Author: Jibril Qoobey

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid ayaa Shir gudoomiyey kullan lagu soo Bandhigayey Habraac loo adeegsanayo dajinta Siyaasadaha Dawladda , waxaana shirkan isugu yimi Agaasimayaasha guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha qorsheynta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda iyo Khuburo ka socotay Bankiga Aduunka . Muna Cabdirisaaq Xusseen oo ah Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Siyaasadaha ee madaxtooyada ayaa kullanka ka soo jeedisay tubta toosan ee loomarayo Habraaca Siyaasadaha Dawladda si loo dardargeliyo shaqooyinka Horumarineed ee Wasaaradaha iyo Hay’aduhu maamulaan. https://www.youtube.com/watch?v=0DpPzOcKH2c Idilnews

Read More

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda cunada iyo beeraha ee (FAO). Wafdigan oo uu hogaaminayey wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hey’adda FAO, Etienne Philips, ayaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ka dhageystay baahiyaha ka jira deegaanada Jubbaland, iyadoo intii uu shirku socday si weyn diiradda loo saaray sida ay muhiimka u tahay in abaaraha deegaanada Jubbaland ka jira wax badan laga qabto. Idilnews

Read More

Boqolaal qof ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan roob doon iyo Alle bari. Waxaana Roobdoonkan uu kusoo beegmayaa xilli abaar ba’an oo saameysay dad iyo duunyaba ay ka jirto deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland. Isu soo baxan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda, Awqafta iyo Arimaha diinta Jubbaland ayaa dadkii isu soo baxay waxa ay sameeyeen Alle barri iyagoona halkaasi ku tukaday Salaad ay Alle ku weydiisanayeen in abaarta ka dulqaado bulshada Soomaaliyeed. https://www.facebook.com/JLTVOFFICIAL/videos/282483143785377 Idilnews

Read More

Guddiga Xallinta khilaafaadka Doorashooyinka ayaa go’aam kasoo saaray dacwad laga gudbiyay Doorashada Kursi ildhibaan ee lanbar HOP#239, kaas oo loo doortay dhowaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi Guuleed. Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa sheegay in Hanaanka loo maamuley Doorashada Kursi Lanbar HOP#239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan Habraacii loo dajiyay Doorashooyinka dadban 2020/2021. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS. Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM. Idilnews

Read More

Hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa faah fahain ka bixiyay qorahahooda Galmudug iyo hadii ay wada-hadallo la galayaan Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug. Macalin Maxamuud oo Wareysi siiyau Idaacadsa BBC-DA waxaa uu sheegay in ka Ahlusunna ahaan ay Galmudug u deeynayaan doorka Madaxweynaha, iyagana ay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaaraha. Waxaa uu si cad u sheegay hadii ay dhici waayaan wada-hadallada Ahlusunna iyo Galmudug inay howshooda dowladnimo iska sii wadan doonaan, isla markaana ciddii soo weerarka ay iska celin doonaan. https://www.facebook.com/bbcnewssomali/videos/3068860820039885 Idilnews

Read More

Saddex gabdhood ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhexaysa Dalwayn iyo Jurille. Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo ah nooca ay Soomaalidu u taqaan Noha iyo Saabuun. Gabdhaha dhintay laba ka mid ayaa ku sii jeeday magaalada Qardho, halkaa oo la sheegay iney ugu socdeen ka qayb-galka aas loo samaynayay marxuum ay ehel ahaayeen oo xalay geeryooday. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Cabdiqafaar Cilmi Xaange Ayaa Saaka Shir gudoomiyey shir dib-u-eegista loogu samaynayey Mashruuca Biyoole oo uu Maalgaliyo Bank Aduunka Shirka ayaa lagu falan qayn doona waxyaalihii u qabsoomay iyo Qorshayaasha u degsan si looga gudbo Caqabadaha jira. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay khuburo ka Socotay Bankiga Aduunka (World Bank), Dowlada Faradalka , Galmudug iyo Koonfur Galbeed . Idilnews

