Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garoowe: Askar ku dhaawacmatay Is-rasaaseyn dhexmartay ciidammo ka wada tirsan Puntland
    Somalia

    Garoowe: Askar ku dhaawacmatay Is-rasaaseyn dhexmartay ciidammo ka wada tirsan Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 6, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn caawa ku dhexmartay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo ciidammo katirsan Booliska Puntland, gaar ahaan ciidanka ilaalada nabad-gelyada waddooyinka ee (Taraafikada).

    Is-rasaaseyntan ayaa timid kaddib markii labada ciidan ay isku maandhaafeen gaari laga xareeyay askar katirsan ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland, waxaana dhawaqa rasaasta si weyn looga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Garoowe.

    Ma jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo ku saabsan Is-rasaaseynta dhexmartay ciidammada Puntland, iyadoo si weyn ay u hadal hayaan dhacdadan shacabka magaalada Garoowe.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.