Boosaaso : 26 August 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga , Siyaasada iyo arrimaha ban’aadantinimo, Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee hadda ka socda Calmiskaad, iyadoo ay Qaramada Midoobey ku boggaadisay Dowladda Puntland sida ay isaga ciribtirayso Argagixisada. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Author: Jibril Qoobey.
Ciidankeenna geesiyaasha ah ayaa Togga Gabagabo iyo Gaaca ee deegaanka Baallade, ka billaabay hawlgalo looga hortagayo laguna ugaarsanayo firxadka Argagixisada Daacish ee naflacaariga ah kuwaasi ku dhuumanaya meelo kooban oo ka tirsan buuralayda Calmiskaad. Hawlgalkan oo ay fulinayaan Ciidanka Goodir, waa mid looga hortagayo firxad soo baxsada, xaqiijinta amniga Wadooyinka gala deegaanka Baallade iyo in la go’doomiyo oo laga illaaliyo in gaadiid aan Dowladda wargelin ka haysan uusan u gudbi karin dhulka hawlgalku ka socdo. Guul,Inshallaah.
TIRADA ARDAYDA KA GUDUBTAY, ARDAYDA KU DHACAY, IYO ARDAYDA KA MAQNAA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD, EE SANNAD DUGSIYEEDKA 2024-2025 OO KALA AH (LAB IYO DHEDIG). Halkan ka akhriso:-
Natiijada 10ka Kaalin ee ugu sareysa Imtixaanka Fasalka 12aad, ee Wasaaradda Waxbarashada iyoTacliinta Sare ee Puntland, Sannad Dugsiyeedka 2024-2025.
Maxaa socda?? Xasan? Xisaabtu kama khaldana isku darkeeda,waxaase calaamad su’aal saaran tahay natiijada uu ka rabo in ay usoo baxayso. Horay,wuxuu uqorshaystay Dastuur,Gudi doorasho iyo Xisbiyo,wuxuuna hal hays ka dhigtay (Dalkan doorasho toos ah buu rabaa). Haatan,wuxuu lasoo baxay qorshihiisii Labaad markuu socon waayay kiisii koobaad,kaasoo ah …(Tanaasul ka bixi,wixii aad abaabulatay oo wax ku badalo). Shariif iyo Cumar,ayuu isku dayayaa marka in uu usii dhexmaro fulinta qorshihiisii mudo kororsiga. Cumar iyo Shariif? Xisaabtu kama khaldana oo Labadoodaba Deegaan doorashadooda,waa laga haystaa,Raga ka haystana isma rabaan,Siyaasadana Ragaas,ayaa Geed fadhi u ah. Si ay usoo galaan qoobka ciyaarka Siyaasada Somalida ee…
Dagaal,ayay qaadeen Ciidamada difaaca PL saakay,waxayna ku laayeen daraasiin argagixisada ah. Goobta dagaalku ka dhacay,waa Aaga Ceelka Yucrun. Dhanka CDPL,waxaa soo gaaray khasaare gaaraya Afar Askari oo ka shahiiday iyo 10- dhaawac ah. Argagixisadu,waxay markan kusoo ururtay Togga Baallade,waxaana la filayaa in uu ku jiro Ina Faahiye iyo Rag kale. Ciidamada Difaaca PL dhawr jiho ayay ka fadhiyaan oo kaga soo socdaan Ceelasha harsan. Baallade,hadii laga nadiifiyo majiri doonto goob kale oo Calmiskaad ah oo argagixiso ku dhuumaalaysan doonto.
Message from the Puntland Defence Forces Headquarters EnglishTo: #ISIS Fighters & Anyone Who Wants to Surrender Message from the Puntland Defence Forces Headquarters The Government of Puntland calls on all ISIS fighters and anyone willing to surrender to within 72 hours contact Puntland Security Forces. Your life is valuable. The Government will save you, treat you with dignity, and — for those who accept — we will help return you to your home country and reunite you with your family. Do not end your life. Do not leave your children behind. There is no escape from the Puntland Security Forces.…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay sifeeyeen ilaa iyo hada Lix Ceel oo Toga Baallade. Waxaa harsan Sadex oo la dul fadhiyo. Si guud Sagaal Ceel oo Toga Baallade ah,ayaa qorshuhu yahay in la sifeeyo. Garaacis isdaba joog ah,ayaa ku dhacday argagixisada,taasoo looga laayay tira badan. Qiyaasta haraaga ku harsan Sadexda Ceel waa ilaa 80-Xubnood oo argagixisada ah. Maleeshiyada argagixisada ah ee hada dagaalamaysa,waa ilaaladii Madaxdooda oo waxaa muuqata in ay jabeen Maleeshiyaadkoodii caadiga ahaa. Hawlgalka Baallade ilaa 15-ka Bisha Sep,ayuu soo gabagaboobayaa haduu rabi idmo.