Read More

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa dabada ka riixaya in Maxamed Cali Shire,loo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Bari. Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku gacan seyray labo jeer in uu magacaabo Maxamed Shire, oo ahaa maamulihii dhanka dhaqaalaha ee Cabdisamad Gallan, inuu uu ku jiray buuraleyda gobalka Bari, wadayna kacdoonka ka dhanka ah Xukuumaddii Madaxweyne Cabdiweli Gaas. Sidoo kale,waxuu Maxamed soo ahaa kooxdii Asmara ee Sh.Shariif,isagoo noqday Xildhibaanadii Jabuti ee garabkaas. Wareegto uu Madaxweyne Deni ugu magacaabo Shire Guddoomiyaha gobalka Bari ayaa loo arkaa mid gacanta gobalka ka saari doonta siyaasadda Puntland. Jibril Qoobey. Idilnews

Read More

Wakaaladda Hormarinta Biyaha Puntland ayaa ka hirgalisay deegaanka Qalwo ee gobalka Karkaar War-biyood weyn, taas oo baahi ay u qabeen dadka deegaanka. Dhismaha wartaan oo mudo soo socotay, ayaa loogu talagallay in xiliyada roobku ay biyaha celiso sidda dadka deegaanka Qalwo iyo kuwa miyiga ay uga faaidaystaaan, waqtiyada jiilaalka ah. https://youtu.be/bijT4xwAgeM Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Saldhiga Dekedda. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 34 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Agaasime Ku-xigeenka Ciidamada PMPF ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha shaqo ee horyaala PMPF-ta Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta Dowladda Puntland Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Idilnews

Read More

Hay’adda Nasad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigeen Shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo isku diyaarisay qalqal-gelinta Amniga magaalada Baydhabo oo Xarun KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Taliyaha Nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan Shaahiyow ayaa sheegay in tirada xubnaha la qabtay ay gaarayaan 12-ruux, isla markaana hadda ay ku jiraan gacanta laamaha amniga cadaaladdana la horkeeni doono. Shabakadda ay Ciidamada Amniga ee NISA ay qabteen waxaa ku jiro dad qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe kula kulmay qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland. Kulanka waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, sida Amniga, Siyaasadda, horumarinta arrimaha Bulshada, arrimaha barakacayaasha iyo u diyaar garowga dhaqangelinta siyaasadda barakacayaasha ee ay samaysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha hortabinta leh ee hadda ka socda guud ahaan Degmooyinka Puntland. Sidookale, waxaa shirka looga wada hadlay xaaladda abaaraha oo hadda deegaamada qaybtood ka jirta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaaa. Kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Dowladaha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Mudane James Swan oo ay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS. https://youtu.be/LCdlYv1U0Vw Idilnews

Read More

Wasiirka wasaaradda cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Yuusuf Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa iclaamiyay roob doon maalinta berri ah ka dhici doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Wasiirka ayaa bulshada reer Kismaayo ugu baaqay in ay isku soo baxaan oo si wanaagsan uga qayb qaataan roob doonka, loona baahany in Eebbe la waydiisto in uu bulshada ka dul qaado abaarta. Roob doonkan uu iclaamiyey Wasiirka Cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xili ay abaaro ka jiraan qaybo ka mid ah deegaanada Jubbaland, taas oo…

Read More

Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xafiiskiisa kula kulmay Masuuliyiin ka socday Banka Adduunka, gaar ahaan Barnaamijka RCF. Wasiirka iyo Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii Banka Adduunku gacan uga geysan lahaa barnaamijyada dowlad wanaagga iyo Dimuqraadiyeynta, gaar ahaan daadajinta adeegga iyo Maamulka Dowladaha Hoose. Shirka ayaa ku soo dhammaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Banka Adduunku ka wada shaqeeyaan sidii lagu xoojin lahaa maamul daadajinta iyo Dimuqraadiyeynta. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soonaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa sheegay inay weerari doonaan magaalada Addis Ababa, hadii ay la wareegaan xoogaga TPLF. Mustafe Cagjar oo kulan la qaatay sabtidii Odayaasha magaalada Jigjiga ayaa sheegay in aysan aqbali karin in hoggaanka Itoobiya uu mar kale gacanta u galo Tigreega, oo uu u soo magacaabo deegaanka Soomaalida, dad ay iyagu u taliyaan. https://www.facebook.com/193939464545960/posts/950984292174803/ Idilnews

