Author: Jibril Qoobey.

Qoraalkii Maantay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Wuxuu Xambaarsanaa .. 1.In aysan Jirin Magac layiraahdo Jamhuuriyada Somaliland. 2.Fulinta Masuuliyada Dastuuriga ee Xasan Shiikh ka Saaran Jamhuuriyada Federaalka Somaliya. 4.In ay Laas Caanood ka dhaceen Tacadiga Biniaadanimo ee Heer Walba leh,Masuuliyada arrintaasi aysan noqonayn mid la isaga hari doono. 6.In ay Somaliland ay tahay oo Noqona Doonto Somaliland State. ” XUDUUDAHA QABALIGA” 7.In la aqoonsaday la Wareegida Awooda Shacabka ay udooreen go’aanka Hogaamiyayaasha 8.In Guddi Xaqiiqo Raadin ah ay Wadada Ku soo Jiraan. Kaafi Abdi .

Read More

Dowladda Maraykanka,ayaa joojisay Dhoolatus Millateri oo ay ka samayn lahayd Berbera 15-bishan Feb. Dhoolatuskan,waxaa ka qaybgeli lahaa Dalal badan sababaha ay ku joojiyeen ayey ku sheegeen xaaladaha Amni xumo ee soo wajahay Gobollada Waqooyi Somaliya. Maraykanku wuxuu sheegay in ay si dhow ula soconayaan xaaladda Amni ee Gobolladan. ”We regret to announce that the military exercise planned to be held in Berbera has been cancelled due to security threats and instability in the area. The safety of our personnel and the public remains our top priority, and we will continue to monitor the situation closely.” ”Waxa aanu ka xunahay in…

Read More

Halganka xoraynta Magaalada Laascaanood ee ay wadaan Shacabka ka kacdoomay dulmiga Maamulka Somaliland,ayaa Maalinkii 8-Aad si isdaba joog ah usocda. Saakay sarkaal sare,ayay ku wayday Somaliland weerarada gardarada ah ee ay soo qaaday,kaasoo ah mid ka mid ah Talyayaasheeda Ciidamada oo loo yaqaan Gama’diid. Sidoo kale Madaafiicdii ay Somaliland kusoo garaacaysay Gudaha Magaalada siidoodii ayay usii socdaan. Waxaa muuqata in Maalinba maalinka ka danbaysa Shacabku sii dhiiranayaan oo Halgankoodi sii xoogaysanayo. Ilaa iyo hada Somaliland way garowsan la’dahay in ay joojiso xasuuqa Shacabka Sool. Jibril Qoobey.

Read More

Samatabbixiyeyaasha,ayaa Axadda maanta ah burburka dhismayaasha ka soo hoos bixiyay ilmo yar oo Toddobo Bilood jir ah iyo Gabar dhowr iyo Toban jir ah, waana ku dhowaad Toddobo maalmood kadib markii uu dhul-gariir xooggan ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 28,000. Wiilka Toddobo bil jirka ah,ayaa lagu magacaabaa Hamsa waxaana laga soo saaray koonfurta magaalada Hatay muddo ka badan 140 saacadood ah ka dib tan iyo markii uu dhul-gariirku dhacay, iyadoo gabadha 13 jirka ah oo Esma Sultan, iyana laga soo saaray dhismaha ku dumay magaalada Gaziantep, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.…

Read More

Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICO,ayaa sheegay inay 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ku dileen weerar dhinaca cirka ay oo ay Jimcihii ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo, sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay taliska. AFRICOM,ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab. Taliska,ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM…

Read More

Addis Ababa, 10 February 2023: The Joint Committee (JC) for implementing and monitoring the “Agreement for Lasting Peace in Ethiopia through a Permanent Cessation of Hostilities” held its inaugural meeting at the African Union Commission Headquarters in Addis Ababa, Ethiopia, today, 10th February 2023. Chaired by Ambassador Bankole Adeoye, African Union (AU) Commissioner for Political Affairs, Peace and Security, the Joint Committee comprises representatives of the Parties and the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD). The Committee took stock of progress made in implementing the Peace Agreement and considered the operations of the Monitoring Verification and Compliance Mechanism (MVCM) deployed to…

Read More

At the request of the Federal Government of Somalia and in support of Somali National Army engagements against al-Shabaab, U.S. Africa Command conducted a collective self-defense strike Feb 10, 2023. The strike occurred in a remote area approximately 45 km southwest of Hobyo, Somalia, and about 472 km northeast of Mogadishu. The initial assessment is the strike killed 12 al-Shabaab fighters. Given the remote location of the operation, the command assesses that no civilians were injured or killed. Rooting out extremism requires intervention beyond traditional military means. Somali President Hassan Sheikh Mohamud has publicly stated that economic reform, social and…

