Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Dhagax dhiggay dhismaha Wadada Alraxma iyo Dhismaha Wadada Badda cas, labadaasi wado oo laami laga dhigayo waxaa laga fulinayaa Mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland JPLG Qeybta Horumarinta ee LDF. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray Xaafadda cusub ee sida Casriga ah ee loo dhisayo ee Guryasamo, Goobta nasashada ee Green City, Labada xarumood ee Soolarka Boosaaso iyo qeybta Korontada ee Shirkada Isgaarsiinta Golis. Dhagax dhigga iyo kormeerka Madaxweynuhu sameeyay maanta waxaa ka warbixiyey Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani. Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
WARGELIN GO’AAN. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta ay quseyso go’aan Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ka gaaray deegaanada lagu muransanaa soohdimahooda deegaan-doorasho ee Cawsane, Habarshire iyo Gooraan. Kadib wadatashi iyo faalayn ay Magaalada Bosaaso ku yeesheen qaar kamid ah Golayaasha Dowladda, Waxaa la go’aamiyey Iyadoo la raacayo qawaaniinta Puntland, Dowladda ayaa kadib doorashada Degmooyinka, waxay dib u eegis ku sameyn doonta soohdimaha Degmooyinka cusub ee Puntland si loo dhammeystiro kala xadeynta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland. Fulin wacan. Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Hogaamiyaha militariga Sudan,ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan” biyo xireenka weyn ee Itoobiya. Biyo xireenkan,ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Dowladda Sudan ee Suna. Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya. Abiy,ayaa waxa uu sheegay in biyo xireenka wabiga Niil uusan “wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka…
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, ayaa ku amray maamulayaasha dowladda ee gobollada dhexe ee dalkani, inay dhaqan geliyaan awaamiirta hal baarmagaalo kasta, oo soo baxday todobaadkii hore. Rigathi Gachagua, ayaa waxa kale oo uu doonayaa in qaybaha madadaalada ee gobolka, ay shaqeeyaan oo kaliya inta u dhaxaysa 05-ta galabnimo illaa iyo 11:00 saqda dhexe, taasoo ah tallaabooyin cusub oo loola jeedo in lagula tacaalo khamriga. Waxaa jirta cabsi laga qabo in awaamiirtani ay riixi doonto qaar badan oo caba maandooriyahani, inay maciin bidaa khamriga guriga lagu sameeyo – oo inta badan lagu daro kiimikooyinka warshadaha. Kal hore ayaa waxaa lasoo…
Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP,ayaa ka digtay in tirada ugu badan ee dadka ku nool Suuriya aysan haysan cunto ku filan. Ka dib markii ay ku soo jireen in ka badan Toban sano oo colaado ah, hay’adda Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in ku dhawaad Saddex Milyan oo Suuriyaan ah ay hadda halis ugu jiraan Gaajo. Nafaqo darida hooyada iyo caruurtooda,ayaa ku sii badanaysa xawli aan horay loo arag. Agaasimaha fulinta ee WFP, David Beasley, ayaa ka digay in ay jiri karaan mowjado kale oo tahriib ah, haddii aysan beesha caalamku u kicin sidii ay u caawin lahayd shacabka Suuriya. Qaramada Midoobay…
Fallaagada Bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo ayaa qabsatay magaalo muhiim ah,Saddex Maalmood uun kadib markii ay dagaal culus la galeen Ciidamada dowladdda. Afhayeen u hadlay kooxda M23, oo lagu magacaabo Willy Ngoma,ayaa sheegay in ay iyagu hadda Gacanta ku hayaan maamulka magaalada Kitshanga. Raadiyaha maxalliga ah ee Qaramada Midoobay ay taageerto ee la yiraahdo (Okapi) ayaa sidoo kale wariyay qabsashada magaalada –halkaasi oo ahayd jidkii ugu dambeeyay ee furnaa una dhexeeyay xarumaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee kalaah gobollada Kivu iyo Butembo. Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ee Conga,ayaa cambaareeyay horusocdka dagaalyahanada M23 oo sanadkii hore lagula heshiiyay in ay isaga…
