Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa shirka kaga dhawaaqay qorshe afar qodob ka kooban oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, laguna taageero qarannimada dalkaas. Starmer ayaa sheegay in qorshahan, oo ay iska kaashadeen Faransiiska iyo Ukraine, uu ka kooban yahay: Sii wadidda gargaarka la siiyo Kyiv iyo cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo Ruushka si ay u taageerto Ukraine. Xaqiijinta in dowladda Ukraine ay miis walba oo gorgortan looga hadlayo aayaheeda ka qeyb gasho. In heshiis kasta oo nabadeed uu dammaanad qaado midnimada iyo amniga Ukraine. Sii wadidda taageerada hubka si Ukraine ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.…
Author: Jibril Qoobey.
Hal qof iyo eedeysanaha weerarka geystay ayaa dhintay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Haifa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhimasho sababa ee ka dhaca Israa’iil tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza la bilaabay bishii Janaayo. Weerarkan wuxuu dhacay maalin kadib markii Israa’iil ay xannibtay gargaarkii la geyn lahaa Marinka Gaza, xilli la isku maandhaafsanaa kordhinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhulka Falastiiniyiinta. Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta, oo socday lix toddobaad, ayaa dhammaaday dhamaadkii toddobaadkan. Heshiiskaas wuxuu suurageliyay in gargaar muhiim ah—cunto, hoy, iyo adeegyo caafimaad—la gaarsiiyo Gaza. Go’aanka Israa’iil ee hakinta gargaarka…
Madaxda Midowga Yurub,waxay ku kulmeen Ingiriiska si ay uga tashtaan waxa ay ka yeelayaan dagaalka Ukrain kadib kulankii fashilmay ee Trump iyo Zelensky. Midowga Yurub,waxay garab weyn umuujinayaan Ukrain,iyagoo ka Biyo diidan qorshaha Trump. Yurub,waxay u aragtaa Ukrain in ay ku hor joogsato Ruushka oo aysan fursad siin,halka Trump u arko dagaalka Ukrain in uusan macno ulahayn oo ay ku khasireen Lacag fara badan. Si guud marka loo qiimeeyo dagaalka Ukrain Sadex qorshe oo ay R.Galbeedku ka rabeen oo kala ahaa… 1.In Ruushka Hubka ay bixinayaan uu celiyo. 2.In Dhaqaale ahaan Ruushku udaciifo. 3.In Putin galo go’doon Diblomaasiyadeed. Sadexdaas Qodob…
Saakay firxadkii argagixisada,ayay ku heleeleen Ciidanka Difaaca Puntland Aaga Tasjiic,wayna ka dileen ku dhawaad 20-Xubnood. Ciidanka,waxaa ka Shahiiday Laba Askari,iyadoo ay ka dhaawacmern 7-da kale. Sidoo kale Ciidamo Saad galbinayay,ayaa Askari ka Shahiiday,iyadoo dhaawac fudud kasoo gaaray Miino kula qaraxday Aaga Qurac iyo Darin ee Toga-jeceel. Waxay kaloo Ciidamada Difaaca Puntland hawlgallo ka sameeyeen Isha Bilcil, Isha Daltoonle iyo qaybo ka mid ah Buuraha ku teedsan Toga-jeceel. 75%argagixisada,waa laga adkaaday guud ahaan Puntland,xataa kuwa Buurta Calmadow,waxay ka mid noqonayaan 25% ee harsan oo ma awood badna. Buurta Calmadow,waxaa ku jira 234-Nin oo Awr dhawr ah loogu keeno Saad,baqaya oo go’…
Waa aragtida aan difaacaynay 50-kii Sano ee udanbeeyay mida MW Deni hada difaacayo. Aragtidan,waa mida Siyaasiyiinta ku mashquulsan Shaqo mudo gaaban ah,CV iyo Mashruuc lakala goosto aysan mudnaan noogu lahayn. Aragtida aan ka leenahay Dowlad dhiska Somaliya,waa cadahay,waana mida MW Deni qeexay,mana jiri doonaan,waxaan ku badalan doono. Jiilba jiil,ayuu ka dhaxli doonaa ilaalinta aragtida reer PL ee Dowladnimo Somaliyed. Xamar Aadisteeda? 1.Aadisteeda,waxay macno tiraysaa Dhulka PL. 2.Aadisteeda,waxay diciifinaysaa Nidaamka PL. 3.Aadisteeda,waxay niyad jabinaysaa Bulshada. 4.Aadisteeda,waxay soo saaraysaa Siyaasi liita. Xamar mar danbe kuma aadayno si fudud hadayba dhacayso oo la mid ah midii dhacday 15-Sano ka hor. MW Deni,waxaan leenahay…
Waa God kale iyo Talis muhiim ahaa oo argagixisadu lahayd Buq Caleed oo ay Ciidamada Difaaca Puntland Gacanta ku dhigeen. Taliskan,waxaa deganaa Madaxda Argagixisada iyo Xaasaskooda,waxa uuna lahaa Difaac adag. Buq-caleed,waxay ujirtaa Dhasaan 20-Km,waxayna usamaysatay argagixisadu Wado toos ugasha oo 19-KM ah. Waxaa loogu tagay Guryo,Godod Shub ah iyo Gaadiid ay gubeen argagixisadu. Shalay,waxay Ciidamada Difaaca Puntland heleen Godad Hub ah,waxaana laga soo saaray.. 1.40-Qori oo Aake ah. 2.6-Qori oo Snipers ah. 3.Beekaa emyo dhawr ah. 4.Dhashiise diirad leh. Waxaa kaloo loogu tagay halkaas Maydadka argagixisada. Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland Jen.Aadan Cabdixaashi,ayaa sharaxaya Taliska Buq-caleed ee Maanta la qabtay muhiimadiisa.…
