Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August
    {"source_type":"vicut","data":{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"18.7.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"SO","picture_id":"CHB23SD0-B4CD-559V-4N1H-9CE430OS85JH","pictureId":"CHB23SD0-B4CD-559V-4N1H-9CE430OS85JH","capability_name":"capcut_photo_editor"},"tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","source_platform":"mobile_2","appVersion":"18.7.0","enterFrom":"new_image","os":"android","product":"vicut","editType":"image_edit","region":"SO","picture_id":"CHB23SD0-B4CD-559V-4N1H-9CE430OS85JH","pictureId":"CHB23SD0-B4CD-559V-4N1H-9CE430OS85JH","capability_name":"capcut_photo_editor"}"}
    Puntland

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 31, 2026Updated:July 31, 2026No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka Xassan Shiikh Maxamuud ayaa qaaday Afar arrimood oo la doonayay in lagu caqabadeeyo Munaasabadda Xuska 1da August oo deegaanada Puntland looga dabaal-deggayo 28 sano-guurada kasoo wareegtay Aasaaskii Dowladda Puntland.

    ๐€๐›๐š๐š๐›๐ฎ๐ฅ ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ.

    Idilnews ayaa ogaatay in Xassan Shiikh uu ku amray xubnaha maamulkiisa ee kasoo jeeda deegaanada Puntland inay abaabulaan isku dhacyo hubaysan oo ka dhaca gudaha Puntland, kuwaas oo ay fuliyaan maleeshiyaadka ay diiwaangeliyeen ee ay lacagta uga qaataan.

    Tallaabada ayaa looga gol lahaa in Ciidanka Puntland laga mashquuliyo u diyaargarowga Xuska 1da August, maadama ay mari doonaan Waddada halbowlaha ah ee Garoowe, si ay u soo bandhigaan Awooddooda. Dowladda Puntland ayaa arrintaan ka hortagtay, waxaana la burburiyay shabakaddo hubaysan oo qorshahaan fulintiisa ku howlanaa, kuwaas oo dhinac kamid ah lagu sameeyay hub ka dhigis.

    ๐ˆ๐ฌ ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ .

    Maamulka Xassan Shiikh ee Muqdisho ayaa abaabulay Barnaamij kale oo la doonayo in xaalad looga abuuro Gaalkacyo, waxaana la sheegay in doorasho Galmudug lagu qaban doono Koonfurta Gaalkacyo 30 July, iyadoo xaafada Baraxley laga dajiyay maleeshiyaad iyo xubno uu kamid yahay Raโ€™iisul Wasaare kuxigeenka maamulka waqtigiisu dhamaaday Saalax. Tan ayaa looga gol lahaa in Puntland lagu furo jiho cusub oo mashquulin ah iyo in Raโ€™iyi caamka bulshada lagu jiheeyo doorasho la yaqaan cida kusoo baxaysa.
    Arrinta ayaa waxba ka bedeli weyday baraha Internet-ka iyo jawiga dabaaldegga gudaha Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

    ๐๐š๐š๐ซ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ๐š๐š๐ ๐›๐š๐š ๐Š๐š๐ฅ๐š๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข ๐ฅ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ๐š!.

    Dhacdo kale oo maamulka Xassan Shiikh ee waqtigiisu dhamaaday doonayay in baraha bulshada ku jahwareeriyo si looga mashquulo xuska 1da August ee Puntland ka socda, waa waraaq kasoo baxday Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Federaalka, taas oo lagu sheegay in ay yeelan doonaan 1da August furitaanka Kalafadhiga 8aad.

    Waraaqdan ayaa wax saameyn ah ku yeelan dabaaldegyada ka socda Puntland. Xassan Shiikh ayaa filayaa in berri uu Baarlamaankii hore ka jeediyo khudbad nuxurkeedu yahay โ€œ๐™ƒ๐˜ผ๐™ˆ๐˜ฝ๐˜ผ๐™‡๐™”๐™Š ๐™‹๐™๐™‰๐™๐™‡๐˜ผ๐™‰๐˜ฟ ๐™„๐™”๐™Š ๐™€๐™๐˜ผ๐™”๐™Š ๐™†๐˜ผ๐™‡๐™€ ๐™Š๐™Š ๐™๐™ ๐™†๐™ ๐˜ฟ๐™Š๐™๐˜ผ๐™”๐™Š ๐™ˆ๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ผ๐™“๐™’๐™€๐™”๐™‰๐˜ผ๐™ƒ๐˜ผ ๐˜ฟ๐™Š๐™’๐™‡๐˜ผ๐˜ฟ๐˜ฟ๐˜ผ ๐™‹๐™๐™‰๐™๐™‡๐˜ผ๐™‰๐˜ฟโ€.

    ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐—๐š๐ฆ๐ณ๐ž ๐ž๐ž ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐!

    Dhacdo kale oo yaab leh, waa in Xassan Shiikh uu u yeeray Xamze Cabdi Barre oo ku magacaabnaa 4 sano ee lasoo dhaafay Raโ€™iisul Wasaaraha maamulka waqtigiisu dhamaaday, oo ku sugnaa dalka Masar oo u joogay Arrimo qoys, maadama xaaska iyo carruurtiisu ku sugan yihiin.

    Xamze ayuu ku amray in uu sabtida berri ah tago Laascaanood, safar aan la garanayn ujeedada rasmi ah oo uu daaran yahay, marka laga soo tago in la carqaladeeyo dabaaldegyada ka socda gudaha Puntland ee xuska 1da August, balse markii Puntland ay wax dareen ah ka muujin wayday safarkaan oo soo shaac baxay khamiistii, uuna saameyn ku yeelan waayay raโ€™yiga dadweynaha ee baraha internet-ka โ€“ ayaa dib loo dhigay.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    In Response to the Statement on X on Galkacyo and Puntland by Former Somali PM, Mr Sharmake

    July 31, 2026

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026
    Latest Posts

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    In Response to the Statement on X on Galkacyo and Puntland by Former Somali PM, Mr Sharmake

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.