Read More

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Deegaanka iyo Milleteriga Somaliland ee ka socda Magaalada Laascaanood,ayaa galay maalintiisii Toddobaad. Sida caadada unoqotay Todobaadkii udanbeeyay Dadka Magaalada,ayaa ku waabariistay dhawaaqa Hubka kala duwan ee la’isku adeegsanayo. Dagaalka,ayaa weli ka socda bannaanka Magaalada,iyadoo la soo sheegayo khasaare ka dhashay. Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka,balse waxaa jira Madaafiic ay Guryaha Shacabka iyo goobaha Caafimaadka kusoo tuurayaan Ciidamada Maamulka Somaliland.

Read More

Garaadadu waxay sheegeen in aysan Xabad joojinta diidanayn ayse rabaan Laba Qodob in la fuliyo.. 1.In Ciidamada Muuse la durkiyo. 2.In Gudi xaqiiqo raadin ah oo Caalamka ka socda lasoo diro. Garaadadu si masuuliyad leh ayay uga jawaabeen Xabad joojinta iskiis uu ugu dhawaaqay Muuse,inkastoo isla maantaba uu jabiyay oo Madaafiic kusoo garaacay Magaalada iyadoo uu ku geeriyooday Dhakhtar ka shaqeeya Isbitaalka Laascaanood. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ganacsade Qandaraasle ah oo dul fadhiya kuwa Bosaso hada uga socda,ayuu kusoo ururay. Dagaalka,waxuu udiidan yahay xiligan waa Laba Qodob oo kala ah…. 1.Dhaqaalaha ku baxaya ee laga soo saarayo khasnada Dowlada oo qiyaastii gaaraya ugu yaraan 2-Milyan oo dolar. 2.Doorashada Madaxweyne ee Somaliya 2026 oo uu waji kasii samaysanayo Xildhibaanada Beesha Isaaq. Ujeedka uu ka duulayo oo dhan waa dano gaar u ah isaga oo ku fadhiya dhaqaale iyo Dad iska dhis. Marxuum Siyaasadeedka 2023. Jibril Qoobey.

Read More

Jen.Siciid Dheere,waxuu bilaabay olale wanaagsan oo dagaalka Laascaanood lagu galayo. Islaan Ciise,ayuu utagey oo ku yiri qaado doorkii Aabahaa ee difaaca Dalka oo abaabul Beelaha. Islaanku,waxuu ku cawday wax walba uu samayn lahaa in Laba culays haysto,kuwaasoo kala ah… 1.Kala celinta Aaran iyo Deni.2.Dhaga-adayga iyo faham la’aanta Deni. Ugu danbayn Siciid Dheere iyo Islaanku waxay isla qaateen in aan la sugin Dowlada oo Beelaha la abaabulo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dagaalka u dhexeeya Dadka Deegaanka iyo Malleeshiyada Muuse Biixi,ayaa saaka galay maalintii Lixaad. Ma dhaqangelin Xabbad-joojin uu xalay iskiis ugu dhawaaqay Maamulka Muuse Biixi. Dagaalka,ayaa saaka weli ka socda bannaanka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaaro ka dhashay. Mid kamida Dhakhaatiirta isbitaalka Gargaar ee Magaalada Laascanood,ayaa laguso warramayaa in uu geeriyooday kaddib markii rasaastu ay ugu tagtay isbitaalka isagoo howlo daweyn mutadawac nimo ah ku guda jira. Sidoo kale Maleeshiyada Muuse Biixi,ayaa Madaafiic kusoo garaacaya Magaalada. Madaafiicda,ayaa ku dhacay Guryo Shacab,waxaana ka dhashay khasaare Naf iyo Maalba leh. Guryaha lagu garaacay Madaafiicda,waxaa ka mid ah Guriga Garaad Jaamac Garaad Cali,inkastoo…

Read More

Diiwaangelintii Garowe,waxaa lagu fashiliyay si fudud oo aan Dhiig ku daadan. Qorshaha lagu baajiyay Diiwaangelinta,waxaa abaabulay Aaran-shaydaan,iyagoo garab ka helaya Urur ka mid ah Ciidamada Puntland ee Kumaandooska ah. Markii laga soo tago garabka Aaran iyo Ciidamada taabacsanaa,waxa iyaguna fududeeyay fashilinta Diiwaangelinta Ciidamadii galbinayay iyo masuuliyiintii Dowlada. Si hoose,ayaa loo wada hadlay,waxaana lagu ballamay in aan laysku dhiban oo lakala war wareego,waxaana kor loo ridayay Xabadaha lays dhaafsanayay. Laba Qodob,ayaa laga bartay khal-khalgelintii Diiwaangelinta ee Garowe… 1.Madaxweyne Deni cid Dowladiisa ka mid ah oo daacad u ah una haysa rabitaan in aysan jirin. 2.Beesha Ciise Maxamuud Shacab iyo haldoor saamaynta…