Read More

Taliyaha Qeybta Booliiska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa digniin u diray dhalinyarada dhaca ka geysata magaalada Boosaaso, isagoo sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay waalidiinta inay l socdaan carruurtooda, waxaana uu intaas ku daray in qofkii ay ku qabtaan kiis la xariira dhaca shacabka, ayna xukun ku rido maxkamad ay u dhaadhicin doonaan xabsiyada magaalooyinka kale ee Puntland, oo aan lagu xiri doonin magaalada Boosaaso. https://youtu.be/hRJ7IjgFsnM Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa sheegay in isagoon wax dhibaata ah soo gaarin uu ka badbaaday weerrar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda waddankaasi. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu khaarijin rabay. Warar ay baahiyeen warbaahinta ayaa goor hore lagu sheegay in Mr al-Kadhimi loo qaaday isbitaalka. Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku baaqay in “la isdajiyo…

Read More

Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn caawa ku dhexmartay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo ciidammo katirsan Booliska Puntland, gaar ahaan ciidanka ilaalada nabad-gelyada waddooyinka ee (Taraafikada). Is-rasaaseyntan ayaa timid kaddib markii labada ciidan ay isku maandhaafeen gaari laga xareeyay askar katirsan ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland, waxaana dhawaqa rasaasta si weyn looga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Garoowe. Ma jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo ku saabsan Is-rasaaseynta dhexmartay ciidammada Puntland, iyadoo si weyn ay u hadal hayaan dhacdadan shacabka magaalada Garoowe. Idilnews

Read More

.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharuif Sheekh Axmed, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaas oo ay ka wada-hadleen xaalada guud ee dalka. Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay dardar-gelinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee matalaya goballada waqooyi, iyo sidii loo ilaali lahaa hufnaanteeda. Idilnews

Read More

Simon Mulongo oo ahaa Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii dawlada Soomaaliya dalka uga caysrisay, waxaana uu sheegay in uusan ogeyn ilaa hadda sababta lagu cayriyay. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in wadada lagu cayriyay ay aheyd mid aan laga bixin wax faahfaahin ah, islamarkaana uu la yaabay. “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.” Ayuu yiri Simon. Waxaa uu sidoo kale intaasi kusii daray “Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax…

Read More

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Timacde waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaal ka socda wasaaradaha bah-wadaagta la ah mashruuca maamul baahinta Puntland, gudoomiyayaasha degmooyinka uu ka socdo mashruucu, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey mashruuca hormuudka maamul baahinta Puntland oo kamida mashaariicda sida tooska ah u hoostaga xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa socon doona mudo laba beri ah. https://youtu.be/YcA20ACkGQM Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul), isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday. Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda. Idilnews

Read More

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr- Jamac Farax Xasan ayaa maanta ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee caabuqa Covid19, wasiirka ayaa xusay in iyadoo la galay waqtiga qaboobaha ah ay jirto in koror uu ku yimid xanuunka Covid19 si gaar ah degmooyinka Qardho iyo Buuhoodle. Wasiirka ayaa xusay in labadii tododbaad ee la soo dhaafay dad badan laga helay xanuunka sidoo kalena ilaa dhawr qof ugu dhinteen xanuunka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay magaalo Qardho oo dhawaan ay ka dhacday doorashadii horu dhaca ahayd ee golaha deegaanka ay sababtay safafkii dhadheeraa ee dadweynuhu galeen in xanuunka uu ku fiday sababayna…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismail Mohamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Golaha Wakiillada DPL iyo qeybinta Wax-ka-bedelka Xeerka Maandooriyaha Puntland. Fadhiga oo ay soo xaadireen 53 Xildhibaan ayaa la gudo-galay buuxinta Booska Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Golaha Wakiillada DPL ee ka bannaanadey Guddiga joogtada gaar ahaan xubnihii matalayey…

Read More

Laamaha Amniga Magaalada Bosaaso ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii La soo dhaafay Cabasho Wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Bosaaso. Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Magalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo manta lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Bosaaso. Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas. https://www.facebook.com/Baripolice/videos/271932221387406 Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo…

Read More

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa digniin ay Jimcihii soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo laga cabsi qabo in xooggaga mucaaradka ay gudaha u galaan caasimadda Addis Ababa. “Xaaladda ammaan ee Itoobiya ayaa ah mid aad u qasan. Waxaan kula talineynaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkan inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu sheegay farriin la soo dhigay bogga internet-ka ee safaaradda. Digniinta Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sagaal urur oo mucaarad ah Washington uga dhawaaqeen isbahaysi ka dhan ah xukuumadda Abiy…