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga,ayaa ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay ku xad gudubtay mabaadi’da aasaasiga ah ee ilaalinta xuquuqda carruurta xilliyada dagaalka iyadoo baasaboorka Ruushka siisay carruurta aan lala socon ee ka qaxay Ukraine una ogolaatay in ay qaataan Qoysaska Ruushka. Filippo Grandi,ayaa hadlayay ka dib booqasho lix maalmood ah oo uu ku tagay Ukraine. Mr Grandi ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan baaxadda dhibaatada. Laakiin waxa uu sheegay in UNHCR ay isku dayi doonto in ay si dheeraad ah u hesho carruurtan oo kale, oo ay ka shaqayn doonto xal u helida dantooda -…
Wasiirada socdaalka ee Midawga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden si ay dib u eegis ugu sameeyaan siyaasadaha socdaalka, gaar ahaan muhaajiriinta dib u soo laabanaya ee aan xaqa u lahayn in la siiyo magangelyada. Shirkan ayaa loo arkaa kulan aan rasmi ahayn oo loogu diyaargaroobayo kulanka ay isugu imanayaan dhammaan madaxda 27-ka dal ee Midawga Yurub, bishan soo socota ee February 10-keeda, halkaas oo la filayo in arrimaha socdaalku ay xagga hore ka galaan ajandaha laga wada hadlayo. Madaxa arrimaha gudaha u qaabilsan Midawga Yurub Ylva Johansson oo la hadashay warbaahinta, ka hor kulanka, ayaa sheegtay…
Maraykanka ayaa tallaabo adag ka qaaday shabakad caalami ah oo ka dhisan dhinaca internetka, taas oo lacag ka badan $100 milyan oo dollar oo madaxfurasho iyo baad ah ka qaadatay boqollaal qof oo dhibbane ah oo ku kala nool daafaha caalamka. Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku, hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI ayaa muddo bilo ah ku dhex jirtay shabakaddan. Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in shabakaddan oo la magac baxday Hive ay bartilmaameedsatay in ka badan 1,500 oo dhibbanayaal ah, oo ay ku jiraan cusbitaallo, iskuulo iyo shirkadaha dhaqaalaha oo ku kala yaalla in ka badan…
Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee Puntland. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Somaliya. “Bishan January 25-keedii,ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Somaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah…
Caalamka iyo Somaliduba waa og yihiin Wadan Somaliya laysku yiraahdo oo Xasan Shiikh Madaxweyne ka yahay in uusan jirin. Guud ahaan Puntland waxaa ka socda mashaariic hormarineed oo 2-sano gudahood Puntland waxaa udhismay Laamiyo,Dekado,Garoomo,iskuulo,xarumo caafimaad,Ceelal biyoodyo,Saldhigyo,tayayn Garsoor iyo mid Ciidan. Sidoo kale xariirka beesha caalamka iyo Puntland waxa uu marayaa meeshii ugu saraysay,waxaana la bogaadiyay horumarka ka socda. Majirto sabab Puntland baahi gaara ugu qabto xariirka Muqdisho maba jirto wax uga baaqday. Puntland in ay hoos tagto Villa Banaadir ilaa inta dalkaan yeelanayo sharciyo kala saaraya awoodaha maamul ee Dowladnimada. “MASALAHA NIMAAN II DHIGAN MIDIG MASAARAAYO NINKII IGA MAARMI KARA…
Hay’adda deeqaha dibadda ee dalka Sweden (SIDA) iyo hay’adaha kala shaqeeya barnaamijka doorashooyinka Puntland oo ay ka mid yihiin PDRC, Interpeace, Diakonia, UNSOM, UNDP, FBA, Build Up iyo Oslo Center ayaa shir ku yeeshay magaalada Garoowe. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay howlaha hay’adahan ay ku taageerayaan barnaamijka hannaanka doorashada Puntland. Waxa kale oo shirkan looga hadlay caqabadaha iyo fursadaha jira iyo sidoo kale meelaha loo baahan yahay in la xoojiyo. Shirkan waxaa ka soo qayb-galay wakiillo ka kala socda Safaaradda Sweden ee Kenya qaybta Soomaaliya, hay’adaha qaramada midoobay (UN), hay’adaha caalamiga ah, hay’adda bulshada rayidka ah (PUNSAA), Dalladda ay ku…
