War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa si adag loogu cambaareeyay lacag madax furasho oo maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo Dowladda Turkigu siiyeen koox Burcad-badeeda ah oo haysatay Markabka MV LUTUF, taas oo dhiiragelinaysa kooxaha Burcad-badeeda ah, caqabadna ku ah daddaalada socda ee ku wajahan la-dagaallanka Burcad-badeeda.
Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sheegtay in Turkidu ka dambeeyeen duqeymihii ka dhacay xeebaha Garmaal iyo Jiifle ee gobolka Nugaal, oo lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed oo kalluumeysato ah, waxaana ay sheegtay in lagula xisaabtami doono Turkey.
Hoos ka Akhriso War-saxafadeedka Wasaaradda Amniga Puntland.
#WARSAXAAFADEED; 29 AGOOSTO 2026; Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa in Markabka MV LUTUF iyo Shaqaalihii saarnaa ay xorriyaddoodii dib u heleen kadib markii Burcad-badeed hubeysan ay Xeebaha Puntland ku afduubteen 17-kii August 2026. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta waxay caddeynaysaa in aysan jirin wax hawlgal ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkigu ku soo furteen Markabka, sida lagu sheegay warqadda ka soo baxday Wasaaradda Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya 29-kii August 2026.
Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay si adag u canbaareynaysaa lacagta madax furashada ah ee ay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda wakhtigeedu dhammaaday ee Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkigu ku bixiyeen sii deynta Markabka MV LUTUF. Dowladda Puntland waxay muddadaan dambe si dhaw u la socotay xiriir dhanka telefoonka ah oo u dhexeeyey Masuuliyiin ka tirsan Xafiisyada ugu sarreeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Burcadda afduubka u haysatay Markabka MV LUTUF, si ay u fududeeyaan bixinta madax furashada iyo sii deynta Markabka. Wasaaraddu waxay u aragtaa in falka lagu bixiyey lacagaha madax furashada ah ay tahay khalad weyn oo halis ku ah dadaalada wadajirka ah ee lagu la dagaalamayo burcad-badeedda, iyo
xeerarka caalamiga ah ee la dagaalanka burcad-badeednimada. Dowladda Puntland waxay horeyuga digtay bixinta lacago madax furasho ah, maadaama ay abuurayso dhiirigelin dhaqaale oo burcad badeedda u sahlaya in ay sii wadaan afduubka, ayna adkeyso xal u helista sii deynta maraakiibta kale ee hadda ku jira gacanta Burcadda.
Sidoo kale, Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa in Dowladda Turkigu ay duqeymo ku dishay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo joogay Xeebaha
Garmaal iyo Jiifle 18-kii iyo 20-kii August 2026, ayna burburisay doonyo kalluumeysi, iyada oo
marmarsiinyo uga dhigtay in ay ka hortagaysay in dhalinyaradaas ay ku biiraan Burcadda
haysatay Markabka MV LUTUF. Hay’adaha dambi baarista Dowladda Puntland waxay soo
dhammeystirayaan xogta baaritaan ay wadaan, Dowladda Puntlandna waxay ku la xisaabtami
doontaa Dowladda Turkiga masuuliyadda Muwaadiniinta lagu dilay sifo ka baxsan shuruucda caalamiga ah iyo xudduudda Shareecada Islaamka ee illaalinaysa xuquuqda bini’aadanimo iyo qiimaha nolosha qofka aadanaha ah.
Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Turkigu ay lacago madax furasho ah ku abaal marisay Burcaddii afduubka u haysatay Markabka MV LUTUF, ayna duqeymo ku dishay dhalinyaro joogtay Xeebaha Puntland, ayna burburisay doonyo kalluumeysi.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay mar kale ka digaysaa in aan burcad-badeed lagu abaal marin madax furasho lacageed, waxayna ugu baaqeysaa Saaxiibada Caalamiga ah ee Midowga Yurub, Mareykanka iyo dowladaha kale ee sida masuuliyaddu ku jirto uga qayb qaata illaalinta amniga Badaha iyo bad-qabka gaadiidka Badda iyo Xamuulka ku goosha Badda Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas in la xoojiyo iskaashiga la dagaalan burcad-badeednimada iyo fal dambiyeedyada kale ee ka dhaca Badaha.
Dowladda Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah, burcad-badeedka iyo dhammaan dambiilayaasha kale ee khatarta ku ah amniga badaha iyo birigaba.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
IDILNEWA