Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya
    Somalia

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shacabka caasimadda Jubbaland ee Kismaayo iyo kuwa degmada Afmadow ayaa maanta dhigay banaan-bax ay kaga soo horjeedaan duqeyn uu Turkigu jimcihii ka geystay degmada Doollow ee gobolka Gedo, uuna la beegsaday Gen. Mahad Cabdiraxmaan (Shub).

    Gen. Shub oo labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS iyo Xildhibaan Qaran, ayaa diyaaradaha Drones-ka Turkey ku duqeysay hoygiisa Doollow, iyadoo loo beegsaday in uu ka horyimid maamulka Xassan Shiikh ka dhisay Baydhabo ee Aadan Madoobe iyo in Ciidan taabacsan marar is xiga galeen Baydhabo, jabiyeena Ciidanka Federaalka iyo maleeshiyaadka Aadan Madoobe.

    Kacdoonka ayaa bar bilow u ah baraarug Bulsho oo ka dhan ah Turkey, oo si weyn ugu milantay siyaasadda Koonfurta Soomaaliya, dhibaatooyin badana ka geysatay.

    Turkey ayaa si ba’an u xaalufiyay dhaqaalaha Koonfurta Soomaaliya, waxaana uu in kabadan 10 sano haystaa garoonka diyaaradaha iyo Dekedda, isagoon wax horumar la taaban karo ah aan ka qaban.

    Sidaas oo kale, heshiisyo waa weyn ayuu Turkey ka saxiixday maamulka Muqdisho, kuwaas oo uu kula wareegay kheyraad dhulka iyo Badda ee Koonfurta Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    September 6, 2026

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    September 6, 2026

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026
    Latest Posts

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.