Taliska Ciidamada Difaaca Puntland,wuxuu Buuraha udiray Ciidamo cusub oo soo badalaya kuwii horay ugu jiray dagaalka. Ciidamadii dagaalamayay 7-dii Bilood ee lasoo dhaafay,ayaa qayb lanasiyay si ay usoo kabtaan. Bishan 8-Urur oo Daraawiish ah,ayaa lageeyay iyo Sadex Urur oo Badda ah,kuwaasoo Afartii Bilood ee lasoo dhaafay lagu diyaarshay. Maanta,waxaa ka baxay Qardho Labo Urur oo Daraawiish ah oo soo badalaya kuwa Jiida jooga. Istaraatiijiyadan,ayuu qaatay Taliska Guud ee Ciidana difaaca Puntland,waana sababta keentay in Ciidanka ay ka muuqato car car iyo dhiiranaan hawlgaladii udanbeeya ay galeen. 14-Urur,ayaa la nasiyay,waxaana lagu badalay 14- kale oo cusub. Guud ahaan Ciidamada hawlgalka ku…
Warbixinta Bangiga Adduunka ee Soomaaliya xagga dakhliga muwaadinka (per capita) iyo nisbada korriimada dhaqaale sannadkiiba( economic growth)waa sidan: 2018 – 2022 dakhliga qofka (per capita) wexey ku sheegeen: $509 – $573 (wax weyni muwaadinka iskama beddelin).Korriimada dhaqaalaha mudadaas – wexey ahayd hoos u dhac (minus) -1.5% ilaa -0.3%. 2023 dakhliga qofka (per capita) wuxuu noqday $597 (Waxaa ku kordhay $24) – korriimada dhaqaale (growth) 1.1% (wuxuu ka baxay minus kii laakiin wax weyn ma korin). 2024 dakhliga qofka (per capita) wuxuu noqday $637 (waxaa ku kordhay $40) korriimada dhaqaale (growth) 0.4%. Waa warbixin naxdin leh marka aad akhrido, dawladda miisaniyaddeeda…
Sool Bari markale ayay siriq isgelisay,iyadoo caadifaysan oo waxay ka cararayso aan aqoon. Markii khiyaaligooda loo raaco Gudoomiye Baarlamaan Qabiilka hela,waxay ka macno tahay in uu ka yahay Deegaankaas uu ka helay 30% Dhul iyo Dad. Hadaba Beesha Fiqishinni maka tahay 30% Dhul iyo Dad Sool Bari? Jawaabtu,waa Maya,waxaase u ansixiyay Beeshii degtay Sool Bari oo u ogolaatay in ay leeyihiin 2- da Degmo iyo barka Beeshu ka degto Gobolka Sool Hal Degmo oo ka mid ah. Si kale hadii loo dhigo Beesha Dhulbahante,waxay Somaliya ka degtaa 3-Degmo oo buuxa marka laysku celcesho,waxayna Degmo uhadyaysay Fiqishinni oo ahaa Wadaad Quraanka…
Waa saan horay usheegay Xamar Raga jooga ee Mucaaradka sheeganaya waxba kuma kala duwana Xasan,islamarkaana qaybo badan oo ka mid ah way ku xiran yihiin isaga. Cumar,ayaa PL ka khuseeya nagumana ahan khatar,sababtoo ah saamayntiisa gudaha PL,waa Eber. Sideedaba Xasan Siyaasada dibada siday uga wareertay ayay tan gudahana ugu jahwareersan tahay oo waxa uu ka shaqaynayo ma yaqaan halka ay ku danbaynayaan. P L ma burburin karo oo ma diciifin karo Siyaasiyan xataa hadii Sool Bari iyo Sanaag Bari laga jaro. Sool Bari awalba Dhul ahaan PL Gacan uguma jirin kaliya Xildhibaanada Xamar aada ee Beeshaas,ayaa PL mari jiray,iyaguna taariikhda…
Garoowe:23 August 2025 :Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca cusub ee daaweynta iyo dhaqista Kelyaha oo laga hirgeliyay Isbitaalka Guud ee Garoowe. Mashruucan caafimaad waxaa fuliyay Hay’adda International Medical Corps (IMC) iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaana qalabka iyo taageerada dhaqaale ku deeqday Hay’adda King Salman Humanitarian and Relief Centre. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku tilmaamay mashruucan adeegga dhaqista kelyaha mid muhiim ah oo laga hirgaliyay Puntland , isaga oo adkeeyey in adeeggan Caafimaad uu faa’iido weyn u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka qaba xanuunka kelyaha, isla markaana…
Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL 22-kii Agoosto 2025, buuraleyda adag ee Baalade iyo Maragade waxaa dagaal adag oo dhimasho iyo Dhaawacba sababay dhexmaray Ciidanka Geesiyaasha Puntland iyo kooxda Daacish,Deegaankan oo ah buuro dhaadheer, togag iyo godad isku dhafan ayaa dagaalka ka dhigay mid aad u adag oo xitaa diyaaradaha duqeymaha aysan awoodin inay si fudud u shaqeeyaan maadama cadowguna si xeeladeysan ugu dhuumanayay godad adag oo aan sahal lagu gaari karin. Ciidanka Puntland waxay muujiyeen geesinimo aan la barbardhigi karin iyagoona diiday dib u laabasho waxayna lug ku galeen godadkii…
Dowlada Maraykanku,waxay kasii digaysaa foolxumada imaan doonta marka Xasan doorasho uu iskiis u abaabushay qabsado… BC,waxaa ka galay dhaqaale fara badan Dowlad dhiska Somaliya,sidaa daraadeed in wax fashilmaan ma rabto. Hadii Xasan sidan kusii socdo oo qabsado doorasho isagu leeyahay,waxaa dhici doona. 1.Waxaa lumi doonta sharciyada lawada leeyahay. 2.Waxaa soo afjarmaysa sharciyadii Xamar lawada gaystay. 3.Wuxuu Caalamku ku khasbanaan doonaa qayb walba oo Somalida ah in uu gaarkeeda ula macaamiilo.