Read More

Nuux Taani Talyaha Maleeshiyada Muuse Biixi waxa uu Beesha Habarjeclo ka qoranaya. Ciidan. Qofku markuu is qoro Ciidanka,waxaa lasiinanayaa 1000$ oo horumarin ah. Shuruudaha lagu qorayo Qofka Ciidanka laga dhigayo,waxaa ugu horeeya Hub waxa uu qabsado isagu in uu leeyahay. Beesha Biiciido oo ah Jifi Harjeclo ah,ayaa diiday in ay is qorto Ciidanka,waxaase isoqoray Soolamadaw,Reer Yoonis iyo Cumar. Guud ahaan Beelaha Isaaq,waxaa lookala diray Rag Lacag loo dhiibay oo Ciidamo kasoo qora. Cadaadiska dibada ka fuulay,waxaa ugu darsoomay Maamulka Muuse Biixi fashilka gudaha,gaar ahaan Maleeshiyaadkooda. Xabad joojinta,waxaa kusoo dadajiyay markii fashilka Diblomaasiyada dibada laga soo tago khilaaf weyn oo xaga…

Read More

Xabad joojin dhankiisa ah macno masoo kordhinayso ee waxaa laga rabaa in uu la tago Maleeshiyadiisa,isla markaana Cutub ka mid ah Ciidamada Midowga Afrika ee Atmis la dhigo Oog. Shaqada socota waa in Atmis la geeyo Sool si Dhiiga daadanaya loo hakiyo ayna ubadbaadaan Shacabka la xasuuqayo. Muuse fashilka gudaha ka qabsaday,waxaa uga daran dibada cadaadiska aan caadiga ahayn ee uga socda.

Read More

Maamulka cunsuriga ah ee Muuse Biixi,waxuu markale ku celiyay in ay argsgixiso ka hawlgasho Laascaanood. Beesha caalamka,ayuu Maamulka Muuse Biixi ku dhaleeceeyay go’aamada ay ka qaadatay colaada Laascaanood. Argagixiso in aysan joogin Laascaanood,waxaa xaqiijiyay Garaadada Gobolka Sool. Ururka argagixisada ah ee Alshabaab,ayaa dhankiisa ka sheegay in uusan shaqo ku lahayn dagaalka Laascaanood. Dagaalku in uu yahay mid xasuuq Shacab ah,waxaa cadaysay Beesha caalamka oo Maraykanku ugu horeeyo. PSF way ka daba tagtay eedaynta Somaliland ee ah in ay dagaalka qayb ka yihiin,waana ku qanciyeen caalamka in aysan dagaalka ku jirin. Argagixisada Geeska ka hawlgasha baritaarka ugu weyn waxay ka heshaa…

Read More

Dagaalka Laascaanood waa waajib dhan walba marka laga istaago… 1.Waa ilaalinta midnimada Dalka.2.Waa ilaalinta Midnimada Daarood.3.Waa ilaalinta sharafta Daarood.4.Waa ilaalinta Puntland dhan walba. Deni in uu ka gaabsado oo ku daawado Dadkiisa laynta Maleeshiyada Muuse Biixi ma’ahan wax la aqbali karo. In sidii Barakacayaashii loo sameeyo Gudi bini’aadan Dad uu qeexayo Dastuurka Puntland waa ilhaamo. Diiwaangelin iyo Codayn in laga fakaro oo lagu bixiyo dhaqaale fara badan laguna galbiyo Ciidan,iyadoo Laascaanood Madfac ka dhacayo Deni in lagula xisaabtamo,ayuu mudan yahay. Ciidanku waa in aysan sugin amarkiisa oo ay damiirkooda raacaan. Jibril Qoobey.

