Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Jaamac “Doorashadii ka dhacday Qardho waxay sababtay fiditaanka COVID-19” (VIDEO)
    Somalia

    Wasiir Jaamac “Doorashadii ka dhacday Qardho waxay sababtay fiditaanka COVID-19” (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2021Updated:November 6, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr- Jamac Farax Xasan ayaa maanta ka hadlay xaaladihii ugu danbeeyay ee caabuqa Covid19, wasiirka ayaa xusay in iyadoo la galay waqtiga qaboobaha ah ay jirto in koror uu ku yimid xanuunka Covid19 si gaar ah degmooyinka Qardho iyo Buuhoodle.

    Wasiirka ayaa xusay in labadii tododbaad ee la soo dhaafay dad badan laga helay xanuunka sidoo kalena ilaa dhawr qof ugu dhinteen xanuunka.

    Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay magaalo Qardho oo dhawaan ay ka dhacday doorashadii horu dhaca ahayd ee golaha deegaanka ay sababtay safafkii dhadheeraa ee dadweynuhu galeen in xanuunka uu ku fiday sababayna in dad badan laga helay.

    https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/2332070230260543

    Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraduu degmada Buuhoodle gaarsiisay Oxygenta sidoo kalena dadweynaha waxa uu kula taliyay inay talaalka qaataan,talaalka waa waxa kaliya ee la hubo in lagu yarayn karo fiditaanka xanuunka iyo saamayntiisa.

    Wasiirka ayaa ugu danbeyn maamulka heer gobol Cayn kula dardaarmay inay kordhiyaan bixinta talaalka sidoo kalena wadaan wacyigalinta bulshada.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.