Dagaalku,wuxuu ka socdaa Laba dhinac Maragade iyo Cali Yucrin. Celli yucrin,way la wareegeen Ciidanka Difaaca PL. Dhinaca Maragade ayay Dumar iyo Caruur ku jiraan,waxaana Ciidanku ku dhow yahay Laba Ceel oo ay joogaan Xaasaskaas,walina dagaalku,waa socdaa Ciidamada difaaca Puntland,waxay kaloo ka sifeeyeen argagixisada Ceel biyood kale. Ciidamada Labada jiho kasoo socday way isa soo gaareen oo waa isku yimaadeen. Goobihii Maanta laysku farasaaray,waa laga sifeeyay argagixisada intoodii badnayd kaliya meel Bariga xigta ayay firxad ahaan isku urursadeen. Khasaaraha Ciidamada PL soo gaaray,waa 11 Shahiiday iyo 34 dhaawac ubadan mid fudud. Dhanka argagixisada khasaare balaaran,ayaa la gaarsiiyay,waxaa xataa badnaa kuwooda isqarxiyay.…
Kismaayo,waxaa tagay Madaxa Wardoonka Kenya. Tagidiisu,waxay ku salaysnayd si guud wadashaqaynta Kenya iyo Jubaland. Balse,waxaa qayb ka ahayd ergo uu ka waday Xasan Shiikh oo ahayd in isaga iyo Axmed lawada hadal siiyo. Madaxda Sirdoonka Kenya,wuxuu ku guulaystay Taleefoonka in uu iskugu dhiibo Xasan iyo Axmed. Balse Xasan waxba kama faa’idin la hadalkii Axmed oo wuxuu ku yiri Axmed…..” Waxaan kuwada hadlaynaa meel furan oo lawada joogo lehna markhaatiyaal,waana ku xiray Telka”. Xasan,wuxuu wataa khiyaamo ah..”Intaad Gedo ka adeeganayso iska mashquuli Axmed,waase fahansan yahay Axmed”. Itoobiya,waxay ku xirtay shuruud Xasan Shiikh,taasoo ah…” Hadaad rabto in aan kaala shaqayno arimaha JL…
Dagaal kharaar,ayaa,wuxuu ka socdaa Galbeedka Baalade ee Calmiskaad,kaasoo udhaxeeya Ciidamada PL iyo firxadkii argagixisada. Dagaalku weli,waa socdaa,waxayna Ciidamadu kaga yimaadeen Laba dhinac,iyaguna,waxay ku jiraan Difaacyo ay qoteen oo adag. Dhanka Ciidamada difaaca PL,waxaa ilaa iyo hada ka shahiiday 11-Askari,waxaana jira dhaawacyo. Guul,waxaa ah in la helay Godadkii ay ku jireen Xaasaskoodii iyo Madaxdoodii oo ah halkii ugu danbaysay ee ay ku dhuumanayeen.
Isimada Dhaqanka Beesha Warsengeli oo hogaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,ayaa soo gaaray Bosaso. Waxaa qabsoomi doona kulan weyn oo dhexmaraya Beesha Warsangeli iyo Dowlada Puntland oo looga xaajoonayo xaalka Gobolka Sanaag. Arimaha laga xaajoon doono,waxaa ka mid ah….. 1.Horumarka Gobolka. 2.Amniga Gobolka. 3.Masiirka Siyaasadeed Gobolka. Guud ahaan Beesha Warsangeli dhaqankeeda iyo Siyaasadeeduba,waxay 100% ku qanacsan yihiin qayb ka ahaanshaha PL. Kulan muhiimadiisa leh,ayaa loo arkaa kulankan.
Madaxda Todobo Wadan oo Yurub ah,Madaxa Midowga Yurub iyo Madaxa Nato oo galbinaya Mw Ukrain,ayaa la jooga Trump. Waa awoodii R.Galbeedka oo ka xaajoonaysa dagaalka Ukrain. Reer Yurub,waxay urabaan danahooda amni xaqiijin. Sidoo kale Ukarin,waxay rabtaa damaanadqaad amni oo ay isku halayn karto mustaqbalka. Maraykanku,wuxuu rabaa dhakhso in loosoo afjaro dagaalka Ukrain oo waxaa macno uleh….. 1.Danaihiisa Ganacsi,gaar ahaan Macdanta. Si heshiiskaas loo gaaro Maraykanku,wuxuu wadaa in tanaasul loo sameeyo Ruushka oo Dhulka Ukrain ee Gacantiisa ku jira oo hada dhan 20% qayb ahaan loo daayo. Sidoo kale Ukrain aan lagu darin Nato oo si madaxbanaan loo siiyo balllanqaad amni,gaar…
Ugu danbayn,isagoo qaba Suud qurux badan oo uqalma Aqalka cad,ayuu soo laabtay Mw Zelensky. Si miqaam leh,ayaa loosoo dhaweeyay oo loola qabtay Shir jaraa’id oo ay markan ka muuqato xurmo ka badan intii hore. Kulankan,wuxuu dhacay kadib kulankii dhexmaray Trump iyo Putin ee Alaska. Zelensky markan mahan kaligiis oo waxaa galbinaya 7-hogaamiye oo Yurub ah,kuwaasoo ujeedkeedu yahay in iyaga,Trump iyo Zelensky ay toos uga wada xaajoodaan heshiiska lala galayo Ruushka. Sida muuqata qorshaha Maraykanka ee Ruushka ay isla fahmeen,waxaa la hordhigay Zelensky,iyadoo Madaxda Yurub kusoo biirayaan. Dhamaan shaqada socota,waa Macdanaha muhiimka ah ee caalamku sida weyn ugu baahan doono mustaqbalka…
Dhaban-qooxle; 17, August, 2025: Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland oo gulufyo jiho walba ah kaga jira Buuraha Calmiskaad ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul iyo Darayle iyo Ceelka Gambarre, kuwaasi oo ku teedsan tog weynaha Baallade. Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan. PMPF Telegram Channel 👇🫡https://t.me/pmpfofficial CiribtirkaArgagixisada2025 HawlgalkaHilaacPL2025 PuntlandProtectforce