Read More

Diyaarad laga leeyahay waddanka Bulgaria oo Flight Number-keedu yahay UR 11819,ayaa ka degtay Magaalada Hargeysa. Diyaaraddan oo lagu tuhmayaa in ay wadday Hub culus,ayaa dhowr Dal ku soo martay si raad gadasho ah… Waxay kasoo duushay Sarafovo Bulgaria 14:06 Jimcihii. Waxay ku hakatay Stanbul Turkiga 29:34. Waxay sii martay magaalo udhow Qaahira Masar 22:04. Waxay sii martay Khartuum Sudan 05:47 Axadii. Waxay ka degtay Hargaysa 11:06 isla Axadii 05.02.2023. Waxay ka duushay Hargaysa 13:29 isla Axadii. Waxay shidaal kasii qaadatay Khartuum Sudan 16:12 isla Axadii. Waxaa baaristeeda Gacanta ku haya oo daba socda si gaar ah Maraykanka. Hubka la tuhmayo…

Read More

Kulankii Deni iyo Isimada Bari ee Saakay,waxuu kusoo idlaaday fashil. Ujeedka ugu weyn ee ugu tagey Isimada waxay ahayd in uu dhoolatus udhigo Aaran-shaydaan. Isimadu way fahansanaayeen in uusan ugu imaan xurmo iyo wanaag uu uhayo ee ay ka tahay igu sawir ku socota Garowe Ragga uga furtay inqilaabka uusan Dhiigu ku daadan. Hadalka isagaa furay,waxuuna uga waramay Isimada xaalka Dalka iyo Dimuqraadiyada,gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Garowe ka dhacay. Boqor Burhaan,ayaa ugu jawaab celiyay waxa kale hanoo danbeeyaan,waxaan kaa rabnaa in aad fuliso hadeer Labadii Qodob ee kala ahaa.. B.Qoondadii horumarinta Bosaso ee Dekeda. T.Dhaqaalihii loo xukumay Dadkii…

Read More

Qodobada kasoo baxay Shirka Amniga Gobolka Bari oo uu Shir gudoominayay Madaxweyne Deni,waxay ku qotomaan Shan Qodob oo kala ah… 1.Boor isku qarin lagu baabi’inayo Waji-gabixii kasoo raacay Deni kulankii Boqorka iyo isimada kale. 2.Banaysashada Dhulka Dowlada oo Den dan gaar ah ka leeyahay. 3.Baalayaasha Korontada in qaybo badan oo ka mid ah la baneeyo si Shirkada Korontada Deni ee dhawaan hawlgalaysa fursad uhesho. 4.Biilasha Korontada oo la saaray Hal Dolar Guri walba,waxaa lagu fashilinayaa qoondada Dekeda ee horumarinta Bosaso ee Isimadu soo jeediyeen. 5.Banaynta Dhulka Dowlada oo la rabo in lagu xaaqo Guryaha Gol Ciise oo ay leeyihiin Aagoonta…

Read More

Dharbaaxo Diblomaasiyadeed,ayaa ku dhacday Maamulka Somaliland ee Muuse hogaamiyo. Dulucda hadalku waa…”Jooji Shacabka rayidka ah ee Aad xasuuqayso,ma joogto argagixiso Laascaanood”. Maraykanka fariintiisu ma’ahan iska hadal ee waa amar,sababtoo ah waa awooda koowaad,gaar ahaan Somaliya saamaynta ugu weyn ku leh. Muuse dhan walba waa kaga fashilmay colaada Laascaanood ee nacaybka salkeedu yahay. Jibril Qoobey.

Read More

Labada dhinac Maanta waxay isdhaafsanayeen Madaafiic. Balse Ciidamada halganku waa kusii siqayeen,halka kuwa Muuse Biixi dib ugurasho samaynayeen. Buundadii,waxaa lagu gooyay Dhagxaan waa weyn. Dhanka kale gurmadkii Laaska si xawli ah,ayuu uga socdaa Gobollada kale ee Puntland. Dhaawicii cuslaa ee Laascaanood laga keenay,waxaa loo gudbiyay Xamar . Hawshu si wacan ayay usocotaa marka laga reebo hagrashada Marxuum Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Golaha Wasiirada Fadaraalka Somaliya,ayaa maanta ansxiyey in Abuukaate Axmed Ciise Guutaale uu noqdo hanti-dhawraha guud ee Qaranka, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyey Xafiiska ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre. Axmed Ciise Guutaale,ayaa beddelaya Maxamed Cali Afgooye oo xilkan hayey tan iyo 3-dii bishii August 2017, markaasi oo ay magacaabeen Golaha Wasiirada. “Hanti-dhowrka cusub ayaa aqoon durugsan u leh arrimaha sharciga, waxuuna horay u soo noqday Lataliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare,” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xamsa. Axmed Ciise Guutaale,ayaa sidoo kale ka soo shaqeeyey Shirkado iyo Hay’ado Warbaahineed wuxuuna madax ka ahaa Earaabinta…