Reer Mudug,waa Dad qiyam,gaar ahaan Puntlander-nimada markay timaado kama gorgortamaan. Laamiyada Galkacyo ee lagu dhisayo Lacagta horumarinta ee la saaro Korontada iyo Biyaha ,waxay ku qoreen (Difaaca Puntland). Xoolihii lagu taageerayay Ciidamada Difaaca PL,waxay bixiyeen kala bar oo ah (2,532 Neef oo Ari ah iyo 62 Geel ah). Lacagta Qurba-joogta ka timaada ee Ciidamada lagu taageerayo,waxay bixiyaan 60%. Ciidamada ku jira hawlgalka sifaynta argagixisada,waxay ka yihiin 50%,gaar ahaan,waxaa ka maraya meesha Guuto Gaashaaman oo wadata wax walba oo mintid ah. Dadkaas mahan in ay ku faraxsan yihiin 100% Maamulka MW Deni oo Gobolkooda,waxaa ka jira baahiyo la taaban karo…….. 1.Garoonka…
Puntland= 200-kun KM oo Isku wareeg ah. Puntland=1650-km oo Xeeb ah. Puntland =3-Meelood 1-Dhaqaalaha Geeska. Puntland =4-Milyan oo Qof. Puntland =Kaabayaal Dhaqaale oo dhisan. Puntland =Kayd Bulsho oo qiimo leh. Puntland =Ciidan awood leh. Puntland =Kayd Taariikho iyo hibooyin. 5-tii Sano mar ayay Doorasho qabsoontaa oo awooda Nabad loola kala wareegaa,iyadoon laga dib mari karin Maalinka cayiman ee 8-Janaayo. Dhulkaas iyo Dadkaas burhaantaa leh markaad haysato,waa in aad…. Ku faraxsanaataa. Ku faantaa. Ku Xisaabtantaa. Jiilka hogaaminayay 15-kii Sano ee udanbeeyay,Jiilkii ka horeeyay,waxay dhiseen Puntland-ta aan hada Sharaxayo oo hami ayay ficil ubadaleen. Hal Qodob,ayaa khatar ku noqday,waa Dowladnimadii Somaliyed ee…
WQ:-Jibril Qoobey. Markaan saa ku leeyahay,waxaan soo gudbinayaa dareenka Dadka caadiga ah ee reer Puntland. Dadka Siyaasada xog ogaalka ka ah ama aragtida ka leh,way fahmi karaan hadalkaaga iyo meeshaad usocoto. Xalay khudbadii aad jeedisay,way kala daadisay Shacabkii umidaysnaa dagaalka iyo loolanka Xamar ee reer Puntland. Golayaashii lagu ururinayay Lacagaha Ciidanka,ayay saamayn ku yeelatay oo Niyad jab ka bilowday oranaya… (Xamar Nin usocda Lacag ku taageeri mayno). Khudbadii Xalay Qaybteeda aad uga hadashay Xamar,waxay ahayd mid wakhtigeedii kasoo hordhacday oo aan ku haboonayn xiligan,ayay qabaan Dad badan. See wax loo sixi karaa? Madaxweyne ku laabo hadalka oo Quluubta Shacabka Puntland…
Seleniski,waa laga gar lahaa,marka laga soo tago asluub xumada Diblomaasiyadeed ee Trump iyo ku xigeenkiisu muujiyeen ee ceebta ku ahayd Diblomaasiyada gaamurtay ee Maraykanka. Dagaal uusan ka fiirsan,ayuu geliyay Wadankiisa,isagoo heli kara Wadooyin kale Zelensky. Ruushku,waa Quwad burburtay,balse diidan in la qaawiyo,waxa uuna taagan yahay… hadii Gaashaanbuurtaydii laga adkaaday yaan lay wada ilhaamayn oo Xuduudayda Nato yaysan soo fariisan. Ukrain,waxaa halaagay Yurub oo ka dhigatay waxay u isticmaasho diciifinta Ruushka. Trump,waxa uu leeyahay dagaalka Ukrain mahan in uu sii socdo,wax dan ahna nooguma jirto,waana ku khaldanaa Biden in uu maalgeliyo. 1.Dan uguma jirto Dadka Cadaanka ah. 2.Dan uguma jirto Dadka…
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa dood adag dhex martay kadib markii ay isku khilaafeen arrimaha dagaalka Ukraine iyo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka. Trump wuxuu ku adkeystay in Ukraine looga adkaanayo dagaalka, isagoo sheegay in askarta dalkaasi sii yaraanayaan, dadkuna dhimanayaan. Wuxuu uga digay Zelenskyy in haddii uusan heshiis la gaarin, Mareykanka uu ka joojin doono taageerada. “Haddii aan baxno, adiga ayaa la dagaallamaya, waana ogahay inaysan fiicnaan doonin,” ayuu yiri Trump. Zelenskyy wuxuu si toos ah u eedeeyay Trump inuu aad ugu jilicsan yahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuuna uga digay inuusan “la heshiin dilaaga.”…
Ukrainian President Volodymyr Zelensky and U.S. President Donald Trump repeatedly clashed on Friday (February 28), with Zelenskyy urging Trump to be cautious with Russia and Trump accusing him of being disrespectful, as simmering differences spilled into the open. Zelensky pushed back on Trump’s claims that Ukrainian cities have been reduced to rubble by three years of war. Trump stressed that Putin wants to make a deal. “You are gambling with World War Three,” Trump told Zelensky at one point, urging him to be more thankful. Vice President JD Vance interjected that it was disrespectful of him to come to the…
Madaxweyne Donald Trump,ayaa si caro leh ugu jawaabay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Xafiiska Oval. Trump,ayaa codkiisa kor u qaaday, isagoo ku eedeeyay Zelensky in uusan ixtiraam lahayn. Kulanka,ayaa bilawgii si deggan ku bilowday, laakiin xaaladda,ayaa is beddeshay markii Zelensky uu ka horyimid fikirka Madaxweyne Ku-xigeenka J.D. Vance, kaas oo soo jeediyay in wadahadal lala furo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, si dagaalka loo joojiyo. Zelensky,ayaa si caro leh uga falceliyay,isagoo sheegay in Putin marar badan weerarro ku qaaday Ukraine, jebiyayna heshiisyo xabbad-joojin ah, isla markaana diiday in la is-dhaafsado maxaabiista dagaalka. Trump ayaa Zelensky…