Talyaha cusub oo Booliska magacaabistiisa ma’ahan wax ku yimid soo xulid hab Beeleed iyo mid soo jeedin Ra’isalwasaare,sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo Ilo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale khibrad iyo aqoon uu leeyahay laguma soo xulin oo Talyaha cusub khibradiisa ugu weyn ee uu leeyahay waa in uu soo noqday Talyihii Ilaaladii Bashiir Goobe. Mahad Salaad,ayaa toos usoo xushay una arkaya Nin uu ku shaqaysan karo,isla markaana ka ansaxsaday Golaha Wasiirada,sida xoguhu sheegayaan. “Beesha uu kasoo jeedo Talyaha cusub waxba kalama socoto magacaabistiisa,waxa kaliya ee uu ku yimid laguna ansixiyay waa rabitaanka Mahad Salaad”Ayuu yiri Sarkaal magaciisa qariyay oo…
Gudoonka Culumada Somaliyed,waxuu la mid yahay… 1.Xiriirka Kubada Somaliyed.2.Gudoonka dhaliinyarada Somaliyed.3.Gudoonka Dhaqaatiirta Somaliyed.4.Gudoonka Ganacsiga Somaliyed.5.Gudoonka Haweenka Somaliyed. Dhamaantood waa waxba kama jiraan loo samaystay in Lacag looga cuno Safaaradaha Xalane degan.. Waa og yihiin Safaaraduhu waana la socdaan in ay yihiin wax Muqdisho ku kooban. Safaaradaha Xalane ku yaal iskabadaa Magacyadaas Mashruucyada looga cunee,Madaxweynaha Somaliya waxay u arkaan mid aan awood badan lahayn oo kalsooni,doorasho shacab,awood qaybsi federaal iyo Xisbiyo heer federaal ah aan ku imaan,isla markaana aysan talada dalka Somaliya Gacanta ugu wada jirin oo Teendhada Xalane ee lagu doortay ku kooban. Shiikh Soomoow iyo Cali Wajiis Qolooyin ay…
In laga kaxeeyo Wasaarada Caafimaadka Agaasimahan waxay qayb ka tahay waxqabadka Xukuumada Deni ee Afarta sano. Xaqiiqdii hadii Qof nool loosoo qaadan karo Musuq iyo arxandaro waa uqslmaa Agaasime Cabdirisaaq in tilmaan laga dhigto. Xilka qaadista kaliya yaan looga harin ee halala xisaabtamo. 1.Shahaadada Dhakhtarnimada uu sheegto hala dul istaago? 2.Isbitaalka uu ka samaystay dhaqaalihii Mashaariicda Bulshada hala qabto? 3.Farmasiga uu ka furtay Dawada Wasaarada hala xanibo? Guryaha iyo Boosaska uu ka gatay Lacagta Talaalka Wasaarada Garsoorku hala hakiyo? Eedayntaydu ma’ahan iska hadal ee cadaymo muuqda iyo kuwa qarsoon ayay leedahay. Waa hubaa tagidiisa in ay wax weyn ka badalayso…
Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso: 26 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda Bandhiga Warxqabadka Dowladda 4-ta sano iyo Qorshaha Dowladda ee sanadka 2023 oo lagu qabtay magaalada Boosaaso. Munaasabadda oo ay wadajir ugasoo shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxtooyada, ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Dowladda Puntland 4-sano ee lasoo dhaafay oo lagu soo gudbiyey Qoraal iyo Maqal iyo Muuqaal, Iyadoo Sidoo kale lasoo bandhigay Qorshaha Dowladda iyo waxyaabaha hortebinta u leh sanadka 2023. Waxaa bandhiga udub dhexaad u ahaa sida Madaxweynuhu uga dhabeeyay balan qaadkiisii xiliga Ololaha, oo ay meel sare uga jireen Amniga, Dhismaha Ciidanka, Isbedel…
Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO),ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Somaliya. Waxaa haatan la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Somaliya kolkii horeku soo shaqeyn jirtay heerka Class G. Dowladda Federaalka ee Somaliya,ayaa bartamihii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada Somaliya. Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, oo duntay sanadkii 1991-kii, ayaa waxaa loo wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya magaaladan Nairobi. Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Somaliya, Axmed Macalin Xasan,ayaa sheegay in darajada heerka A, ay u saamaxayso dowladda Somaliya, in ay si toosa awaamiir u siin karaan diyaaradaha caalamiga, iyadoo aaney taasi…
Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Dar-es Salaam,ayaa ka digtay suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Tanzania, iyadoo uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska. “Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan Hotellada,Safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada Booliska, Masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah”Ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday safaarada Mareykanka. Halkan ka akhriso:-
Laba Xubnood oo sar-sare,ayaa xalay lagu dilay Saqdii dhexe Dukhayn ka dhacday Aaga Degmooyinka Isku shuban iyo Balli dhidhin (Cali Miskad). Raga la laayay oo ajaanib ah,ayaa kala ah… Labada Nin iyo 12-kale oo Xubno Daacish ah ee lagu dilay garaacista ,ayaa ka mid ahaa saraakiisha kooxda Daacish waxayna 6-bilood ka hor ka yimaadeen dalka Yemen,iyagoo tababar uwaday kooxda Daacish. Dukheyntan,ayaa socotay ilaa saaka waabarigii, mana ahan markii ugu horreysay oo dukheymo ka dhan ah Maleeshiyada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay Buuraleyda Gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo…
Isku-shuban oo la ballaarinayo Biyaheeda,kuwaasoo laga soo qaadayo Isha Isku-shuban,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Gudiga Doorashada ma sheegin Dadka laga diiwaangeliyay Sadexda Gobol ee uu ku dhawaaqay in lasoo afmeeray. Sababta loo qariyay Dadka isdiiwaangeliyay,waxaa la aaminsan yahay in ay yar yihiin oo laga gabaday in Bulshada lala hor yimaado. In loo gudbo Wajiga 2-Aad,waxaa ka horaysa in laysla fahmo Wajigii 1-Aad shaqada la qabtay. Diiwaangelinta dhaliilo waa weyn,ayaa dil hoganaya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shaacinta Xilliga Wejiga 2-aad ee Diiwaangelinta”. Guddiga,ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee ay bilaabanayso Wajiga 2-aad ee diiwaangelinta Gobalada Sanaag,Haylaan iyo Nugaal. Warsaxaafadeedka Guddiga Halkan ka akhriso:-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaraywadada Jidka Sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi oo la dhammaystiray 1.5KM oo balaceedu dhan yahay 30M Madaxweyne Deni ayaa isla maanta dhagax dhigay dhismaha 3.5KM oo lagu daridoono wadada jidka sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi wax weyn ka taridoonta isu socodka dadka, ganacsiga, bilicda iyo horumarka.
Boosaaso: 25, January, 2023. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Boosaaso oo dhowaan dhismihiisa la bilaabayo, kaasi oo loo dhisidoono, si casri ah oo la jaanqaadaya garoomada Cagaaran ee caalamiga ah. Dhismaha Garoonka Cagaaran ee Kubadda cagta Boosaaso oo ay kharashka dhismihiisa ka taageerayso Dowladda Puntland ee Soomaaliya, Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa la dhammaystiray qiimaynta dhismaha Garoonka, isagoo ka koobnaandoona laba qaybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah. Qaybta koowaad: Qaybta Koowaad Dhismaha Garoonka Cagaaran ee dhigidda Roogga, kaasi oo ka koobnaandoona qaybaha kala ah. DHAMMAAD…
Wax kasta waxaa ka muhiimsan Amniga iyo Lacagta Wadanka xiligan oo xal loo helo. Labadaas marka laxaliyo,ayaa suuq yada ganacsi ee Afrika wax tar gaara inoo yeelan karaan. Wallow hada lafteeda aan laga maarmin balse danta Dadkeena iyo Dalkeena ayaa kahoraysa wax kasta. Dowlada Fadaraalka,waxaa laga rabaa sharciga ganacsiga iyo isku socodka Gobolada Somaliya in ay marka hore fur furto. Dalku Lacag ugaar ah oo loogu soo hagaago laguna midaysan yahay in uu yeesho,ayaa iyaduna muhiim ah. Dastuurka Fadaraalka wax badan oo dartiis uxaniban,ayaa jira isagana in la dhamaystiro lagana wada hadlo waa Qodob lama dhaafaan ah. Xubin ka noqoshada…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni,ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Bankiga Dowladda Laantiisa Magaalada Bosaso. Horay,waxaa loo dhisay Xarunta Dhexe ee Bangiga ee Caasimada Garowe. Sidoo kale,waxaa diyaar ah dhismaha Laanta Gaalkacyo.