Read More

Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa ka war kasoo saaray abaaro baahsan oo ka jira deegaano dhowr ah oo ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan kuwo hoostega magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka degaanada. Duqa degmada koonfurta magaaladda Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in abaaro darran ay ka jiraan deegaanada gobalka Mudug, isla markaana saameyn xoogan ku yeelatay abaarta dadka iyo duunyada oo ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah. https://www.facebook.com/DegmadaGaalkacyoGalmudug/videos/3007649042811931 Idilnews

Read More

Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay farriin ku socota Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed Hirshabeelle iyo Galmudug. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa Madaxda loogu booriyay inay si dhaqsi ah u dhameystiraan doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Mareykanka ayaa Madaxda Dowlad-Goboleedyada ka dalbaday in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la dardar-geliyo, ayna noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo ku dhacda si nabad ah kahor dhammaadka sanadkaan 2021. https://twitter.com/US2SOMALIA/status/1456678965754613765 Idilnews

Read More

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif. Safiirka ayaa sheegay in agaasimaha uu kalla hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarada la siiyo Soomaaliya ee ay bixiso Xaruntaan, kuwaas oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha Dowladda iyadoo la xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo labadda shacab. Safiirka Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay doorka ay Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira ay ka…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayay walaac kaga muujiey dib-u-dhaca doorashooyinka dalka, iyagoo ugu baaqdey madaxda dowladaha xubnaha ka ah DFS in si buuxda loo fuliyo heshiiskii 17 September, lana dad-dejiyo doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS. Halkaan hoose ka Akhriso Bayaanka Beesha Caalamka. Saaxiibada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo. Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la qadeeyay oo wakhti la qaatay Ciidamada Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Taliska Ciidamada Madaxtooyada, Kadibna wuxuu ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo dadka u hayaan, isagoo kulan la qaatay Ciidamo ku dhaawacmay difaaca dalka kuwaasi oo uu amray in dhakhso wax looga qabto baahiyahooda Caafimaad. Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo ah kuwa ugu horeeyay ee lagu billaabay qorshaha dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidamada Puntland, waxaa ka muuqda isbedel weyn oo dhinaca horumarka ah, Kaasi oo ku yimi balan qaadkii Madaxweynaha ee dib-u-habeynta Ciidamada oo hirgalay. Madaxweyne Deni ayaa…

Read More

Taliska Qeybta Booliska gobalka Mudug ayaa fagaare ku yaalla magaalada Gaalkacyo ku burburiyay 20 kartoon oo khamri ah, taas oo Ciidammada Boolisku horey ugu qabteen guri ku yaal Gaalkacyo. Fagaaraha khamridan lagu burburinayay ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad, Taliyaha Howlgalinta Taliska qaybta Booliska iyo Taliyaha Saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, sidoo kale Gudoomiyuhu digniin udiray cid kasta oo ku howlan maandooriyaha isagoona faray dhamaan laamaha Amniga…

Read More

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunku taageero. Shir ka dhacay xarunta Wasaaradda oo ay yeesheen labadda dhinac ayaa waxa ka qayb galay Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka, Xisaabiyaha guud ee dowladda Agaasimaha dakhliga, iyo madax ka socotay mashruuca RCRF ee Bangiga adduunka. Madaxda ka socotay mashruuca RCRF ee u taageero Bangiga adduunka ayaa ujeedada kormeerkoodu ahaa sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda uu marayo mashruucu. https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/421339566229561 Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa madaxda mashruuca RCRF arrimaha ay kala hadleen waxa kamid ahaa…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir guddoomiyey Shirka isku xirka baahinta maaliyada kaas oo xafiiska hormuudka maamul baahinta Puntland iyo wasaarada maaliyada Dowladda Puntland ku wareejiyeen degmooyinka uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka lacag dhan $3,308,392.92 taas oo loogu talagalay laba mashruuc oo kala ah Sanduuqa maxaliga ah ee (LDF) oo loo qoondeeyey lacag dhan $ 2,440,892.92 halka horumarinta adeega bulshada ( SDM) loo qoondeeyey lacag dhan $867,500.00. https://youtu.be/0sf51R03hhk Madaxweyne ku-xigeenka Dowadda Puntland ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta xafiiska hormuudka maamul baahinta shaqada wanaagsan ee ay qabteen, iyada oo uu…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay kuxigeenka Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Simon Mulongo, inuu muddo 7 maalmood ah uga baxo dalka, kaddib markii ay ku eedeysay inuu ku jiro howlo aan waafaqsaneyn wajibaadka AMISOM. Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS ayaa Persona Non-grata loogu jaray Mr. Mulongo, taas oo ah inaan dalka laga rabin. https://twitter.com/AbdirashidAbd19/status/1456255512526278668?t=YI4mZu59VpSwQBGIOY8WCw&s=19 Idilnews