Khudbad qiimo badan,waaqiciya,dareen damqasho leh wadata,soo gudbinaysa digniino amni iyo kuwo jiritaan Umadeed oo Dadka midaynaysa,ayuu jeediyay Madaxweyne Deni…. 1.Wuxuu ku dhawaaqay Wajigii 2-aad ee hawlgalku in uu dhamaaday Maanta oo 27-ka Febraayo ah. 2.Wuxuu ku dhawaaqay Wajigii 3-Aad ee hawlgalka in uu bilaabanyo Berri foog oo 28-ka Bisha Febraayo ah. 3.Wuxuu ku dhawaaqay in ay 7-Cisho Laamaha amaanka isku soo dhiibaan Dadki gudahai kala Shaqeeyay argagixisada. 4.Wuxuu ku dhawaaqay in ay 7-Cisho isku soo dhiibaan Ajaanibta argagixisada ah ee dagaalka ku jirta. 5.Wuxuu umahadceliyay Ciidamada Difaaca Puntland. 6.Wuxuu ugu baaqay Shacabka Puntland in ay sii wadaan taageeradooda Ciidamada. 7.Wuxuu…
Hadaysan jirin,wax qarsoon oo lagu heshiiyay Warmurtiyeedka laga soo saaray kulanka Abiy iyo Xasan waxba kama muuqdaan macno leh. Kooxda Xasan,waxay ku doodayaan MOU-GA in ay dileen,balse majirto wax cad oo lagu dilay iyo War qoraal ah oo lagu baabi’iyay,waxaase muuqata in xawaarihii uu ku socday hoos udhacay,balse mar walba,ayuu Abiy soo celin karaa. Qodobka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Somaliya ku jira Xasan waxba kama qaban karo,waxna kama badali karo in uu aqbalo mooyee,waxaana heshiis ka gaaray Ugandha iyo Itoobiya. Xasan,waxa kaliya ee uu booqashadan ka taxadaray,waa Baratakoolka oo Abiy,waxa uu soo qaatay Dhar Futashaariya iyo Kabo Safari ah,halka Xasan…
Lix Hoobiye,ayaa lagu soo tuuray Garoonka Aadan-cade xili uu ka dagayay RW Itoobiya. Hoobiyayaashu tois uguma dhicin Garoonka,mana jirto khasaare la xaqiijiyay oo ka dhashay. Sidoo kale Saacado kooban ayay haysteen Maleeshiyada Shabaab Degmada Balcad oo ku taal duleedka Xamar. Weerarka Hoobiyayaasha iyo qabsashada Balcad waxay argagixisadu uga dan leedahaya Hal ujeedo oo ah … 1.In ay muujiyaan Xasan in aysan waxba Gacanta ugu jirin oo ay iyagu saamaynta leeyihiin. Waxaan la inkiri karin,iyadoo Madax Sare Xamar imaanayso in la xakamayn waayay Hoobiyaha argagixisada.
Gantaaladan mahan kuwa caadiya ee waa Tuubooyin argagixisadu jarjartay oo ay ka buuxin lahaayeen Biro,Masaamiir iyo Qaraxyo,kadibna ay u isticmaali lahaayeen Qaraxyo,waase la qabtay ilaahay mahadii. Waxaa kaloo Maanta lahelay Shidaal iyo Mootooyin argagixisadu ka carartay. Sidoo kale,waxaa la qarxiyay Diyaarad Drons ah oo ay wateen 10-Nin oo firxad ahaa. Ciidamada Difaaca Puntland Gaari,ayaa Qarax ka haleelay,waxaana uga Shahiiday Hal Askari rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Si guud hawlgallo firxadka lagu baacsanayo,ayaa ka socda Qandala ilaa Tasjiic,waxayna Ciidamadu adeegsanayaan Awr iyo Dameero.
Mustaqbalka Galkacyo,waa iftiimayaa,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa Laba Qodob….. 1.Beesha Sacad oo Nabada Magaalada ku bixinaysa Dhaqaale,isla markaana diiday colaad gudaha ah. 2.Beesha Leelkase oo Labadii dhacdo ee ka dhacay Magaalada Gudaheeda oo ay fuliyeen Dhalinyaro ku abtirsata ka bixiyay Xaal dhan min $30-kun iyo 24 oo Duug ah,taasoo isku noqonaysa $84-kun. Sidoo kale,waxaa cajiib ah sida Beelaha Gobolka wada dega udhibsanayaan colaadaha oo ay si midaysan uga hor tagayaan. Mudug culayska haystay,waa Colaadaha Beelaha hadii xal loo helo horumar ayay samaynaysaa. Gudaha Galkacyo Laamiyo intaan ka badan ayay ubaahan tahay oo ugu yaraan 20-km ah.
Go’aanka Trump ee Nabada Ukrain,waxa uu ku fadhiyaa Laba aragti oo macno uleh Cadaanka iyo Maraykanka…. 1.Colaada Ruushka iyo Ukrain,waxaa ku jabaya Dadka iyo Dhaqaalaha Qofka Cadaanka ah. 2.Yurub haday Ruush ka adkaato,waxay ka xaroobaysaa Maraykanka. Ruush iyo Maraykan,waa in ay heshiiyaan oo Sadexda Qodob oo Ruushku rabo loo fuliyaa,kuwaasoo kala ah… 1.Nato in aysan imaan Bariga Yurub. 2.Midowga Yurub in uusan saamayn ku yeelan Ukrain. 3.Gobolada Ukrain ee Ruushku haysto in aan looga daba imaan. Wadamada Yurub,waa diidan yihiin joojinta dagaalka,balse hadii Maraykanku ka baxo ma difaaci karaan Ukrain iskamana dhicin karaan Ruush. Maraykanku ma rabo in Ruush burburo…
Urur uu hogaaminayo Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Col.Cabdiqaadir Jaamac Dirir,ayaa Maanta,waxay heleen in ka badan 15-Nin oo firxadkii argagixisada ah. Ciidanku,waxay ka dileen Unugtaas 5-Maleeshiyada ka mid ah,waxay kaloo ka reebteen Dameerihii Saadku ugu rarnaa iyo Soolarkii. Sarkaalka aan xogtan kasoo xigtay,ayaa ii xaqiijiyay in Unugtan ay ahayd kuwii ugalay Gaariga Anbalaaska Wadada,waxayna ucarareen dhanka Miiraale. Hawlgalkan ay Caiidamadu kawadaan Buuralayda usoo jeeda dhanka Bosaso,waxaa barbar socday digniino ay Dadka Deegaanka ugu sheegayaan in ay ka guuraan Aaga hawlgalku ka socdo ee firxadka argagixisadu soo galay.