Ku dhawaad 1000 Dhalo oo Khamri ah ayay burburiyeen Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal. Ma’ahan markii ugu horaysay oo ay Ciidanku qabtaan Khamri iyo Xashiish soo galay Gudaha. Khamriga iyo Xashiishka kusoo badanaya gudaha Puntland waa Aafo mustaqbalka meel xun gaarsiinaysa hiigsiga deegaanka iyo maalgashiga balaaran ee kasocda gudaha Puntland. Waxay dhiiri galiyaan kana mid yihiin waxyaabaha Dilalka iyo amni xumada keena. Reer Puntland haday horumar rabaan waa in ay Khamriga iyo Xashiishka xeer iyo ciqaab adag kasoo saaraan. Sidoo kale Dowladaha Itoobiya iyo Kenya waa in lala kaashadaa ka hortaga Maandooriyaha. Guud ahaan Somaliya qul-qulka Mukhaadaaraadka waa dhib ka taagan…
Garoonka Kubada Cagta Bosaso oo si casri ah oo loo dhisayo,ayaa la Dhagax dhigayaa Maanta. Dhismahan Garoonkan waxaa maalgelinaysa Dowlada Imaaraadka Carabta. Waa u muhiim Bulshada dhismaha Garoonka Kubada Cagta Bosaso.
Markab sida Qalabka lagu dhisayo Balaarinta Dekeda Bosaso,ayaa kusoo xirtay Dekedda magaalada Bosaso. Dhismaha Wajiga 1-Aad ee Dekeda Bosaso oo dhan 150-Mitir,ayaa bilaabatay,waxuuna soo gabagaboobayaa dhamaadka Sanadkan. Puntland qiimo weyn ayay uleedahay balaarinta Dekeda Bosaso.
Faafaahin dheeraad ah,ayaa ka soo baxaya weerrar loo adeegsaday Madaafiic hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday xarunta Madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee Magaalada Muqdisho. Ugu yaraan Shan Qof oo rayid ah,ayaa la sheegay inay ku dhawaacmeen madaafiicdaasi oo uu ku jiro canug yar oo shan sanno jir ah. Dadka qaar ayaa sheegay in qaraxyada ay maqleen ay gaarayeen illaa todoba Madfac oo aaggaasi ku soo dhacay. Dadka Deegaanka,ayaa sheegaya in Madaafiicda qaar ay ku dhaceen Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kaas oo ku yaal xayndaabka xarunta madaxtooyada Villa Somaliya. Qaar kale ay ku dhaceen…
Militariga Mareykanka,ayaa sheegayi in dukheyn cusub oo ay ka fuliyeen Somaliya ay ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM),ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka in ayada oo la taageerayo Ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo ka dhacday meel u dhow magaalada Xarardheere. Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay sheegeyso in weerarka lagu dilay laba ka mid ah argagixisada Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jirin rayid dhaawac ama dhimasho uu kasoo gaaray weerarka. Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil…
MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY SHAQADA BALAARINTA IYO HORUMARINTA DEKADDA BOOSAASO. Boosaaso: 24, January 2023:Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shaqada balaarinta iyo horumarinta lagu samaynaayo Dekedda magaalada Boosaaso. Dekedda ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m, waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekadda Mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekadda yeellanayso. Munaasibadda waxaa kasoo qayb-galay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe…
Baydhabo fashil Siyaasadeed,ayuu kala soo laabtay Madaxweyne Xasan. Waxba waa soo kala oran waayay Siyaasaiyiintii ku hardamayay Koonfur-galbeed. Madaxweyne Laftagareen wuxuu la ciyaaray jarkaboodo Siyaasadeed,waxuu dajiyay Hotelo wakhtigana,waxuu uga riday casuumado iyo kulamo. Gudoomiye Aadan Madoobe oo uu filayay in uu ka xigsado Deegaanka,waxuu isku soo koobay Hoygii uu deganaa,waxuuna lasoo istaagay,waxaa jooga Madaxweynihii Qaranka ee talada hala waydiiyo. Mudo Todobaad ku dhow oo uu ku sugnaa Baydhabo Gacmo maran,ayuu kala soo laabtay iyo jahwareer Siyaasadeed Madaxweyne Xasan. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni,ayaa Dhagaxdhigga Balaarinta Dekedda Bosaso ka jeediyay khudbad. Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso: 24, Janaayo, 2023:Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku qaabilay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso. Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda. =DHAMMAAD=XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa toddobaadkan u safraysa dalalka Ghana, Mozambique iyo Kenya, si ay uga wada xaajoodaan horumarinta danaha ay wadaagaan iyo mudnaanta shir madaxeedkii hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Afrika ee dalka Maraykanka ka dhacay bishii December ee 2022. Socdaalkeeda ay ku tegeyso qaaradda Afrika ayaa qaadanaya inta u dhexeeya bisha January 25-keeda illaa 29-keeda, waxaana ay diiradda ku saari doontaa arrimaha amniga ee gobolka, haqab-beelka cuntada, arrimaha bini’aadanimada iyo taageerada Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu yaraynayo isbedelada cimilada, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka. Safarka Thomas-Greenfield ayaa ku soo…
Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay. Odinga oo kulan isu soo bax ah ku qabtay degmada Kamkunji oo ay ka tirsan tahay ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa arrintan u sababeeyay wax uu ugu yeeray “natiijo sharci darro ah” oo kasoo baxday doorashadii sanadkii hore. Dadkii isugu yimid garoonka Kamkunji ayuu u sheegay in isbahaysigiisu ay dowladda hadda jirta u arkaan mid aan sharci ku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeediyey munaasibadda daah-furka dhammaystirka wejiga 2-aad iyo dhagax dhigga bilawga wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale. Arrinntan,ayaa qeyb ka ah weeraro inta badan ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinayo. Ninkii looga shakisanaa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Mareykanka ayay booliska heleen isaga oo meyd ah. Waxaana la sheegay in uu isku dhex toogtay gaari gudihiisa, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa hareereeyey gaari midabkiisa lagu sheegay caddaan oo ku sugan magaalada Torrance ee gobolka California in ka badan 12-saacadood ka dib weerar dad badan ay…
Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm. Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah qur’aanka ku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray dhammaystirka wejiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Waxaa la dhammaystiray dhismayaal muhiim ah iyo shaqooyin kale oo ay ka mid yihiin.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa dhagax-dhigay dhismaha Hotel casriya oo uu yeelan doono Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax-dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa la dhisidoonaa dhismayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin. 1.Qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger. 2.Qaybta Xamuulka (Terminal Cargo). 3.Dhismaha qaybta Dab-damiska. 4.Dhismaha Tower Cusub. Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso: 22 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan Qado sharaf ah la qaatay Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada, Waxgaradka , Aqoonyahanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa Kulanka ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan shaqada Dalka ka socota, sida Amniga, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha, Dekadaha , Mashaariicda horumarin iyo Mashruuca ugu weyn ee tan iyo markii la aasaasay Puntland Hadda loo dhaqaaqay ee Doorashada qof iyo cod, wuxuuna Bulshada Gobolada Bari , Gardafu iyo Karkaar uga mahadceliyay siday uga qeyb qaateen isdiiwaangelinta. Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay Ahmiyada Dowladdu…
Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre Elba,ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hogaamiyayaasha siyaasada in ay taageero dheeri ah siiyaan Wadamada ugu saboolsan aduunka qaab maalgashi halkii ay ka caawin lahaayeen. Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay buurta loo dalxiis tago ee Davos ee Switzerland, ayaa Elbas labadaba lagu sharfay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada. Lamaanahan oo ah safiirrada niyad-wanaagga u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta beeraha, ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shir-madaxeedka sannadlaha ah in si degdeg ah loo taageero Dadka ay saamaysay…