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu kulan la qaatay saraakiil ka tirsan mid kamid ah hogaanka Ciidamada Dowlada Puntland ka Tageerta Ladagalanka argagixisada. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo tababarada la siiyo Ciidanka Boolisla si ay ula dagalamaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Hennie Niemann oo kamid ah Sarakiisha Dowlada Puntland ee ka tageerta Ladagalanka argagixisada ayaa intaas kaib waxaa uu aqoon is weydaarsi siiyay sarakiisha Boolisa Gobalka Bari iyo Taliyaasha Rugaha iyadoo inta badan looga hadlay sida looga hortago dhibaato walba oo ay sameeyaan kooxaha argagixisada iyo siyaabaha looga hortagi…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo dhan $354,039,039. Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada Dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland. Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda oo dhakhso loo…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowladda Jubaland ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland. Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia Seychelles. Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah Madaxwaynaha Dowladda Jubaland Mudane…

Read More

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saartay diyaaraddii xamuulka ahayd ee shalay ku gubatay Garoonka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa TransallC-160 NG, kuna suntanayd: EY-360 ayna ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Adan-Cade kuna socotey Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, isla markaana gabi ahaanba gubatey, kadib dab ka kacay gudaha Diyaaradda. ” Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu iyada oo ka xun shilkaas nasiib darada ah, waxay cambaareyneysaa Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ku Amartay dublamaasiyiinteeda ku sugan dalka Itoobiya ee aan qaban arrimaha deg-dega ah inay ka baxaan, iyaga iyo xaasaskooda magaalada Addis Ababa. Sidoo kale, Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniintiisa inay u safraan dalka Itoobiya, isagoo kuwa ku sugana u soo jeediyay inay ka baxaan. Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa imaanaya xilli ay sii cakirmayso xaalada dalka Itoobiya, iyadoo magaalada Addis Ababa ay qarka u saaran yihiin xoogaga xoreynta Oromada ee OLA, oo isbaheysi la ah Ciidammada TPLF. Idilnews

Read More

Shirkad Israa’iil laga leeyahay oo samaysay barnaamijka basaasnimada ee muranka dhaliyay ee Pegasus ayaa lagu daray liiska madow ee shirkadaha uu ganacsiga ka xannibay Maraykanka. Barnaamijka Pegasus ayaa la sheegay inay adeegsadeen dowladdo si ay u beegsadaan telefoonnada dadka u ololeeya xuquuqda iyo weriyayaal. Maraykanka ayaa shirkadda NSO Group ku daray kuwa aan ganacsiga lala sameyn karin. Shirkadda ayaa sheegtay inay la “yaabtay” go’aanka, iyadoo intaa raacisay in tiknoolajiyadeeda ay gacan ka geysatay amniga Maraykanka oo ay “ka hortagtay argagixisada iyo dembiyada.” NSO Group ayaa ku doodday in barnaamijkeeda ay ka iibiso milateriga iyo laamaha ammaanka ee dowladaha uu wanaagsan…

Read More

Waaxda Garoomada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xaraashi doonto 73 diyaaradood oo duug ah oo in muddo ah meel iska yaallay, kuwaas oo ay ku jiraan labo ka mid ah diyaaradihii Ciidamada Cirka Soomaaliya ah. Waaxda KAA ayaa ugu baaqday dadka daneynaya inay iibsadaan diyaaradahan inay bishan dhexdeeda tagaan goobaha lagu soo bandhigayo. Qaar ka mid ah hay’adaha diyaaradooda aan laga soo uruurin ee ku sugan garoomada KAA waxaa ka mid ah Somali Air Force, Jubba Airways, Jetlink, Skyward, Eagle Aviation, Prestige Aviation, Fly540, Pan Africa Airways, iyo Planes for Africa. Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya, Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable…