Sahanka Ciidanku,waxa uu galay Dhasaan oo ujirta Dhadaar 8-km ahna halka ugu danbaysa ee hawlgalka sifaynta ee Toga-jeceel iyo Dhulkii Xarumaha u ahaa argagixisada ee ay isa siisay. Dhasaan Sahanku,waxba uguma tagin si la mid ah Dhadaar. Argagixisada 500-ka mid ah,waa la dilay,wixii haray oo xogaha la helayo ay sheegayaan 180-350,waxay ufirxadeen….. 1.Buqo Caleed 2.Biyo-kulule 3.Miraale 4.Sixna. 5.Daanyo. Curaar,xalay,waxaa looga dilay ku dhawaad 20 Maleeshiyadooda ah,waxaana xogaha la helayo sheegayaan in ay ka baxeen una gudbeen Biyo-kulule. Argagixisada Carabta ah,waxay ufirxadeen Buqo-caleed,halka kuwii Somalida ubadan reer Koonfurka iyo Afrikaanka ay ufirxadeen Biyo-kulule. Ciidamada Difaaca Puntland oo si xirfadle udaba socda…
Waa laysku awood sheegtay mana jiri doonto meel ay uga baxsan doonaan Bad iyo Bariba Quwadaas dul hoganaysa argagixisada. Markaan,waxaa noo dhiman inaan Xeebaha Ciidanka jooga xoojino si Ragaas baxsadka ah aysan Yemen inoogaga fakan. Dhamaan Ciidanka PMPF iyo Doomaha Dagaalka,waa in ay Laba Jibaaraan Shaqadooda. Nolol Ama Geeri,waa in Madaxdii argagixisada lagu soo qabtaa oo waa in Deg-Deg loo qaadaa dhowr Talaabo…. 1.Waa in Mudo 3-Todobaad ah la joojiyaa Dhamaan Doomaha Kaluumaysatada ah ee Xeebaha Puntland. 2.Doontii ama Markabkii Kaluumaysi ee lagu arko Xeebaha hawlgalku ka socdo,waa in Ciidanku la wareegaa. 3.Xeebaha ka fog Dhulka Hawlgalku ka socdo ee…
Oromadan,waxaa lagu qabtay Aaga Qardho,iyagoo lagu daadshay.. Gawaari,ayaa looga soo qaaday Laascaanood agteeda,waxaa lasoo marsiiyay Dhulka Hawdka ah,kadibna,waxaa lagu daadiyay Deegaan Baadiyaha ah oo udhow Laamiga isku xira Bosaso iyo Qardho. Koox Tahriibin ah,ayaa ka dilaacday Laascaanood,kuwaasoo Oromada PL celisay ee dib usoo laabanaya ururiya oo meel duleedka Magaalada ah iskugu geeya kadibna tahriibin ku geliya Bosaso. Ciidanka Booliska,ayaan xogtan la wadaagay Laba Maalmood ka hor,waana laga hawlgalay,waxaana la qabtay 500 oo Oromo ah,iyadoo Qardho Gawaari laga saaray oo Wadankoodu lagu celiyay. Raafka Oromada ee ay PL bilowday,ayaa abuuray fursad Lacag laga samayn karo Tahriibintooda,waxaana Mashruucaas ku dhaqaaqay Dhalinyaro hubaysan…
15-kii KM ee ka harsanaa hawlgalka sifaynta argagixisada Buuraha Calmiskaad,waxaa la dhamaystiray kala bar oo waxaa la dagay Dhadaar oo ahayd Xaruntii Madaxda Daacish. Waxaa harsan gaarida Dhasaan oo ah Saldhiga ugu weyn Calmiskaad ay ku lahayd Argagixisada. Dhanka kale si guud in Cagta la mariyo ku dhawaad 500-KM oo isku wareeg ah,ayaa bilaamay. Qiimaynta jirta ah,ayaa ah in Khamiista ama Jimcaha lagu dhawaaqikarao in hawlgalku soo gabagaboobay oo Madaxweyne Deni tagi karaa Calmiskaad.
Waa Guul la taaban karo oo lagu faani karo. 15-ka KM ee harsan argagixisadu ma joogto oo way ka carareen sida xogaha Wardoon xaqiijinayaan. 15-kaas marka la gaaro ilaa Saadanbe hadii rabi idmo,waxaa soo xirmaya Wajiga Labaad ee hawlgalka. Sida ay tilmaamayaan xogaha sirdoon argagixisada,waxaa ka harsan qiyaastii 150-xubnood oo firxad ah oo uwada socda ugu badnaan 14-Qof. Buuraha firxadkoodu gaari karo oo sifaynta Guud ubaahnaan doona,waxaa ka mid ah….. 1.Xabley. 2.Geesa-qabad. 3 Tasjiic. 4.Curaar. 5.Ina Cidoole. Wax fudud mahan 300-km in laga sifeeyo argagixiso si weyn u abaabulan oo heshay Dhul ku wanaagsan dagaalka. Xaqiiqdii Puntland,waxay muujisay awood Ciidan,mid…
Sheebaab qabashadeedu,waxay ka dhigan tahay oo kale in la sifeeyay Dhadaar,Dhasaan iyo Tuulooyinka kale oo Toga-jeceel ku faafo. Sheebaab markaad taagan tahay,waxba kuuma jiraan ama waaba aad joogtaa ilaa Dhasaan oo waa Dooxo banaan oo Tiknikada Ciidanku ku wararacaynayso. Sheebaab Ninka laga qabsaday ma joogi karo Dhasaan iyo Tuulo kale oo waa banaan Taayirka lagu laynayo. Argagixisada firxadkeeda oo ubadan Madaxdoodii inta hartay iyo Ilaaladoodii,way kala yaaceen,waxaana lagu sifaynayaa Wajiga Sadexaad. Maanta,waa lagu dhawaaqi karaa in Buuraha Calmiskaad laga saaray argagixisada. Toga-jeceel dib looma dayacayo oo,waxaa degi doona Guutooyin Ciidamada Difaaca Puntland ah. PL jiritaankeeda lama baayici karo.