Actor Idris Elba and his wife Sabrina Dhowre Elba called on Monday for business and political leaders to provide more support to the world’s poorest countries in the form of investment rather than aid. At the opening ceremony of the World Economic Forum (WEF) annual meeting in the Swiss mountain resort of Davos, the Elbas were both honoured for their work on environmental conservation, food security and climate change. The couple, who are Goodwill Ambassadors for the United Nations’ International Fund for Agricultural Development, appealed to participants at the annual summit for fast financial support for people hit by food…
Over the last eight decades, Federalism as a viable system of governance for conflict-ridden societies has dominated debate in both the academic and political spheres. Comparative politics scholar, K. C. Wheare, is regarded as the “dean” of modern federalism. His 1946 book, Federal Government, is virtually canonical in the field and still cited frequently . Wheare defined federalism as “the method of dividing powers so that the general (central) and regional governments are each, within a sphere, coordinate and independent.” He argued that federalism requires “co-ordinate partners in the governmental process.” He believed that federalism is not an end in…
Ciidamada ammaanka Muqdisho,ayaa soo afjaray weerarkii ay maanta Al-sbabaab kusoo qaadday xarunta Gobolka Benaadir, ahna xafiiska duqa Muqdisho. Shan qof oo uu ku jiro agaasimihii waaxda dadka baahiyaha gaarka ah ee Gobolka ayaa ku dhintay weerarkan sida uu xaqiijiyay Saalax Dheere. Weeerarkan oo ku bilowday qarax,ayaa waxaa sheegtay masuuliyaddiisa ururka Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir.
Turkiga,ayaa joojiyey booqasha uu Wasiirka Gaashaandhigga Sweden uu ku imaan lahaa Ankara. Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar wuxuu sheegay go’aankaasi inuu yimid kaddib marki ay hay’adaha dowliga ee Sweden ay oggolaasho siiyeen inuu magaalada Stockholm uu ka qabsoomo dibad bax looga soo horjeeda Turkiga. Rasmus Paludan oo ah siyaasi Denmark iyo Sweden ka soo jeeda wuxuu isku dayey inuu qur’aanka kariimka u uku horgubo safaaradda Turkiga. Taageerayaasha Turkiga iyo Kurdiyiinta,ayaa sida oo kale qorsheynayey iney halkaasi mudaharaad ka dhigaan. Wasiirada Turkiga iyo Sweden,ayaa lagu waday in ay ka hadlaan diidmada Ankara ee ku aaddan in Sweden ay ku biirto…
Mareykanka,ayaa sheegay in dukheyn dhanka Cirka ah oo ay ka fuliyeen Somaliya ay ku dileen ku dhawaad 30-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka,ayaa ka dhacay meel u dhow Degmada Galcad oo qiyaastii 260km ama 162 mayl dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Maalmihii lasoo dhaafay,ayaa Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Al-Shabaab waxa ay ku dagaalameen Gacan ku heynta Degmadaasi. Sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika,weerarkii Cirka ee Jimcihii ayaa ku soo aaday xilli Ciidamada ay soo weerareen in ka badan 100 dagaalyahan oo katirsan Al-shabaab.
Sagaal Qof,ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday Goob Ganacsi oo ku taal magaalada Monterey Park ee Gobolka California, sida ay Boolisku sheegeen. Dhacdadan,ayaa dhacday abaaro 22:20 wakhtiga maxaliga ah ee sabtida (06:20 GMT ee Axada). Kumanaan Dad ah,ayaa goor sii horeysay isugu soo baxay magaalada Monterey Park ee dabbaaldegga sanadka cusub. Booliska,ayaan weli sheegin tirada dadka ku dhaawacmay toogashadaasi, iyo haddii ay dad u soo qab qabteen. Booliska degmada Los Angeles ayaa sheegtay in Qofka latuhunsanyahay uu yahay Nin. Magaaladan,ayaa ku taal qiyaastii Sideed Mayl ama 13km dhanka Bari ee Magaalada Los Angeles.