Read More

Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka wada buuraleyda gobalka Bari. Howlgaladan ayaa ciidammadu si gaar ah uga sameynayaan goobo lagu tuhunsan yahay inay ku dhuumaleysaneyso Argagixisada, oo ku yaala buuraleyda Calmiskaad. Ma jiro faafin ilaa hada kasoo baxaysa howlgaladan ay wadaan Ciidammada Puntland, waxaana ay kusoo aadayaan xilli dhowaan kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaaday saldhigga Ciidammada Puntland ee deegaanka Af-Urur. Idilnews

Read More

Diyaaradaha dagaalka ee Ciidammada DF Itoobiya ayaa duqeymo cirka ah ka wada magaalada Adi-hageray ee Deegaanka Tigray. Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa kusoo warramaysa inay diyaaraduhu si gaar ah u deynayaan saldhig ay leeyihiin Xoogaga TPLF, kuwaas oo dagaal adag kula jira Ciidammada Abiy Ahmed. Sidoo kale, Waxaa ay sheegeen in lagu burburiyay duqeymahan saldhiga oo ah mid ay TPLF ku tababarto dhalinyarada ku biirta, iyo keyd hubka ah oo ku yaalay. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshada Oxygen-ta sameysa oo Wasaaradda Caafimaadka we Dowladda Puntland ay kusoo kordhisay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho. Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka Covid-19, waxaana sidoo kale Dowladda u Qorsheysay inay Warshado oxygen geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray qaybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha waxkayar 9bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu…

Read More

Baaritaan ay Qaramada Midoobay ku sameysay xad-gudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacey gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya, ayaa lagu ogaadey in dhammaan dhinacyada isku haya colaadda ay geysteen xadgudubyo ka dhigan in la galey Dambiyo Dagaal. Warbixintu waxey si faah faahsan uga hadashey dilalka loo geystey boqolaal qof oo rayid ah. Dagaalka ayaa bilawdey 4-tii bishii November, ee sanadkii hore ee 2020-ka. Wuxuu bilawdey dagaalka markii ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed, uu amar ku bixiyey duullaan ka dhan ah ciidamada gobolka Tigreega. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay xaafad cusub oo hab casri ah loo dhisay taasi oo laga hirgelinayo banaanka magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar. Xaafadan cusub ayaa wejiga koowaad loogu talagalay in loo diyaariyo dad ka badan 5,000 oo qof in ay degaan, waxaana loo sameyn doonaa adeegyada daruuriga ah sida Iskuuladii, Isbtaaladii, Masaajida, Wadooyinkii iyo xarumihii Dowladda. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/347241670532374 Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga kajaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo Hay’adda FOA, taasi oo sahashay in sidii loogu talagalay loo hirgeliyo xaruntan, oo ah tan ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka Keeska Africa. Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in xarunta Ayaxa ee Soomaaliya loogu magac daro Wasiirkii hore ee Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha guddiga Golaha Hormarinta Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka bilaha ah ee Golaha hormarinta Gobolka Bari. Shirka ayaa waxa looga hadlay Bishan xaalladda guud ee amniga Gobolka Bari, xaalladda guud ee Cafimaadka Iyo COVID-19, u Diyaar garowgga doorashada aqalka hoose ee heer Fadaraal, is xog-wareysi mashaariicda socota Iyo deeqaha, Buuxinta foomka Isuuduwayaasha, xaalladda jilaalka Iyo roobabka. waxa ka soo qeyb galay shirka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Iyo dhammaan isuduwayaasha wasaaradaha ka howl-gala Gobolka. Guddoomiye Mudane Senator Cabdisamad…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay shirka wada hadalka hay’adaha dowladda dhexe iyo dowladaha hoose ee geedi socodka tubta maamul baahinta Puntland. Shirka ayaa looga hadlay dar-dar galinta howlaha geedi socodka degmooyinka Puntland, qiimaynta shaqooyinka qabsoomay, wareejinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasiga ah ee degmooyinka Garoowe, Qardho Bosaaso iyo Gaalkacyo, qorshayasha, fursadaha iyo caqabadaha jira. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyay xafiiska hormuudka maamul baahinta Puntland shaqada ay qabteen, waxaana uu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan howlaha horyaalla. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/456364365912067 Idilnews

Read More