Si buuxda,ayaan Gacanta loogu dhigay Sheebaab iyo Deegaamadii ku teedsanaa oo uu ku jiro Fariisinkii Argagixisada ee Gaatir-Oodan. Gacan ku dhigida Sheebaab,waxay ka dhigan tahay in lasoo afjaray Toga-jeceel oo dhan 300-km dherer ah. Qabashada Sheebaab,waxay kaloo ka dhigan tahay in argagixisada fadhigeedii,Madaxtooyadii iyo Taliskeedii lasoo afjaray Gacantana lagu dhigay. Sidoo kale,waxay ka dhigan tahay in Wajigii Labaad ee hawlgalka lasoo afmeeray. Guushan,waxaa lagu xaqiijiyay Dhiig iyo Dhaqaale door ah oo loo huray,waxaana Cagta la mariyay ku dhawaad 500-Xubnood oo argagixisada ah. Wajiga Sadexaad ee hawlgalka oo ah sifaynta Guud ee firxadka,ayaa ku xigi doona oo Maalmo kadib bilaaban doona.…
Askariga Xabada ridaya,marka laga soo tago Mushahaarkiisa,waxa uu qaataa $15 Maalin walba,waxaana siisa Dowlada Puntland. Si la mid ah Askariga Dhaawacma,waxa uu qaataa $8 Maalin walba,waxaana siisa Dowlada Puntland. Saadka Ciidanku makala joogsado haday ahaan lahayd….. B.Rasaas. T.Shidaal. J.Dayactir Gaadiid. Talis si weyn loo diyaariyay oo Saraakiil khibrad leh Gacanta loo geliyay oo MW Taleefoon ku dul taagan yahay,ayaa hogaaminaya Dagaalka. Dagaalkaas,waxa laga gaaray Guul weyn oo Deg-deg ah,waxaana argagixisada Dhulkii ay joogtay ka harsan 28-KM. Dagaalkan ma carqaladayn Bixinta Adeegii Dowladnimo oo Mushahaarka Shaqaalaha joogto ayay uqaataan Rayd iyo Ciidanba. Sidoo kale Mashaariicdii horumarineed sidii loogu talagalay ayay ufulaan.…
Jeneral Aadan Cabdi Xaashi,waa Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland. Waa Sarkaalka hogaanka uhaya hawlgalkan sifaynta argagixisada ee guulaystay. Aadan Cabdi Xaashi,waa Dhulyaqaan iyo Dad yaqaan. Waa mid ka mid ah Saraakiishii Madaafiicda Goobta SSDF oo la qirsan yahay in uu yahay Saraakiisha Naadirka ah ee Somalida Geeska Africa. Guusha deg-dega ah ee Puntland gaaraysaa,waa Saraakiisha Aqoonta leh ee Dagaalka kujirta oo Dhulka Geed Geedka iyo Taako Taakada utaqaan.
Ciidamada Difaaca Puntland Saakay horay ayay uguureen,waxayna gaareen Daramadoobe iyo Afka hore ee Toga Curaar. Ciidanku,waxa uu halkaas ugu tagay khasaare baaxad leh oo Duqayntii lagu gaarsiiyay argagixisada,kaasoo iskugu jira…… 1.Gaari Qori saaran yahay oo gubtay. 2.Mootooyin Gubtay. 3.Fariisinkoodii oo la gubay. 4.Maydad. Si laga fiirsaday,ayay Ciidanku uguurayaan,iyadoo dhibka la yaraynayo lana xaqiijinayo Guusha.
Madaxweyne Donald Trump ayaa joojinaya malaayiin doollar oo Mareykanku ku bixiyo dhiirrigelinta dhaqanno ka hor imanaya diinta & caadooyinka dadka dalalka – kuwaa oo ay kamid yihiin; 1. $849,535 – Waxaa lagu bixiyaa carwo shaqo-abuur dalka Bangladesh lagu qabto oo la isugu keeno shaqo doonka jinsigooda beddelay iyo loo shaqeeyaha. 2. $2 Milyan – Waxaa kharashka Qaliinka lagaga bixiyey dad u dhashay Guatemala oo jinsigooda beddelaya. 3. $1.3 Milyan – Woqooyiga Macedonia, dadka isku jinsiga ah ee wax-iska-daya in loo abuuro jawi ay ku noolaan karaan. 4. $18,793 – Barnaamijyo wacyigelin ah oo dadka isku jinsiga ah ee is qaba…
10-Tuulo oo si gaar ah ay udegto Beesha Harti Abgaal,ayay argagixisadu la wareegtay Maalin ka hor. Sidoo kale,waxay argagixisadu khafiifisay Canshuurtii Ganacsatada Xamar ay ka qaadi jirtay. Waxay kaloo joojisay argagixisadu Qaraxyadii aan kala sooca lahayn ee Shacabku ku dhamaan jireen. Si la mid ah arimahaas,waxay dhisayaan Gudi Siyaasadeed oo diyaariya Siyaasad ay kula xaajoon karaan Caalamka sidii Daalibaan. Ujeedka ay usamaynayaan Sadexdan Qodob,waa… 1.In ay Shacabka soo jiitaan oo yareeyaan culayska iyaga uga taga. 2.In ay udiyaar garoobaan la wareegida Maamulka Xamar. Markaad aragto dhaqdhaqaaqa argagixisada ee soo xoogaystay iyo qorshayaasha isbadal ee ay Bulshada kula dhaqmayaan oo aad…
Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Somaliya, Danjire.Michael Nithavrianakis iyo wefti uu hogaaminayo,ayaa yimid Bosaso. Weftigan,waxay la kulmeen Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada,waxayna kala hadleen….. 1.Bogaadin weyn oo ay usoo gudbiyeen Shacabka,Ciidanka iyo Maamulka Puntland. 2.Taageero dhinacyo badan leh oo ay ku darsanayaan dagaalka. Michael Nithavrianakis,waa socdaalkiisii ugu danbeeyay,waaana la badalay oo waxaa imaanaya Safiir cusub oo UK ku matalaya Somaliya. UK,waxay ka mid tahay Dowladaha dhanka Wardoonka ka taageeray hawlgalka sifaynta argagixisada ee Puntland.
