyaan Amniga iyo xasiloonida Puntland. Waxaana intaa uu ku daray in la dabajoogo firxadkooda, lana soo afjari doono saacadaha soo socda.

    “Ciidamada Difaaca Puntland oo deegaanka Laag kusoo afjaray hawlgal qaatay saacado kooban malayshiyaad khal-khal amni ka abuuray Puntland, muddooyinkii u dambeeyey, kuwaas oo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sal u yahay abaabulkooda.”

    “Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee sharcidarada wadanka ku joogta ayaa malayshiyaadkan u abaabushey, si ay u waxyeeleeyaan amniga, xasiloonida, wadajirka, dowladnimada iyo nabadda Puntland. Malayshiyaadkan ayaa ciidamadu ka qabteen gawaari ciidan, hubka noocyadiisa kala duwan iyo maxaabiis, halka lagu raadjoogo firxadkooda oo kala firdhaday, saacado koobanna lagu soo afjaridoono.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay

    July 21, 2026

    BOOSAASO: Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano (PSF) oo isku dhiibay Ciidanka Puntland

    July 21, 2026

    Dagaal ka socda duleedka Boosaaso

    July 20, 2026
    Latest Posts

    Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    BOOSAASO: Maleeshiyaadka Ilmo Diyaano (PSF) oo isku dhiibay Ciidanka Puntland

    Dagaal ka socda duleedka Boosaaso

    QABRI-BAYAX: 3 qof oo ku geeryooday Qabri ay u qodayeen 12 qof

    Sidee u socotaa shaqada Dekedda Boosaaso?

    MUQDISHO: Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo korontada laga jartay

    π‚πˆπ‹πŒπˆ-ππ€π€π‘πˆπ’: Saamaynta Dhaqaale ee Colaadda Iiraan iyo Israa’iil ku yeelatay Puntland

    Mareykanka oo uga mahadceliyay DFS u gacan gelinta Cabdikariim Iidleh

    Deni oo Haweenka Puntland ku amaanay doorkooda sugida Amniga

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.