Itoobiya,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ku guulaysatey aruurinta 10 bilyan oo dollar si ay u dhisto garoonka diyaaradaha ugu weyn Afrika… Garoonkan ayaa lagu wadaa in laga dhiso meel qiyaastii 40 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Addis Ababa, iyadoo la filayo in garoonkaasi ay ku baxdo lacag dhan 10 bilyan oo dollar. Garoonku waxa uu awood u yeelan doonaa in uu qaado 100 milyan oo rakaab ah sannadkii, waxaanu noqon doonaa kan ugu weyn Afrika. Waxa uu noqonayaa garoonkii ugu horeeyay ee Afrika oo ay ka hawlgalaan sirdoonka macmal ah iyo robots ku hadla afafka aduunka…
Carmo : 16 August 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Carmo ayaa tababar u xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda Kulliyadda tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo. Ciidankan ayaa ku dhow 500 oo Askari kuwaasi oo lagu soo xulay aqoontooda oo gaarsiisan heer Jaamacadeed, waxay hadda dhameysteen tababar 8-bilood ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhameystay oo maanta lagu dhaariyay fagaarihii Xafladda xiritaanka tababarka, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan kuwo wixii aqoon ah ee la baray ku…
Putin ugu danbayn,waa kasoo degay Ciida Maraykanka xilli ka duwan xilliyadii hore. Diyaaradahooda khaaska ah ayay ku kala yimaadeen Labada Madaxweyne Saldhiga Milleteri ee ku yaal Alaska. Halkaas,waxaa ka bilowday kulan taariikhiya oo layskugu dayayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukrayn haday macquul tahay. Saxaafada xorta ah,ayaa mid ka mid ah,waxay la tanaagootay su’aal ahayd… (Mudane Putin goormaad joojinaysaa laynta Shacabka). La yaab maleh su’aalaha Putin lagu boobay,sababtoo ah kama jirto Ruushka Xoriyad Saxaafadeed oo waa fursad lagu helay inkastoo uusan ka jawaabin. Putin,waxaa horyaala in uu qaato Laba fursadood oo ku xiran tahay joojinta dagaalka Ukrayn…. 1.Go’doonka in uu…
Somaliland dadaal aad usareeya,ayay gelisay raadinta aqoonsiga markan. Waxaa xusid mudan dadaalka ka socda gudaha Maraykanka oo ay wadaan koox isku xiran oo ay ku jiraan Madax sare oo Trump udhow. Kooxdan,waxaa maalgeliyay Dowlada Imaaraadka,waxayna kala yihiin…. Timor Nagy oo ahaa xoghaye ku xigeenka arrimaha dibeda ee Maraykanka mudo xileedkii hore ee Donald Trump,haddana lagu soo celiyey Wasaaradda arrimaha dibada. Janday Frazer oo shaqadaas oo kale ka haysay Dowlada Maraykanka wakhtigii Mw Cabdullaahi Yuusuf. Peter J. Pham oo mudo xileedkii hore ee Donald Trump u qaabisanaa Wadamada Great lakes oo ah Todobo Waddan oo Bariga iyo Bartamaha Africa, haddana ka…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Gacanmariskii ugu danbeeyay ku sameeyeen….. 1.Ceelasha Wangable .2.Qamaadin.3.Taajane. Ceelashan,ayaa ahaa kuwo muhiim ah oo firxadka argagixisadu dhuumasho uga Biyo cabayeen. Waxaa socda hawlgal ay ku jiraan Ciidamo ka badan 2000- kun oo Gacanta marinaya Deegaamada Calmiskaad ee argagixisada lagula diriray.
Kulanka taariikhiga ah,islamarkaana sida la saadaalinayo hadii ay wax uga soo baxaan noqon doona mid macno weyn sameeya,ayaa qabsoomaya goordhow. Trump iyo Putin oo kala hogaamiya Wadamo kala ah awooda caalamka ee hada iyo awood mar la maqaam ahayd,haatanse hoos uga dhacday heerkaas,ayaa ku kulmaya Saldhig Milleteri oo ku yaal Gobolka Alaska ee cariga Maraykanka. Trump,wuxuu si cad uyiri… (Kulankan,wuxuu soo afjari doonaa dagaalka Ukrain,hadii kale Ruushku cawaaqib,ayuu la kulmi doonaa). Inkastoo uusan sheegin Trump cawaaqibka Ruushku kala kulmi doono Maraykanka,hadana,waxaa la saadaalinayaa in ay dhici karto cunaqabatayn iyo Canshuur dheeriya in uu kusoo rogo Ruushka. Ka hor inta uusan…
War SaxaafadeedGaalkacyo Khamiis 14 Augst.2025 Taliska Qaybta Booliska Mudug,ayaa ku guulaystay in ay Gacanta kusoo dhigaan…1.Faarax Xasan Xuseyn. 2.Maxamed Cabdilaahi C/laan.Ragan,ayaa ku eedaysan dilkii xalay saq dhexe ka dhacay aaga Xabsiga dhexe ee Gaalkacyo.oo uu ku geeriyooday Marxuum C/nuur Maxamed iyo Xaaji Faarax,sidoo kale uu ku dhaawacmaydhibane C/risaaq Maxamed Cali. Eedaysanayaasha,ayaa waxaa ku socda baaritaan rasmi ah kolka ay soo gaba gabowdana waxaa la horgayn doonaa Garsoorka Dowladda Puntland.