Waxaa la garaacay Cascaso iyo Marsheed Maanta. Garaacista,waxaa fuliyay Sxb-da PL,gaar ahaan Maraykanka. Xaley ila Saakay,waxay Diyaaradaha Maraykanku wadaan ugaarsi Xubnaha muhiimka ah ee argagixisada.
Argagixisada? Maalin ka hor ayay qabsadeen 10-Magaalo oo Xamar ku hareeraysan,waana ku fashilmay Dagaalkii uu ku qaaday Sanad ka hor. Saldhiga Dayax-Gacmeedka? Turkiga,ayaa qorshaynaya in uu ka dhisto Saldhig Dayax-Gacmeed Somaliya,kaasoo uu rabo in uu sii kireeyo,mahan wax Somali leedahay ama dan ugu jirto kaliya,waa wax Xasan xoogaa Shaaha ka helayo. Dayn qaadasho? Dayn qaadashada ufuran Somaliya mahan Lacag Cadaan ah ee waa Mashaariic,waxayna ku xiran tahay Siyaasad midaysan iyo Amni laysku halayn karo. Doorasho Q&C? Somaliya Doorasho Q&C ay ka dhacayso majirto,balse,waa qorshe Xasan Kursiga kusii joogayo oo ku samaysanayo mudo kotorsi 2-Sano ah. Dastuurka? Somalidu,waxay heshiis ku ahayd,waa…
Argagixisada,waxay Difaacooodu ku ururiyeen Gaatir-Oodan oo ah goob muhiim u ah dagaalka oo leh Difaacyo dabiiciya. Ciidamada Difaaca Puntland iyo garab istaagooda weyn ee Imaaraadka,waxay wadaan duqayn joogta ah oo Caawaba socota,taasoo diciifinaysa,isla markaana burburinaysa dhufaysyada argagixisada. Ciidanku halka uu Caawa ku sugan yahay,waxay ujirtaa Gaatir-Oodan 8-Km,waana inta ugu muhiimsan hawlgalka sifaynta argagixisada Wajigiisa Labaad. Marka Gaatir-Oodan la galo,waxaa haraya 20-km oo Sheebaab ah oo aysan argagixisadu ku hakan karin oo durduro lagu gaarayo Dooxada. Maalmo kooban kadib,waxaa lagu dhawaaqi doonaa in uu guulaystay Wajigii 2-Aad ee hawlgalka oo ahaa Turmasaale-Dhasaan,waxaana loo gudbi doonaa Wajigii 3-Aad oo ah sifayn Guud…
By:-✍️ Dr. Liban Cigaal. Puntland waxay si geesinimo leh u hoggaamineysaa dagaalka lagula jiro Khawaarijta ISIS, iyada oo aan wax taageero ah ka helin Dowladda Federaalka. Halka ciidanka Puntland ay dhiiggooda u hurayaan difaaca dalka, madaxda Villa Soomaaliya waxay doorbideen inay sheegasho iyo iska indho-tir xaqiiqada dhabta ah isku mashquuliyaan. Wasiir Fiqi ayaa dhawaan sheegay in Dowladda Federaalka laga hor istaagay taageerada Puntland, balse su’aasha dhabta ah waxay tahay: Yaa idinka hor istaagay inaad booqataan ciidamadii Soomaaliyeed ee dhaawaca ahaa, kuwaas oo Addis Ababa lagu dabiibayay, meel aan ka fogeyn xaruntii aad shirka u joogteen ? Waaba haddii aad aaminsan…
Maanta ma dhicin wax dagaal ah kaliya Ciidanku horay,ayuu uruqaansaday Shido la’aan. Shalay,waxaa dhacay dagaal guul weyn lagu gaaray hadana dhibka soo gaaray Ciidamada Difaaca Puntland uu koobnaa. Afar Askari oo Shahiiday iyo 6-Dhaawac ah,ayuu noqday dhibka lagu hantay Guushii Shalay ee Ciidamada Puntland. Muhiimada,waa sifaynta fariisimaha kala ah… 1.Gaatir-Oodan 2.Curaar. 3.Sheebaab. Sida muuqata Ciidamada Difaaca Puntland si khibrad sare leh ayay ugalayaan dagaalka xiligan.
Fiqi waxa uusan fahansanayn hadalkan in MW Deni uyahay faa’ido weyn oo Shacabka Puntland usoo jiidaya,isla markaana uxaqiijinaya in uusan Villa-da waxyar oo dabac ah umuujin. Maanta reer Puntland Siyaasiga ka gadmaya ee ay u istaagayaan,waa kan aan Xamar uwadin oo ka fog si adgana ula Xisaabtama. Deni,waxa uu muujiyay adayg Villa-da ka dhan ah iyo Xisaabtan loo baahnaa,waana mida usoo jiiday Shacabka oo uu kagaga adkaaday Siyaasiyiintii kale ee reer Puntland. Mar walba oo Villa-da iyo Dadkeedu hadlaan Deni ayay utahay fursad iyo faa’iido sida hadalkan Fiqi oo Deni ka dhigay Wiil la holin waayay oo diiday sandareerto iyo…
Saldhigyada Toga-jeceel ee ku harsan Gacanta Argagixisada,waa …. 1.Gaatir-Oodan. 2.Curaar. 3.Sheebaab. Sadexdan Saldhig,waxay ku fadhiyaan 26-km,waxaana qiyaastu tahay Laba Maalin Dagaal oo min 10-Km la guuro. Galabta Ciidanku Guul weyn,ayuu gaaray,waxaana argagixisada ku dhacay Gacan fiican,iyagoo Ciidanka kusoo rogaal celiyay oo Xabadu socoto,ayaa Diyaaradaha duqayntu kor uga bilaabeen,waxaana isku raacay Xabadii Dhuka iyo garaacistii Cirka. Ciidanka Difaaca Puntland ruqaansi fiican ayay sameeyeen Maanta.