Read More

Deni Maalmaha uharay haduu sharaf kusii dhamaysanayo oo dhamaan Isimadii uu la dagaallamay xaalmarinayo,iyadoo lays cafiyayna uu anba baxayo waa wax fiican. Balse xod-xodasho uu ku raadinayo mudo xileed uu Kursiga kusii joogo mid soconaya ma’ahan. Hal Maalin laguma dari karo,waana khasab 8-da Janaayo in Doorashada Madaxweyne ay ku qabsoonto. Sidoo kale Bisha Sagaalaad waa in uu kala tagaa Golaha Baarlamaanka Dowlada Puntland. Dimuqraadiyada ugu weyn ee aan haysano,waa doorashada noogu qabsoonta xiligeeda iyo awooda sida nabada ah loola kala wareego. Deni waa Mayd Siyaasadeed lamana sii xanbaarsanaan karo oo laguma ilaalin karo in uu yahay Madaxweynaha Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Xili danbe oo mudo xileedku kasii yahay gabaabsi,ayuu fahmsy awooda Dhaqanka Madaxweyne Deni. Boqorka iyo Golihiisa Isimada,ayuu karaamayn ugu tagey Saakay fadhigooda. Deni,waxuu fahmi waayay 4-tii sano ee lasoo dhaafay ugu yaraan Isimada awooda leh Labo ka hayso. Boqor Burhaan waa mid ka mid ah kuwa muhiimsan awoodaha Dhaqan ee Puntland ka jira. Puntland Odoyaasha dhaqanka waa awood la inkiri karin waliba markaad Siyaasada maaraynayso. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray dalka Kenya halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho labo maalmood ah. Ninkan 77 jirka ah ayaa booqasho dhif ah ku tagay dalalka dibadda, dalkiisa wuxuu sanadihii ugu dambeeyay go’doon diblumaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweynaha lagu wado in uu kulan la qaato dhiggiisa Kenya, William Ruto. Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxda Kenya iyo Eritrea waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida gobolka.

Read More

Kooxaha samata bixinta,ayaa helay wiil yar Qaxooti Suuriyaan ah oo ku hoos jira burburka dhismo dumay oo ku yaalla magaalada Hatay ee koonfurta Turkiga. Shaqaaluhu waxay Biyo ku siiyeen Caagad Furkeed ka hor inta aysan kasoo saarin burburka ku dhawaad ​​​​45-Saacadood kadib. Waa muuqaalkii ugu darnaa ee laga soo duubay Dhulgariirka ku dhuftay Trkiga iyo Siiriya. Halkan ka daawo.

Read More

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay inay jireen dhibaatooyin kala duwani oo la xiriiray dhinaca gurmadka iyo samatabixinta, markii uu dhulgariirku dhacay, taasoo keentay inay dad badani ka caroodeen gaabiska ku yimi gurmadka. Erdogan ayaa sheegay, in xaaladda cimilada ee aadka u qaboobi inay ka mid ahayd caqabadaha ugu waaweyn ee dhibaatadaas keenay, hase ahaatee haatan uu gurmadku u socdo sidii loogu talo galay. Dhulgariirka ku dhuftay Turkiga iyo Syria ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa ee muddo 10 sano ah caalamka laga diiwaangeliyo, waxaana haatan dhimashadu ay maraysaa in ka badan 12,000 oo Qof. Dhulgariirkii ugu…

Read More

Dawladda Fadaraalka Somaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka bani’aadannimo ayaa maanta ku dhowaaqay inay u baahan yihiin adduun dhan 2-Bilyan iyo 600 Milyan oo Dollar oo wax lagagaga qabto xaaladda bani’aadannimo ee Somaliya sannadkan 2023-ka. Hay’adaha,ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu gargaari doono dad dhan 7-Milyan iyo 600 kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya. Waxay sheegeen hay’adaha gargaarku in Dad dhan 8-Milyan iyo 250-kun oo Qof oo Somali ah oo u dhiganta ku dhowaad kala bar dadka Soomaalida ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo Naf badbaadin ah, waxayna ka digeen in macluul ay suurtogal tahay.