Warmuryiyeedka kasoo baxay Madasha samatabixinta,waa isku karis ay ka dhex muuqato ku dhex jir Xasan iyo sii wada joogid Xubnaha Madasha ah. Waxa kaliya ee laga dhadhansan karaa,waa in Laba garab oo ishuwan kuwada jiraan Madasha,kuwaasoo kala ah… 1.Garab Xasan ku xiran.2 Garab Madaxbanaan. Warka soo baxay Labadaba,waa laga dhex akhrisan karaa rabitaankooda. Si guud markii loo eego Madashu intii la filayay,waa ka macno yar tahay,waana ka hoosaysaa Warka kasoo baxay mid uqalma xaalka adag ee Dalku marayo. Afarta Qodob ee ay dul isaataageen,waa muhiim,waxaase diciifiyay markay ka dhigeen talo bixin ama baaq. Odoyaashu,waxba maanan soo saarin oo waan kala…
Madashu,waa guulaysatay….. 1.Waxay ku guulaysatay caalamka in ay tusto dhab in ay ka tahay xal in loo helo Dalka. 2.Waxay ku guulaysatay in ay qaawiso Xasan oo tusto Shacabka Somaliyed iyo BC. 3.Waxay ku guulaysatay in uusan Xasan kala qaybin,isla markaana wakhti lumis u isticmaalin. Waxaa bogaadin mudan Gudoonka Mw Shariif muujiyay ee ku salaysnaa isku wadida iyo Odaytinimada. Waxaa kaloo bogaadin mudan hal adayga Cabdiraxmaan Cabdushakuur muujiyay. Waxaa kaloo bogaadin mudan mowqifka ka fogaanshaha Xasan ee Rw Rooble la yimid. Waxaa goobta ku hungoobay Cumar oo Xasan wax ka quudaraynayay.
Madaxwyane ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid,ayaa maanta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay saraakiisha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AUSSOM. Kulanka,ayaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyo la dagalka kooxa Khawaarijta ah iyo sidii sare logu qaadi lahaa Ciidamada AUSSOM ee Galmudug jogaa. Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug Cali Daahir Ciid,ayaa Taliyaha AUSSOM Sector 4 u sheegay in Ciidamada Xogga Somaliya iyo Ciidanka Galmudug ay Shaqo badan ka qabteen guud ahan Galmudug Amnigana Galmudug na u aad u sareeyo xiligaan. Ugu danbeyn Saraakisha AUSSOM iyo Madaxda Galmudug waxay Isla qateen in la dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda…
Firxadkii argagixisada ee Calmiskaad Caawa garaacis xoog badan,ayaa ku socota. Si gaar ah garaacistu,waxay ugu socotaa Baallade,waana fara badan tahay,waxaana lala beegsaanayaa goobo kala duwan oo argagixisadu ku dhuumaalaysato. Sxb-da PL mid ka mid,ayaa fulinaya garaacistan Caawa oo kusoo beegantay,iyadoo Ciidamadu bilaabeen Gacanmariskii ugu danbeeyay ee Godadka argagixisadu ku dhuumaalaysato.
Xasan Shiikh,waxaa haysata caqabado adag oo ay adag tahay in uu ka dabaasho markan…. 1.Waa cadaadiska BC oo ay ugu danbaysay Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku yiri Maalmo ka hor 10- ka Bisha,waa in la gaaraa heshiis. 2.Waa mudo xileedkiisii oo sii gabaabsiya. 3.Waa Siyaasiyiinta Madasha ku bahoobay oo ku dhagan ka tanaasul Dastuurka oo ku laabo kii saxda ahaa. 4.Waa Siyaasiyiintan oo hadii uu sii daayo oo wada hadalku fashilmo Garowe ka dagaya. 5.Waa hadii uu ka laabto Dastuurka oo ay Gacantiisa ka baxayaan Xildhibaano door ah iyo Sadexda DG oo kula socday wax kabadalka Dastuurka. 6.Waa Mooshinka Rw…
Waxaa muuqata in dib Maraykanku usoo ceshay Siyaasadiisii Laba Wajiilaynta ee kula macmiili jiray qaybaha Somalida. Siyaasadaas,ayaa ahayd la jaanqaadida waaqiciga Somaliya ka jira oo ah in ay uqaybsan tahay Sadex Qaybood oo kala leh Calamo,Dastuuro iyo nidaamyo,kuwaasoo kala ah…. Ku guulaysiga Digvin Andarson ee Talyaha Africom iyo sagootinta Talyihii hore iyo soo dhaweynta Talyaha cusub ee hawlgalka gaarka ah Maraykanka ee Bariga Afrika ee sida siman uga dhacday Xamar,Bosaso iyo Hargaysa,waa tilmaan sax ah oo muujinaysa dib usoo noqoshada Siyaasadaas.. Andorsen,wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii kusoo shaqaysay Siyaasadii Laba Wajiilaynta oo waliba ujanjeera dhanka SL,waxayna soo laabashadiisa hoosta ka…
Sidaan xogta ku hayo Cali Xoosh Wasiirkii Arimaha gudaha ee Xasan Shiikh,waa iskaga tagay Laascaanood Laba sababood awgood,kuwaasoo kala ah….. Caawa xaalka LC,waa cakiran yahay,waxaana Guriga Firdhiye weeraray Maleeshiyaad Beeleed ka caraysan Boos Fihiimo Quuje la siiyay.
Wadada isku xiraysa Bosaso – Dhaadaar. Dhererkeedu,waa 92km oo dhismaheeda la billaabayo berito. Dowlada iyo Shacabka PL,ayaa kawada qayb qaadanaya dhismaheeda. Wadadan,waxay soo gaabinaysaa safarkii wareega ahaa ee dheeraa oo loo mari jiray tagida Toga-jeceel,kaasoo gaarayay ku dhawaad 400- km. Sidoo kale Wadadan,waxay muhiimad weyn uleedahay dhanka amaanka iyo hawgalka Calmiskaad,waxayna fududayn doontaa gurmadka,Saadka iyo joogista Ciidamada ee Deegaamada Toga-jeceel.