Sheebaab oo ahayd Madaxtooyada Argagixisada,waxay noo jirtaa 25-Km Caawa. Ciidanka Difaaca Puntland,waxay soo nadiifiyeen Dhul gaaraya 250-km oo ah Dhul adag oo leh Togag,Buuro,Jeexyo iyo Boholo. Waxay ku waayeen Ciidanka Difaaca Puntland xaqiijinta guushaas weyn ee Taariikhiga ah ku dhawaad 200-Askari oo isku jira Dhimasho iyo Dhaawac. 64-Askari oo Shahiid ah. 117-Dhaawac ah oo ay 78 fududahay oo 58 ka mid ah Dib ugu laabatay Dagaalka,halka 18 Dibada loo qaaday. Dowlada Puntland,waxay ku bixisay dagaalkan socda 2-Bilood Dhaqaale ku dhow $17-Milyan. Dhiiga iyo Dhaqaalaha ku baxay dagaalkan,waxa uu xaqiijiyay in 1-kii Km oo Dhulka reer Puntland ah uu ka Qiimo…
Today, two airstrikes in the Damdamaale area killed 29 ISIS terrorists. Seven were killed in the Damdamaale valley, while the rest were eliminated inside the village of Damdamaale. The airstrikes were carried out by Puntland’s allies, the United Arab Emirates.
Maanta Garaacistii Labaad,ayay fuliyeen Diyaaradaha Drons-ka Imaaraadka. Garaacistii saakay,waxaa lagu dilay 20-Maleeshiyada argagixisada ah. Kan Goor dhawayd dhacay weli ma cada khasaaraha lagu gaarsiiyay argagixisada. Dowlada Imaaraadka si hagar bax ah ayay Qayb uga qaadatay hawlgalka sifaynta argagixisada ee PL. Sadexdii Beri ee ugu danbaysay,waxay Imaaraadku fuliyeen 4-Duqayn oo muhiim ahaa,isla markaana argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro weyn,waxaana lagu dilay ku dhawaad 80-Xubnood oo argagixisada ah. Imaaraadku,waxa uu kasbaday quluubta Shacabka Puntland.
Hawlgalkii maanta oo ahaa Cir iyo Dhul, waxaa lagu dilay in ka badan 44 Argagixiso Daacish ah, waxaana laga qabsaday Argagixisada Deegaano muhim ah. Halkan ka akhriso:-
Ciidanka Difaaca Puntland,waxay Gacanta ku dhigeen Deegaanka Qurac iyo Dandamale oo ujirta Taliska Guud ee argagixisada ee Sheebaab 34-KM. Ciidanku Maanta,waxay sifeeyeen 10-KM. Saakay argagixisada,waxaa la garaacay,waxaana looga dilay garaacistaas 20-Nin. Dagaal toos ah oo dhexmaray argagixisada iyo Ciidanka Difaaca PL,waxaa looga dilay argagixisada 28-Nin. Waxaa jiray Niman Guri isku qariyay oo damacsanaa in ay Ciidanka isku qarxiyaan,waase la ogaaday oo waa lagu dumiyay,waana kuwa Sawiradooda lasoo bandhigay. Khasaaraha soo gaaray Ciidanka Difaaca P L,waa Gaari kuwa hawlgalka ah oo Miino la qaraxday,waxaana ku dhintay Hal Shihiid,iyadoo Lix kalena ku Dhaawacmeen. Ciidanka haatan halka uu ku sugan yahay marka laga…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay bilaabeen weerarkii soo afjarida argagixisada. Waxay Cagta mariyeen Talal ilaa Dhasaq. 13-Miino ayay qarxiyeen Ciidanku inta ay ku jireen hawlgalka Saakay ay ku dhaqaaqeen. Majirin Ciidan wax ku noqday Miinooyinkaas la qarxiyay. Argagixisada xogaha laga helayo,waxay sheegayaan in ay diyaariyeen… 1.Laba Gaari oo Qarax ka buuxo. 2.Mootooyin Qaraxyo ka buuxaan. 3.Rag isqarxinaya oo ay uyaqaanaan (Inqimaasi). Dhanka Toga Ina Cidoole firxad iyaga ah,ayaa lagu sheegay,waxaase dhici karta in ay yihiin kuwo mashquulin Ciidanka ah.
Kenya,waxay Qayb ka noqotay Quwadaha Gacmaha kula jira Sudan. Si cad,waxay uga Shaqaynaysaa burburinta Dowladnimada Sudan oo hadaba wiiqantay. Wadankeeda,waxaa ka dhacaya oo waliba ku qabanaysaa xarunta Shirarka ee KCC Shir Mucaaradka RSF iyo xulafadoodu ku dhisanayaan Dowlad barbar taala mida QM aqoonsan tahay ee Khartuum. Dowladaas,lagu dhudi doono Nayrobi,waxaa qorshuhu yahay in Galbeedka Sudan looga dhigo Xarun. Waxay xoguhu sheegayaan Kenya in Quwado Dibada Qaarada ah ku riixayaan taageerada Mucaaradka. Hab dhaqanka Kenya,waxay sii murginaysaa xaalka cakiran ee Bariga Afrika,waxayna Seenyaale udiraysaa in Wadamo kale oo Gobolka ah ay ka samaysmi karaan Dowlado iska soo horjeeda.
Bosaso : 19 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan. Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland. Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Og: Hay’adda Socdaalka Ujeeddo: Joojin Ajaanibta Degaanada Puntland soo gelaysa Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay…
Somaliya iyo Itoobiya,ayaa yeeshay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada farsamo ee kadib heshiiskii Baaqa Ankara, oo lagu doonayo in lagu xoojiyo xiriirka labada dal iyo nabadda gobolka. Wadahadalladan, oo Talaadadii ka dhacay Magaalada Ankara,ayaa waxaa martigeliyay wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, iyadoo wafdiyada ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliya, Cali Maxamed Cumar.
