Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Indonesia oo uu hoggaaminayay Safiirka Indonesia ee Soomaaliya, Mudane Witjaksono Adji.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Dowladda Indonesia, iyadoo Dowladda Indonesia ay Puntland ugu hambalyeeysay Howlgalada lagu soo afjaray Burcad badeeda, waxaana Safiirka Indonesia uu si gaar ah uga mahadceliyay Muwadiniin Indonesia u dhashay oo lagu soo furtay Howlgaladii Burcad badeeda iyo sida wanaagsan ee loola dhaqmay dadkaasi markii lasoo badbaadiyey.
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, ayaa soo dhoweeyay Safiirka Indonesia ugana mahadceliyay booqashadiisa, isagoo la wadaagay Dowladda Indonesia in Puntland ay ka go’antahay la dagaalanka Burcad badeeda, illaalinta amniga badaheeda iyo ciribtirka Argagixisada oo iyana laga gaaray guulo waaweyn.
Waxaa kulanka ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Carshe Maxamed Siciid.
IDILNEWS