Boosaaso : 09 August 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta dhagax dhigay wadada Calmiskaad oo isku xiri doonta magaalooyinka Boosaaso iyo Dhaadaar ee Gobolka Bari, iyadoo ay munaasabadda ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimada Dhaqanka , Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliska Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa muujiyay muhiimada ay Wadadan u leedahay isu socodka Gobolka Bari, isagoo xusay in ay ku timi baahi ka jirta deegaanka dhaadaar oo hadda laga sifeeyay Argagixisadii Daacish, waana Waddo aan ku…
Hawlgalka Gacanmarinta,ayaa udhacaya sida tan:- 1.Guuto 5-Aad,waxay wajahaysaa jihada Waqooyi ee Calmiskaad…. Wangable,Sixna,Karimo,Qandala ilaa Unuun. 2.Guuto 1-Aad iyo 2-Aad? Ceelasha Aleelooyin,Miraale,Ceelka Sadow,Ceelka Cadayle ilaa Baallade. 3.Urur Ciidanka Badda ah? 1.Ceelasha Shakaalooyin,Ceelka Yucrineed ilaa Ceel Gobaad iyo Baaladaha sare. Guud ahaan Ciidamada kuwajahan Baallade halkaas ayey Cagta iskaga darsan doonaan oo ilaa Laamiga gaari doonaan.
Dib uma maqli doontaan Calmiskaad,waxaa ka jira dhaqdhaqaaq Unugyo argagixiso mudo dhow,waxaana bilowday Wajigii ugu danbeeya ee Shallaynta. Nasasho,kala badalid,dib uhabayn,gaarsiin Saad iyo dajin qorshe dagaal oo la jaanqaadi kara Wajigan kadib Ciidamo ay kala wataan Talye Aadan C.Xaashi iyo Talye Muumin oo gaaraya ku dhawaad 2500-Askari,ayaa ku dhaqaaqay Gacan marinta God walba oo argagixisadu ku gaban karto. Xaqiiqdii hawlgalkan,waa mid taariikhda galay oo lagu dhigi doono xarumaha waxbarashada. Sida loo diyaariyay oo loo abaabulay,waxay ku tusaysaa hogaamiye wax dumi kara in uu yahay Mw Deni.
Digvin Andarson,ayaa ku guulaystay Talyaha Africom oo ay ansixiyeen Seneterad Maraykanka. Anderson horay,ayuu uga soo shaqeeyay Africa oo waa Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Cirka Maraykanka. Siyaasadii Maraykanka Somaliya ee Laba wajiilaynta Saraakiishii kusoo shaqaysay,ayuu ka mid ahaa ee aad ufahansan xaalka Somaliya. Soo laabashadiisa,waxay hoosta ka xariiqaysaa in Maraykanku xoojinayo Siyaasadaas oo hadaba dib loogu laabtay. Waa Nin isku wadi kara Talisyada Bosaso,Berbera iyo Ballidoogle. Si gaar ah,wuxuu fulin doonaa qorshaha Ciidamada Badda Maraykanka ee Jabuti fadhiya loogu rarayo Berbera,taasoo dib udhac uu ku keenay dagaalkii LC. Sidoo kale,wuxuu dhamaystiri doonaa qorshaha Ciidamada Maraykanka ee hawlgalka gaarka ah Bariga Africa…
Maraykanku,wuxuu usoo rarayaa Ciidamadiisa Bada ee Jabuti fadhiya Saldhiga Berbera dhawaan. Hadalka Mw Maraykanku Trump mahan mid fudud ee waa mid saamayntiisa wata oo waxaaba guul weyn oo u ah SL Afka Mw Maraykanka in ay soo marto aqoobsi raadidkeeda. Maraykanku,wuxuu ka leeyahay SL Laba qorshe oo kala ah…. 1.Ciidamadiisa Bada ee Jabuti fadhiya in uu qayb ahaan udoo raro Saldhiga Berbera dhawaan. 2. Hirgelinta aragtida ah in Falastiniyiinta loosoo raro DhulkaSL Halkaas,waxaa ku naf waayay iskudayadii Dowlada Xamar ay ku hor istaagaysay SL oo noqota Jamhuuriyad aqoonsi hesha. Dadaalkii Loobistayaashu,waa umira dhalay Somaliland durba.
Siyaasadii Laba Wajiilaynta ee Maraykanku ku dhaqmi jiray 10- Sano ka hor,ayaa dib usoo laabtay. Siyaasadaas waxay ahayd in Somaliya ay tahay Sadex qaybood oo kala ah…. Talyaha hawlgelada gaarka ah Ciidamada Maraykanka ee Bariga Afrika oo la badalay iyo kan cusub ee lagu soo badalay,waxay kasoo kicitimeen Xamar,kadibna PL,kadibna SL. Ujeedku,waa macsalaamayn iyo soo dhaweyn Talyaha cusub. 10-kii Sano ee udanbeeyay Maraykanka iyo reer Galbeedku sidaa uma dhaqmayn,waxayna xoojinayeen Dowlada dhexe,balse 2- dii Sano ee udanbeeyay ayay Siyaasadoodii dib u eegeen oo ku laabteen Siyaasadii Laba wajiilaynta. PL,waxay utahay guul Siyaasadeed,mid amni iyo mid Diblomaasiyadeed.