Today, an airstrike killed more than 11 members of the ISIS terrorist group who had gathered in a cave near the Sheebaab area in the Calmiskaad Mountains. The airstrike was carried out by Puntland’s government allies from the UAE. #Puntland #Hilaacoperation #Calmiskaad
Duqayn kale,ayaa ka dhacday Buuraha Cal miskaad. Duqeyn,waxaa lagu dilay 11-xubnood oo ka mid ah Maleeshiyada Argagixisada Daacish,sida ay xaqiijisay Dowlada Puntland. Duqaynta,ayaa ka dhacday God ku dhow Sheebaab oo ka tirsan Cal miskaad. Dowlada Imaaraadka Carabta oo garab ugu ah Puntland dagaalka argagixisada,ayaa fulisay. Maalmaha soo socda Ciidamada Difaaca Puntland,waxay qaadi doonaan weerar Dhulka ah oo xoog badan,kaasoo ka dhan ah argagixisada
Wadadan,waxay muhiim utahay loolanka Gobolka Sanaag ee Puntland iyo Somaliland,waana mida ku aadan Wadada Burco-Ceerigaabo. 60-kii Sano ee Somaliya ay xorta ahayd Sanaag nasiib uma yeelan Kaabayaal Dhaqaale oo macno leh. 26-kii Sano ee ay Puntland jirtay Sanaag,waxaa ka hirgalay Mashaariic door ah oo laga xusi karo….. 1.Wadadan dhismaheedu socdo. 2.Jaamacada Badhan. 3.Garoonka Diyaaradaha Badhan oo la dayactiray. 4.Xarumaha Maamulka oo la hormariyay. 5.Ceelal Biyood door ah. Sanaag,waa Wadnaha Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Qasa haddii dagaalka la soo afjaro. Diblomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan. Wadahadalka mas’uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka. Qorshahaas…
Waxaa la yaab leh in Safiirka Somaliya ufadhiya Sacuudiga uu hayo Magacyada Dadka xiran ee la Tooganayo. Safiirku arinkaas kama hadlin,mana ogaysiin ehelkooda mana samayn wax ficil ah oo uu ku difaacayo Dadkaas ku xiran Sacuudiga. 45-Qof oo Somaliya in ay Dil uxiran yihiin oo DDowlada haysata Aqoonsiga QM aysan ka hadlin,waa wax muujinaya sida ay utahay Qayra masuul. Xasan Shiikh,waa Ninka ugu socodka badan Madaxweynayaasha Caalamka,sidaas oo ay tahay,waa garan waayay in uu Safardiisa ku darsado uqareemida Dadkaas xiran. Diinta Islaamku ma qabto in Daroogo Qof loo dilo. Sidoo kale Xeerka Somaliya ma qabo in Daroogo Qof loo Toogto.…
DFS,waa Magac haysta Aqoonsiga QM,intaasaa keenaysa in la xuso ee wax saamayn ah iyo wax tala ah oo ay ku leedahay Garaacista PL ka dhacda majirto. Goobaha la garaacayo,waxaa bixiya PL,isla markaana wakhtiga garaacistu dhacayso,iyada,ayaa lala soo wadaagaa. Sadex duqayn,ayaa Xalay dhacay oo ay kala fuliyeen Imaaraadka iyo Maraykanka. Laba,waxaa fuliyay Imaaraadka,halka midna uu fuliyay Maraykanka,waxaana xoog badnayd mid ka mid ah kuwa Imaaraadku fuliyay Sxb-da Caalamka ee PL,waxay mudan yihiin bogaadin,gaar ahaan Imaaraadku,waxa uu umuujiyay PL Dhiig shubid.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyay Hawlgallada Amni ee ka socda magaalooyinka Gobolkaasi ayaa sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno badan oo dakhliga u ururin jiray kooxaha Daacish. Gaashaanle sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo faahfaahin ka bixiyay Hawlgalladii laga sameeyay Boosaaso ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno badan oo ka tirsan Kooxda ISIS, oo ay ku jiraan kuwii dakhliga ururin jiray iyo kuwii qaabilsanaa qaraxyada la aaso. “Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u…
Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Mareykanka,ayaa Talaadada ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wadahadlaan hagaajinta xiriirka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump. Wadahadalladan,ayaa imaanaya,iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo colaadda Ukraine ay sare u kacayaan. Talaabadan ayaa daba socota markii Madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkii hore telefoon kula xiriiray Putin iyo Volodymyr Zelensky, isaga oo labada Madaxweyne ku cadaadiyey inay joojiyaan dagaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Putin, Yury Ushakov, ayaa…
The rise of ISIS in Puntland was not inevitable, it was preventable. These terrorists did not appear overnight; they slowly built their presence, exploiting Puntland’s lack of immigration control, fragmented security forces, weak financial oversight, and international isolation. Puntland did not fail because it lacked the will to act but because it lacked the institutions to detect, monitor, and eliminate the threat early on. Puntland reserved for the Federal Government of Somalia to establish these four key institutions: immigration, defense, financial oversight, and foreign relations. These were the only institutions Puntland agreed to reserve for the federal government under the…
The United States and the United Arab Emirates have carried out airstrikes targeting areas in the Calmiskaad Mountains, located in the Jaceel Valley. These joint operations took place today, February 16. In the afternoon, the UAE launched an airstrike on Xaankooki, near Dhasaan. Later in the evening, USAfricaCommand warplanes bombed GodkaKunle, near Daramodow. The operation, codenamed “Hilaac”, is part of Puntland’s ongoing offensive against #ISIS fighters in the region, which has been active since the beginning of the year. The government has confirmed that it has reclaimed territories previously controlled by the group and inflicted casualties during the battles. Somalia…
Sxb-da Caalamka ee Puntland,ayaa fuliyay Sadex duqaymo Galabta ilaa Caawa. Xakookil oo udhow Dhasaan ah iyo Godka Kunle oo udhow Darin Madoobe ah,ayay ka kala dhaceen Duqaymaha. Bartilmaameedka Duqaymahan,ayaa ahaa hogaamiyayaasha ugu sareeya argagixisada Daacish. Maalmaha soo socda,ayaa la helayaa xaqiijinta rasmiga ah ee khasaaraha la gaarsiiyay argagixisada. Sxb-da Caalamka ee PL,waxay muujinayaan garab istaag weyn oo ay usamaynayaan Ciidamada ku jira hawlgalka sifaynta argagixisada Hillaac.