Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doqon iyo Taroox.WQ.Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Doqon iyo Taroox.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin tuug ah ayaa baadiggoob ugu jirey wax uu xado oo boobo. Wuxuu dabadeed isagoo waddo haya la kulmay doqon jidka marayay. Tarooxii wuxuu ninkii weyddiiyey in reero meelahan ka dhow yihiin oo deggan yihiin iyo in kale. Doqonkii wuxuu ku jawaabay: “Haayoo, reerkayga ayaaba kob dhow deggan”.

    Tuuggii wuxuu kaddib doqonkii weyddiiyey dariiqa reerka taga. Wuxuu ku yidhi: “Jidkan toos u raac, wuxuu ku geeynayaa gurigayga, markaad aqalkayga gaadho, ha xadin alaabta ii taal ee xaggaa iyo xaggaa iigu jirta. Haddiise aad xaddo, aniga ii kaalay oo alaabtayda waan kaala hadhi. Kolkaan kaala hadhana dadka ayaan u yeedhi oo u sheegi, dadkuna ku dayn maayo oo waa ku dilayaa.”

    Tuuggii wuxuu la yaabay ninka daacadnimadiisa iyo sebinnimadiisa iyo sida nin aanu garanayn uu ku aamminay oo ugu tilmaamay gurigiisa isla markaana u sheegey sirtiisa iyo halkuu wax ku kaydsado. Tarooxii isagoo wali doqonkii la yaabban ayuu sidii loogu tilmaamay intuu yeeley gurigii tagay oo qaatay wixii alaab ahaa oo halkaa yiilley oo dhan.

    “Eebbow, ha ii waayin doqon sirtiisa iyo kaydkiisa ii sheega oo igu aammina!” ayuu tarooxii yidhi.

    Sirtaada, sahaydaada, saadkaaga iyo saldhiggaaga saancaddaale waligaa lama siiyo

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 18.02.2017

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    July 31, 2026

    In Response to the Statement on X on Galkacyo and Puntland by Former Somali PM, Mr Sharmake

    July 31, 2026

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026
    Latest Posts

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    In Response to the Statement on X on Galkacyo and Puntland by Former Somali PM, Mr Sharmake

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.