Read More

Bosaso: 08 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Baahida loo qabo in loo diyaar garoobo dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood. Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 7-kii Feb 2023 Dowladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda. Guddiga oo ka kooban Hay’adaha Dowladda, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal ayaa kala ah: DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Ugu yaraan 3000 oo Askari iyo 200 oo Gawaarida dagaalka ah oo haysta Saanadii ay ku dagaallami lahaayeen 6-bilood,ayaa ku xiran in ay dhaqaaqaan Amarkiisa oo qura. Aadbay ufiicnaan lahayd in uu dagaal shaaciyo dhanka Tukaraqna culays ka saaro Nimanka Gooja-cade ku jira. Maxayse kuugu taal Ciidamo ku dhow 70-Gaari,ayuu Caasimada ukeenay socodsiinta Diiwaangelinta,hadana,waxuu soo amray 30-kale oo Sanaag jooga. Xerada Ciidamada Badda,ayuu dhex degan yahay oo marna Qoraxda isku dhigayaa marna Badda ku dabaallanayaa. Si aan Sawir looga qaadin,waxaa xataa Kamerooyinka laga ururshay ilaaladii gaarka ahayd oo hoose. Taleefoonada Saacad-Saacad buu udaminaya oo udaarayaa oo kuna soo jawaabayaa,waa kugu…

Read More

Si buuxda Ciidamada halganku uma qabsan Taliska Maleeshiyada Muuse Biixi ee ubadan Beeshiisa iyo horgallo kasoo kala jeeda Beelaha Goday-biirsay,Habarjeclo iyo xoogaa Garxajis ah. Sadex Jiho ayay ka weerareen Ciidamada Halganku Taliska Gooja-cadde oo kala ah Bari,Galbeed iyo Waqooyi. Dagaalku ilaa iyo hada si xoog badan,ayuu usocdaa oo aan kala joogsi lahayn,waxaana lagu han weyn yahay in ugu danbayn Makhribkii laga faraxasho Gooja-cade. Magaalada,waxay kusoo rideen Hub waa weyn,taa badalkeedana,iyagana waa loogu jawaabay. Goobaha Korontada,Biyaha iyo Isgaarsiinta waxay ugu hanjabeen waa idin dukhaynaynaa,balse taasi wax weyn ma hakin. Waxaa Ciidamada halganku gooyeen Wadooyin muhiim ahaa oo uu gurmadku uga imaan…

Read More

Gudigii Diiwaangelinta Cod boxiyayaasha Puntland qayb ka mid ah,ayaa Qarax lagula eegtay Tuulada Afxarago ee Degmada Ballidhidhin Gobolka Bari. Inkastoo Gaariga oo ahaa nooca Hilux ay waxyeelo balaaran soo gaartay hadana ma jirto cid ku dhimatay,khasaaraha soo gaaray Gudiga waxuu ku kooban yahay dhaawacyo. Ballidhidhin waxay ka tirsan tahay Gobolka Bari oo Diiwaangelintiisa 8-beri ka hor lagu dhawaaqay in lasoo afjaray,balse weli usii socota si habaqle ah. Jibril Qoobey.

Read More

International partners* are gravely concerned about the current violence in Laascaanood that has resulted in civilian casualties, including children. We call for an immediate de-escalation of violence, the protection of civilians, unimpeded humanitarian access and for tensions to be resolved peacefully through dialogue. *African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Belgium, Denmark, Djibouti, Egypt, Ethiopia, European Union (EU) Delegation, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Norway, Organisation of Islamic Cooperation (OIC), Poland, Qatar, Russian Federation, Sudan, Sweden, Switzerland, Türkiye, Uganda, United Kingdom, United States and United Nations.

Read More

Madaxweyne Deni,ayaa ku amray Gudiga Doorashada in ay bilaabaan diiwaangelinta maalinka beri foog ah. Gudiga iyo Xubno ka mid ah Xukuumadiisa,waxay kula taliyeen in 3-bilood dib loo dhigo,waase ka diiday. Diiwaangelinta,ayay ahayd in ay bilaabato Maanta ,balse Madaxweyne Deni,ayaa amray Xalay Saq dhexe in la hakiyo kadib Shaqaaqadii ka dhalatay. Garowe waxaa ka bilowday guux xoog badan,waxayna ubadan tahay in Dadku Subixii dhigaan Mudaahaaraad balaaran oo ay ku diidan yihiin diiwaangelinta xiligan kusoo aaday. Dad la laynayo Dadkoodii oo Dhaawac iyo Dhimasho kala guraya kuna mashquulsan gurmad in la yiraahdo Diiwaangelin aada waa yaab. Guud ahaan Dadka reer Puntland dareenkoodu,waxuu…

Read More

Somaliland dagaalkii Shalay way ku jabtay si weyn oo ceebaysan,waxayna taasi keentay in ismaqalkii iyo hogaamintii Ciidankoodu lumo. Beesha Garxajis Boqolkiiba Sodon hada dagaalka banaanka ayay ka istaagtay. Waxa ugu weyn ee ay isku canaanayaan waa habka ay weerarka usoo qaadeen iyo waliba xiliga ay soo qaadeen. Qorshahoodu waa dagaal Sadexaad oo iskugu jira Weerar Madaafiic iyo Ciidan Lug ah. Shir madaxtooyada Hargaysa ka dhacay oo ay ka qaybgaleen Odoyaal iyo Ganacsato waxay isla qaateen Afar Qodob oo kala ah… 1.Isgaarsiinta iyo Internetka oo laga jaro Laascaanood. 2.Gurmadka uga imaanaya Gobollada kale oo la gooyo. 3.Magaalada gudaheeda oo lagalo qiimo…