PL,waxaa fursad weyn unoqday hogaanxumada Xasan Shiikh. Dagaalka Daacish,wuxuu usii noqday furihii ay ku furatay Albaabada reer Galbeedka,gaar ahaan Maraykanka. Maraykanku markii uu eegay khatarta Daacish iyo khilaafka PL iyo Xamar,wuxuu qaatay go’aan cad oo PL uu kula shaqaynayo,isaga oon aan tixgelin Xamar……. 1.Trump,wuxuu amray in Ciidamada Maraykanka ay la hawlgeli karaan dhamaan Ciidamada PL noocay yihiinba,iyadoo awal Ciidan khaas ah oo qura ay la hawlgelu jireen. 4.Waxaa la dhisayaa Ciidamo gaar ah oo PL leedahay oo la hawlgalaya kuwa gaarka ah ee Maraykanka. 5 . Waxaa dhisantay kalsooni iyo aaminaad loo qaaday Puntland. Xaqiiqdii Mw Deni dhankaasna gool weyn,ayuu…
Boosaaso: 08 August 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta sagootiyey Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris oo wakhtigiisa shaqo dhameystay isagoo sidoo kale soo dhoweeyay Taliyaha cusub Col. Benander oo qayb ka ahaa wafdiga maanta uu qaabilay Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa hadyad dhaqameed ku sagootiyey Taliye ED Norris, isagoo Dowladda Maraykanka uga mahadceliyay garab istaagooda Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, wuxuuna rajeeyay in Taliyaha cusub Col. Benander uu isna halkaasi kasii wado wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka gaar ahaan Amniga iyo ciribtirka Argagixisada. Taliyaha xafiiska baneynaya…
Laba Diyaaradood oo Hub iskugu jira Qoryo Fudud iyo Rasaas ayay Dowlada Turkigu ku wareejisay Dowlada Puntland Shalay. Hubkaas,ayaa ka koobnaa Qoryaha fudud iyo Rasaas,waxaana ka qaaday garoonka Laba Bas oo kuwa dhexe ah. Diyaaradihii keenay Askartii Turkida ahayd ee sii raacaysay Markabkii Hubka ee PL sii daysay,ayaa keenay Hubka. Turkigu,waxay ubixiyeen Hubka Abaalmarin maadaama PL si nidaamiya ula dhaqantay,waxayna uniyaysteen dagaalka argagixisada ee PL ku jirto. Abaalmarinta PL ku helayso sii daynta Hubkaas,waa isdaba socotaa,waxaana jiri doona garab istaag kala duwan oo Turkiga ka imaan doona. Markabka PL qabatay,wuxuu sababay in Turkidu usoo jilba jabsadaan PL oo aqbalaan Albaabada…
Starlink, adeegga internet-ka xawaaraha sare leh ee uu leeyahay Elon Musk, ayaa si rasmi ah uga shaqo bilaabay gudaha Soomaaliya. Waxaa markii ugu horreysay adeeggan si xeel dheer u isticmaalay Ciidanka Amniga Puntland intii uu socday hawlgalka Cal-Miskaad, si ay u helaan isgaarsiin degdeg ah oo ammaan ah, xilli aysan jirin adeegyo kale oo la isku halayn karo. Maanta, adeeggan waxaa si xor ah uga faa’iideysan kara shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha aan lahayn adeegyo isgaarsiineed oo joogto ah. Qiimaha qalabka Starlink gudaha Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa $250, halka adeegga bil walba uu ku kacayo qiyaastii $40.…
Beledxaawo,waxaa galaya Ciidamada Jubaland oo garab ka helaya Ciidamada dariska nahay ee qaybta ka ah xoojinta amniga Somaliya. Caawa Ciidamada JL,waxay kaabi ku hayaan Xero UK. Warqadan,waxay ka badalayso majiraan hawlgalka qorshaysan ee lagu xoraynayo Gobolka Gedo.
Raqraq-Buqa: 06, August, 2025: Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland oo hawl-gallo xooggan oo qorshaysan ka fuliyey lix Ceel oo ka tirsan Buqa, ceelka Dhidiraley iyo Ceelka Xoomiso, halkaasi oo goosanka khawaariijta Daacish ku dhuumaalaysanayeen muddo kooban ayaa lagaga qabtay Mooto iyo Sahay kale. Sidoo kale Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ka hawlgalay togga iyo buuralayda Raqraq ee Calmiskaad, soonaha u dhexeeya Dhasaan iyo Dhaadaar ee koonfur Bari.
Ciidamadan,waxay horay uga tirsanaan jireen Somaliland,haatana,waxay usoo wareegeen PL,waxayna qayb ka yihiin qorshaha xasilinta Gobolka Sanaag ee SL iyo PL ay wadajir uqaateen. Gogasha Ceerigaabo oo miradhasha oo lagu gaaro heshiis cusub,ayaa qayb ka ah. Dagaalkii LC,wuxuu nooleeyay fahan iyo bisayl Siyaasadeed oo aan horay miisaska usaarnayn.
Markuu utagay Abiy,wuxuu ka codsaday in ay Itoobiya ku wareejiso Gobolka Gedo,isla markaana ay la rido Maamulka Axmed Madoobe ee JL. Abiy markii hore,wuxuu ku yiri”Anagu ma burburinayno JL oo Xuduudka amnigiisu,waa noo muhiim”. Balse wada hadal dheer oo dhexmaray kadib,waxaa la hor dhigay Xasan Shiikh in uu ka saaro Dowladiisa Raga Masar oo ugu horeeyo Xamse Laba Todobaad gudahood,waana soo aqbalay. Dhacdadii Doolow,waxaa lagu yiri ” Gudi,ayaan usaaraynaa dhacdada baara”. Markuu soo tagay,ayaa Cali Balcad oo ku haray lagu yiri..” Iska tag,Odaygaan iska diraynay Gudi ma Magacaabayno”. Intaas kadib,waxaa Saraakiil Ciidan loosooo diray Beledxaawo si ay digniin kama danbays…
Inta badan Shaqaalaha iyo Ciidanka DFS,Mushahaar ma qaadan ilaa Maanta oo Bishu tahay 5/8/25,iyadoo la qaadan jiray Bil walba 26-ka ilaa 28-ka. Ciidanka Madaxtooyada iyo Xildhibaanada oo keliya.ayaa qaatay Mushahaarka. Lacagtii Musahaaraadka,waxaa loo isticmaalay qaska laga wado Laaska iyo Beledxaawo. Dhaqamada Xasan Shiikh,waxaa ka mid ah marka mudo xileedkiisu soo dhow yahay,wuxuu lunsadaa Musahaaraadka,iyadoo xilligiisii hore uu la tagay 7-Bilood oo Mushaaraad ah.