Qaraxyo iyo rasaas,ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Muqdishu. Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir ee Muqdishu oo ah xafiiska duqa magaalada. Qaraxa ugu horreeyey ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta gobolka oo ku wajahan suuqa Mogadishu Mall. Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inay maqleen ilaa saddex qarax. Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay wadaan hawlgal. Dawladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin weerarkan. Khasaare,ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarkan.
Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada, kaas oo ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada. Kulanka ayey Mudanayaashu iskaga xog waraysteen arrimaha ay ka mid yihiin… 1.Dimuqraadiyadda Puntland iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada Goleyaasha Deegaanka ee ka socota qaar ka mid ah Gobollada Puntland. 2.Xaaladda Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood iyo deegaannada hoos yimaada. 3.Siyaasadda Puntland iyo Dawladda Federaalka Somaliya.
Boosaaso: 22, Jaanayo, 2023Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee magaalada Boosaaso, Dekedda iyo xarunta Suuqa Kalluunka magaalaadaasi. Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha shaqooyinka hortebinta leh ee ay u hayaan shacabka. Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, laamaha amniga iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa kormeerka Madaxweynaha.
Barnaamijka maxaa kuu baxay ee DSTV oo aan ku falanqayn Maanta xaalka Puntland. 1.Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha.2.Khilaafka PL iyo Dowlada Fadaraalka.3.Xiriirka PL iyo JL.4.Warkii Beesha caalamka ee khilaafka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari. Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Golayaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Bosaso, Saraakiisha Ciidanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Bosaso. Socdaalka Madaxweynaha ee Bosaso,ayaa daaran dhawr arimood oo kala ah… 1.Xarig ka jarida wajiga koobaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso. 2.Dhagaxdhigida Wajiga Labaad ee dhismaha garoonka Diyaaradaha Bosaso. 3.Dhagaxdhiga balaarinta Dekeda Bosaso. 4.Kormeerka diiwaangelinta Cod bixiyayaasha. 5.Ku dhawaaqista Laba Todobaad oo lagu daray mudada diiwaangelinta Cod bixiyayaasha. 6.Dhagax-dhiga dhismaha Garoonka Kubada Cagta Bosaso.…
Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa la ganaaxay kadib markii la sheegay in uusan xiran suunka badqabka xilli uu saarnaa baabuur. Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Mr Sunak “uu gebi ahaanba aqbalay khaladkan, raalli gelin ayuu ka bixiyay arrintaas” Xafiiska wuxuu intaa raaciyay in uu bixin doono ganaaxa. Dadka rakaabka ah ee la qabto iyagoo aan xiran suunka badqabka ee UK waxaa uu qofka muteysan karaa 100 lacagta giniga ah. Halka haddii qofka la geeyo maxkamad lagu ganaaxi karo 500 oo lacagta giniga Ingiriiska ah. Muuqaalka laga duubayay Ra’iisal Wasaaraha xilligga uu baabuurka saarnaa ayaa lasoo dhigay barta Istagram-ka…
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ku celiyay dalabkii uu ku doonayay inuu ku dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine mar uu taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy Jimcihii, sida ay xaqiijisay madaxtooyada Turkigu. Erdogan ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay inuu isku keeno Putin iyo Zelenskiy, isaga oo hore ugu caadiyay Ruushka xabbad-joojin hal dhinac ah. Turkiga ayaa sidoo kale sannadkii hore martigeliyay wahadalladii dhoofinta Qamadaiga oo ay sidoo kale qeyb ka aheyd Qaramada Midoobay. Sida ay sheegtay madaxtooyada Turkey, Erdogan ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ukraine Arbacadii. VOA.
Saraakiisha Midawga Yurub ayaa Jimcihii sheegay inay filayaan in Midawga Yurub uu cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogo ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran, ka dib markii maalin ka hor uu baarlamaanka Midawga Yurub uu ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada. Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran lagu daro liiska argagixisada, iyaga oo ugu baaqay guud ahaan Midawga Yurub inay “ballaadhiyaan liiska cunaqabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha iyo xataa qoysaskooda” ee u dhashay Iran, kuwaas oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Talaabadan ayaa la qaaday…