Read More

Dagaal durba guulo laga soo sheegayo,ayaa ka socda Laascaanood Maalinkii Labaad. Yoolka halgamayaashu waa in Taliska Maleeshiyada Beesha Isaaq iyo horgalladooda ee Gooja-cade lagalo. Inkastoo Maamulka Puntland uusan qaadan doorkiisa difaaca Laascaanood hadana guud ahaan Shacabka Puntland oo Beelaysan gudo iyo dibad gurmad xoog leh ayay wadaan. Dagaalkan waa burburinta hanka gooni goosadka iyo ilaalinta Midnimada Somaliyed. Jibril Qoobey.

Read More

Iska horimaadyo hubaysan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga Deegaanka. Mas’uuliyinta Somaliland,ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah Odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood. Sidoo kale mid ka mid ah Odayaasha deegaanka,ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar lagu soo qaaday magaalada Laascaanood. Mas’uuliyiinta isbitaalka Laascaanood,ayaa sheegay iska horimaadkan ay ku dhinteen 13-Qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Read More

Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay. Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in…

Read More

Bosaso: 06 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 ee 6da February 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftey koofurta dalka Turkiga meel u dhow Gaziantep sida ay sheegtey hay’adda arrimaha dhulka Maraykanka. Dhulgariirkan ayaa dhacay 4:17 daqiiqo ee saaka ka hor waaberigii. ku dhawaad 18 Km dhul ballaciisu yahay ayaa la sheegey inuu saameeyey dhul gariirkani. Dhulgariir kale oo xigey ayaa isna cabbirkiisu ahaa 6.7 waxaana uu ka dhacay meel u dhow isla goobtii hore. Saraakiisha Turkiga ayaan wali sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah, balse muuqaalo la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinaayey dhismayaal bur burey dhowr magaalo oo ku taala koofur Bari dalka Turkiga. Warbaahinta dowlada Turkiga…

Read More

Muqdisho 6 February 2023—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka. Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda. Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in…

Read More

Bosaso: 06 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 10 ee 6da February 2023, kuna saabsan magacaabid Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS,ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA. 144-Mudane,ayaa haa ugu coddeysay, Saddex Xildhibaan ayaa ka aamustay halka Hal Xildhibaan uu diiday. Sidoo kale Talyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad,ayaa u mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ee maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedka HSNQ

Read More

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal) Og: Xubnaha Golaha Ammaanka Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya BAAQ LAASCAANOOD 5 Febraayo 2023. Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland. Dhibaatooyinkaasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay “Kacdoonka Buluuga ah” kaas oo shacabka…

Read More

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dDalka Mareykanka,ayaa soo ridey buufin looga shakisan yahay in uu yahay Basaas Shiinuhu leeyahay. Buufintaas,ayaa dul heehaabaysay Hawada sare ee Xeebta South Carolina Todobaad kadib markii ay soo gashay hawada Mareykanka. Dadka Deegaanka,ayaa sheegay in Buufinku uu udhacay sidii Daruur dhaqaaqaysa oo soo degaysa. Dhowr Diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa Shidaalka siiya,ayaa ka qaybqaatay howlgalkan,waxaana Gantaalka riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia. Gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X,ayaa la riday Abbaarihii 2:39 Duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo…

Read More

Cabdi Rashiid Cali Xiirey ( Abees dhuuni) oo ahaa hogaamiyihii Maleeshiyaadka Dahabka ka qota Buuralayda Milxo ayay Qarax la beegsatay argagixisada. Abees Dhuuni dhaawac daran,ayaa kasoo gaaray Qaraxa,waxaase ku naf waayay Laba Qof oo Dahab qotayaasha ka mid ahaa. Deegaanka Ceelaanyo oo ka tirsan Gobolka Haylaan ee Puntlabd,ayaa Qaraxa lagula eegtay Baabuur uu watay Abees Dhuuni. Abees waxuu ahaa hogaamiye isku dubariday Maleeshiyaad ka difaaca argagixisada Bulshada Dahabka qodota ee Buuralayda. Jibril Qoobey.