PL maxay ka faa’iday Markabka? Afartan Qodob ee macno leh,ayay PL ka heshay qabashadii Markabka iyo sii dayntiisii.
PL marka laga so tago masuuliyada iyo diblomaasiyada ay muujisay,hadana,waxaa jiray wada xaajood adag oo dhexmaray Labada dhinac,gaar ahaan Mw Deni iyo Safiirka. 1.Weftigu,waa mid sare oo ka kooban Siyaasada iyo Milleteriga ee Turkiga. 2.Maqaam Labada Dowladood oo siman,ayaa loo wada hadlay. 3.Waxay la yimaadeen cadaymo muujinaya in ay iyagu wada leeyihiin dhamaan Hubka saaran Markabka. 4.Waxay umahadceliyeen Dowlada PL,waxayna qireen hanaanka Maamul ee PL. 5.Waxay ballanqaadeen in ay PL ka taageerayaan la dagaallanka argagixisada. Turkidu,waxaa ka muuqatay in ay fajeciso ku noqotay hanaanka Dowladeed ee ka muuqda PL oo iyagana lagula dhaqmay ee aan ka jirin Koonfur. Yax-yaxa ugu…
Ugu danbayn Turkigu,wuxuu aqbalay in uu wajaho Puntland oo toos ugala xaajoodo Markabka Hubka. Inkiraadii Turkigu inkarayay PL in ay tahay mid ka mid ah Albaabada laga soo galo Siyaasada Somaliya,ayuu meesha ka saaray. Weftiga Turkiga ah ee yimid PL,wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay erayadii Dowlada Xamar ee ahaa (PL,waxay qafaalatay Markab). Sidoo kale,weftigan imaanshihiisu,wuxuu waji gabax ku yahay isla Dowlada Xamar,isla markaana PL maqaamkeeda Nidaam,ayuu kor usii qaadayaa. PL,waa nidaam masuul ah oo leh hay’ado dhismay oo Dowladeed,waxayna horay ugu casuntay Turkida in ay kusoo biiraan baarista ay wado,taasoo Turkidu haatan kasoo jawaabeen. Baarista PL kadib,waxaa soo bixi…
Laasqoray,waxaa kasoo degay Hub Todobaadyadii lasoo dhaafay mid ka mid ah. Hubkaas,wuxuu ugudbay Cabdi Madoobe,waxaana laga keenay Yemen. Cabdi Madoobe,waa Nin ku urursaday Sool Bari Ciidan door ah oo horay uga tirsanaa argagixisada Alshabaab,haatana qayb ka ah Jamhada Sool Bari ee Firdhiye. Hadaan si deg-deg ah looga hawlgelin Laasqoray,waxay noqon doontaa marinka Hubka sharcidarada ah ee Geeska Afrika,waxaana ka faa’idaysan doona kooxaha argagixisada ah iyo dhamaan danbiilayaasha.
Dagaalkii Beledxaawo kadib,waxaa muuqata in Xasan Shiikh la kulmayo cadaadis xoog badan. Cadaadiskaas,wuxuu uga imaanayaa Wakiilada Beesha caalamka,gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska. “Kaama aanan sugayn in aad abaabusho Maamul lagu carqaladaynayo JL ee waxaan ku balanay Adiga iyo Axmed in aad wada hadashaan”Ayaa lagu yiri Xasan Shiiikh. Fariinta BC ka timid,waxay ku noqotay caqabad qorshihii Xasan ee ahaa in uu abaabulo Gedo Shir lagu dhisayo Maamul barbar socda kan Dowlada JL oo been abuur ah. BC si cad ayay ugu sheegtay in aysan danayn fadqalalo nidaam oo JL lagu sameeyo.
Mw Cirro Siyaasada uu ku maareeyay Gobollada Bari,waa mid daal ka muuqdo oo aan la jaanqaadi karin isbadalada Geeska ka socda iyo Maamul Fresh ah oo hada talada qabtay. Siyaasadaas,waa mida keentay in tuhun yimaado oo Dad waa weyn ay ku doodaan in Xasan iyo Cirro wax isla og yihiin,taasoo Siyaasada SL ku ah wajigabax. Soo toosidan Maanta,waa loo baahnaa,waana in Dhiig cusub lagu shubaa Siyaasada Gobollada Bari ee SL. Macquul ma’ahan in Sanaag oo xarunteedu Ceerigaabo tahay iyo Togdheer oo xarunteedu Burco tahay Maamul loo dhisto. Hadaysan SL talaabo Siyaasadeed iyo mid Milleteri qaadin,wuu dhicisoobay hankii Jamhuuriyad Madaxbanaan.
Khudbadii ugu qiimo badnayd Sanadkan,ayuu Mw Deni jeediyay…. 4.Colaadaha,kala qaybinta iyo burburinta nidaamka ee Xasan Shiikh ka abaabulayo qaybo badan oo Wadanka ah,waa dul istaagay. 5.Dagaalka argagixisada ee guud ahaan Somaliya,waa xoojiyay markale. 6.Qurba joogta PL,waa bogaadiyay,waana dhiirigeliyay. 8.Ciidamada PL ee geesiyaasha ahna,waa dhiirigeliyay,wuxuuna udiray fariin ah in kuwa difaaca mudada ku jiray lasoo badalayo oo ay Xaasaskooda la nasan doonaan.