Read More

Beesha Caalamku si weyn ayay ugu dhaliishay Madaxweyne Xasan in uu Gacantiisa ku saxiixay mudo kordhin. “Waa niyad jab xaqiiqdii in Madaxweyne Xasan oo horay udiiday mudo kororsi uu hadana ogolaado mudo kordhin xiligan”Ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah Safiirada BC ee Xalane fadhiya. Haldoorka Siyaasada rog-roga waxay qabaan in ay Xasan uwanaagsanayd in uusan qayb ka noqon mudo kororsiga Laftagareen. Haduu Xasan awoodi kari waayay in uu ka dhaadhiciyo Laftagareen doorasho 3-bilood gudahood lagu qabto in uu iskaga soo tago Baydhabo ayay ahayd. Laftagareen Sanad kadib meelna uma socdo sida saadaaliyayaasha Siyaasadu qabaan,waxaana isku soo aadi doona…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa. Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan…

Read More

Qoraalkan wuxuu bilow ka yahay tabashooyinka Dowladda iyo Shacabka Puntland ay kala kulmeen Dowladda Dhexe ee Soomaliya. Tabashooyinkaas waxay isugu jiraan kuwo siyaasaddeed, dhaqaale, bulsho iyo wadatashi la’aan. Dowladda PL waxay qeyb weyn ka ahayd ka hortaggii damacii Md Farmaajo ee lagu badbaadiyey Dalka gaar ahaan Amniga Caasimadda. Shacabka iyo Dowladda Puntland sidii ay ugu hanweyned doorashada Md HSM loogama helin rogaalkii ay mudnaayeen reer Puntland. Waa fursad weyn in wadahadalaas si dhab ah looga tashto. Waxay si gaar ah fursad ugu tahay Md HSM oo midnimada siyaasadeed iyo wadajir ee dalka u dhaartay. Haddii dariiqa ciriiriga ah ee qabyaaladeysan,…

Read More

PRESS_RELEASE: Puntland State Technical Committee For Federal Negotiations, TCFN Date: February 5, 2023 Ref………TCFN/10/2023 PUNTLAND STATE ARGUMENT WITH THE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA TCFN Press Release The Federal Constitution is the founding legal framework which guides governance and operations of the country’s public institutions and rule of law as well as relationships between Member States and Central Authorities. Despite persistent advocacy on the part of successive Puntland administrations in many forums and venues, the Federal Constitution still remains uncompleted before a referendum is held for its final adoption. This has become an obstacle to trust and cooperation between states, particularly,…

Read More

10-Oday oo reer Nugaaleed ah,ayaa is xilqaamay,waxayna utageen Xalay Aaran-shaydaan iyo kuwa la socda,way xakameeyeen oo waa lasoo ballameen. Kadib waxay la xiriireen Madaxweynaha isaguna waa aqbalay dadaalkooda. Waxgaradkaas waxay Deni ugudbiyeen Shuruud ay Aaran ku xireen wada xaajood laysku soo hor fariisto oo ahayd in la hakiyo tababarka Shaqaalaha Diiwaangelinta Gobolka Nugaal,taasoo Madaxweynuhu aqbalay. Saakay Laba Gudi oo Labada dhinac ah ayay Waxgaradku Qado iskugu ballamiyeen,kuwaasoo kala ah.. Dowlada” 1.Wasiirka Arimaha Gudaha.2.Wasiirka Qorshaynta.3.Duqa Magaalada.4.Talyaha Booliska. Aaran iyo Dadkooda” 1.Maxamuud Shido.2.Xasan Shire.3.Maxamed Faroole.4.Cabdi Yare. Dadaalkaas waxgaradka ee muujiyay in aan leenahay Caqli nakala badbaadin kara in uu guulaysto,ayaan urajaynayaa…. Jibril…

Read More

Diiwaangelinta lagu gaarayo Dimuqraadiyad iyo Doorasho Qof iyo Cod ah,waa noo mustaqbal nawada anfacaya. Kuma xirna Deni in aad taabacsan tahay ama diidan tahay Diiwaangelintu ee waa dan guud. Xaqiiqda markaad dul istaagno Deni hogaamiyihii aan xiligan ubaahnayn ma’ahan si la mid ah Xasan Shiikh iyo Muuse Biixi. Guud ahaan Umadda Somaliyed mahayso hogaamiye uqalma in uu hogaansho sida Itoobiya uheshay Abiy kadib Melles,Kenya haldoor iskugu bad-badalayo hogaaminteeda. Kuwa Deni wax ku haysta ee Diiwaangelinta jid marka kasii dhiganaya ee Aaran-shaydaan wax badana Deni,ayaa Dalka iyo Dadka uga roon. Si kasta oo ay tahay Dimuqraadiyadu waa xalka kaliya ee aan…

Read More